Faallo Kooban: Khudbadii Madaxweynaha ee qalinjebinta Jaamacadda (WQ: Gullied Moh Ismacil)

Waxaan halkan faallo kooban kaga bixinayaa aragtidayda qudbaddii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay qalinjabinta dufcaddii 17aad ee Jaamacadda Hargeysa.

Aragtidayda, qodobbada soo socda ayaa faallo iyo falanqaynba mudan.

1. Madaxweynuhu bilawgiiba wuxu qudbadda ku furay in heerka waxbarashada dalku aanu gaadhsiisnayn halkii loo baahnaa. Arrintaas xalkeeda, madaxweynuhu waxa uu u daayay shacabka uu maamulo.

2. Madaxweynuhu wuxu khudbaddiisa u adeegsaday tirakoobyo aanu sheegin ciddii samaysay iyo halka uu ka soo xigtay toona. Tusaale ahaan, waxa uu tirada ardayda dugsiyada hoose dhigata ku tilmaamayay hal milyan oo arday.

3. Qabyaaladda qoqobka iyo qaybinta ayuu dadka ka wacdiyay, walow ay intaasiba ahaayeen intii uu isagu kursiga ku helay. Maahmaah baa tidhaa, “hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho.”

Wax kalaba iska dhaaf oo heerka ay madaxweynaha ka joogto aragtida qaybinta iyo qoqobku waxa aad ka arki kartaa sida uu xilalka xukuumaddiisa u qaybiyo, miisaaniyadda dalkana u qorsheeyo.

4. Madaxweynuhu kama uusan jawaabin dhammaan eedihi Xirsi u soo jeediyay ee intooda badan uu kaga hadlayay hoosudhaca heerka Waxbarashada dalka iyo sida xukuumaddiisu ugu fashilantay dhammaystirka jidka Ceerigaabo. Xirsi wuxu sheegay in xukuumada Muuse muddo afar sanno ku dhow ay dhismaha jidkaas ku dareen tobaneeyo Kiiloomitir.

5. Jawaab la’aanta madaxweynuhu laba mid uun bay noqonaysaa: In Xirsi uga xogogaalsan yahay xaaladda dalka xukuumadda uu hoggaamiyaha ka yahay iyo in dhaliilahaasi run yihiin.

6. Khudbadda madaxweynaha kuma ay jirin wax ballanqaad iyo rejo abuur ah oo ardayda qalinjabinaysa yididiilo ku beeri kara.

Ugu dambayn, Allah ha inoo aqbalo ducadii madaxweynaha, isagana ha waafajiyo talada toosan.

 

Gullied Moh Ismacil