Fahamka hibooyinka alle ku siiyay (WQ: Maxamed Sh. F. Cilmi)

FAHAMKA HIBOOYINKA ALLE KU SIIYAY

(Understanding your talents, strength finder)

Cutub ka mid ah Buuga JIDKA FARXADA

 

Fahamka Badhaadhahaaga

 

Waa halka inta badan ay ciladu ku jirto, in ujeedada ugu weyn ee barnaamijyada waxbarasho ay yihiin in ay kaa caawiyaan sidii aad u noqon lahayd qof aanad ahayn ama aanad noqon karin. Haddii aadan hibo u lahayn, waxa aad ku khasban tahay in aad wakhti iyo dadaal badan geliso sidii aad takhasuskaas ku sameyn lahayd. Bar-bilow ilaa dhamaad, waxa wakhtigeena inta badan aynu galinaa oo aan aad ugu mashquulnaa gal-dalooladeena, in ka badan badhaadhaheena.

 

Waxa jirta odhaah si khaldan dadku inta badan u isticmaalaan “Waad noqon kartaa wax kasta oo aad rabto, haddii aad dadaal dheeraad ah geliso misana isku daydo si ku filan”.

Xabiib si wanaagsan ayuu usoo korey, wakhti fiicana wuu soo qaatey caruurnimadii isaga oo isku dayaya in uu noqdo Maykal Jordan ka labaad ee kubada koleyga. Maalin walba, waxa uu aad u ciyaari jirey isla markaana uu tabobar xad dhaaf ah ku qaadan jirey garoonka kubada koleyga, ugu yaraan 3 ilaa 4 saac ayuu kubada la eegan jirey birta loogu talo galey. Wuxuu aadey dhamaan xarumaha ugu waaweyn ee lagu tabobaro ardeyda dugsiga sare, wuxuuna si kasta oo suurto gal ah uu iskugu dayay in uu noqdo ciyaartoy ku baas kubada koleyga. Si kasta, iyo juhdi kaste oo uu galiyey, in uu noqdo ciyaartoy wayn oo kubada koleyga, suurto gal way noqon weyday. Kadib markii uu 100% uu aad ugu dadaaley in ka badan 5 sano, xitaa wuu awoodi waayay in uu ka mid noqdo ciyaartoyada kooxaha da’ yarta.

 

Dhab u qaadashada odhaahdan “Waad noqon kartaa wax kasta oo aad rabto” maaha mid aan ka weynaanayno inta baddan. Muuqaalo la mid ah tan ayaa ka jirta goobaha shaqada. Waxa aad arki qof ku wanagsan suuq geynta hibona u leh oo misana isku qaadeysa maareeye guud, maxaa yeelay, waxa ay aamin san tahay in haddii ay dadaashoo, shaqaalahana wareysi ay la yeelato, waxoogaa habeeno ahna ay soo jeedo in ay ka midho dhalin karto, qiimaha se ku baxayaa uu noqdo ka qoyskeeda oo ay dayacdo iyo ka caafimaadkeeda oo dadaalka xad dhaafka ahi wax u dhimo.

 

Kadib, dhowr sano oo ay gudaneysay wajibaadkeeda shaqo, waxa ay ogaatay inaysan lahayn karti dabiici ah oo ay ku horumariso dadka kale (waxa ay ku fiicnedy suuq geyn, laakin hibo uma laheyn hogaamin iyo in ay dadka kale saameyn ku yeelato).

 

Tani, kaliya ma aha wakhti lumis, balse fursadaha ayaa ahaa, in haddii ay joogi lahayd suuq-geynteedii ay wax soosaarkeedu ka badnaan lahaa 100% inta imika, waa meel ay hibadeeda lahayd, si kale hadaan u dhigno suuq-geyntu waxa ay ahayd badhaadheheega. Arintani Somaliland ama Somaliya caan bay ka tahay, in qof macdanta ku takhasusey la geeyo caafimaadka, kii caafimaadkana la geeyo warfaafinta. Sidoo kale, waxa jira hay’ado caalami ah oo kala siman arintan.  Inta badan, hay’adahaasi waxa ay isku bad badelaan shaqaalahaa. Arintani horusocod ma laha marka si dhab ah loo xisaabtamo, khasaraha aya mar walba ka badan dheefta. fikrada noocan ah waxa qaba aqoon yahano faro badan oo cilmi nafsiga ku takhasusey oo iyaku aaminsan in qofku lagu beego meesha uu hibadeeda leeyahay.

 

Cabdalle waxa uu leeyahay makiinad kabaha lagu sameeyo, waxa had iyo jeer lagu yaqaanay inuu yahay nin weyn oo farsamo yaqaan ah, oo kabaha cusub sameeya. Xaqiiqdii, macaamiisha ka soo jeeda meelaha fog fog sida Faransiiska waxa ay qireen in Cabdalle uu sameeyay kabaha ugu fiican adduunka. Sidaas ay tahay, haddana sanado fara badan ayuu ku jahwareersanaa ganacsigiisa. Inkastoo Cabdalle ogaa in u awood Eebe u siiyay sameynta boqolaal kabood todobaadkii, hadana sidaas ay tahay wuxuu isku cel celis ahaan soo saaraa 30 beer oo kabo ah. Markii saaxibadii waydiiyeen sabobta, Cabdalle wuxuu sharxey in uu ku fiican yahay nashqadeynta kabaha iyo sida lo sameeyo oo kaliya, laakiinse uu aad ugu liito amaba aanu gareneyn sida loo suuq-geeyo iyo waliba sida lacagta loo soo urursado. Haddana sidaas ay tahay wuxuu wakhti badan ku qaatey galdalooladaas.

 

Markaa, mid ka mid ah saaxibadii ayaa Cabdale fikir usoo bandhigey, waxa uuna barey Cali. Cali waa dilaal weyn oo suuq-geynta ku xeel dheer. Sida uu Cabdalle uu ugu xeel dheer yahay kabo nashqadeynta iyo sameyntaba ayuu Calina ugu baas yahay suuq-geynta. Marka la eego sida ay badhaadhahoogu uu iskugu dheeli tiran yahay oo midba wixii uu hibada u lahaa uu leeyahay, waxa ay Cabdalle iyo Cali heshiis ku gadhaan in ay wada shaqeeyaan. Sanad kadib, badhaadhaha mataaneysan ee Cabdalle iyo Cali, waxa ay soo saarayeen, iibinayeen, lacagtana urursadeen in ka badan 100 beer oo kabo ah todobaadkii, waa in ka badan 3 jeer intii uu markii hore Cabdalle kaligiis sameyn jirey. In kastoo laga yaabo in sheekadani idiin la muuqato mid sahlan, duruufo badan awgood, in qofku meesha uu ku haboon yahay aado way fududahay haddii uu awoodiisa iskugu geeyo in uu ogaado misana horumariyo hibooyinkiisa, sidaas awgeed waxa jirta fursad aan caadi ahayn, markaa baa odhaahdi ahayd “waxa aad noqon kartaa” waxa ay isku badaleysaa “ma noqon kartid wax kasta oo aad rabto in aad noqoto-laakiin waxa aad noqon kartaa wax ka badan wixii aad ahayd markii hore”.

Marba marka aynu korno, isbadel ayaa inaku dhaca, xaga jidhka, muuqaalka iyo aragtida guud, sidaas ay tahay hadana waxa jira sifooyin aad lahayd markaad yareyd oo wali lagaa arki karo, sida socodka, kaftanka, dabeecada, hadalka, iwm.

Fahamka sifooyinka shakhsiyadeed waxa ay inoo fududeynsaa in aynu garano oo aan garwaaqsano dabeecadaheena iyo wixii karti ah ee aynu leenahay ee Alle inagu arsaaqay. Marka aad dhegaysato muxaadarooyinka lagaga waramayo taariikh nololeedkii asxaabtii Nabi Muxumad (NNKHA) waxa aad ka garan kartaa in asxaabtuba (Ilaahay Raali ha ka noqdee) ay lahaayeen hibooyin kala duduwan iyo xikmad. Tusaale ahaan Abubar Al sadiq, Omer binu Khadaab, Cali binu abi daalib, Caa’isha bintu Abu bakar, Cusman binu Cafaan, Faadumo bint Rasuul, iyo Khalid binu waliid dhamaantood Allaha ka raali noqdee, way is jeclaayeen, iyagoon dooneynin in uu midba midka kale la mid noqdo (marka laga reebo in ay khayrka iskaga daydaan) ama sida uu yahay uu noqdo – waana sababtaas sida ay u kala duwanaayeen, maxaa yeelay mid walbaa wuxuu ka kale kaga duwanaa awooda iyo hibada Eebe siiyay waanay fahamsanayeen kartidooda. Ujeeda-dooduna ma ahayn in uu mid ba midka kale hibadiisa jecel yahay si uu u yeesho isna (way noqon kartaa marka dhanka khayrka laga eego, oo waad odhan kartaa alla ana cilmigaas muu ilaahay I siiyo dadka ayaan uga faa’ideyn lahaa ee) bal se in mid kastaa kor u qaado badhaadhihiisa iyo hibada Eebe siiyay si uu ugu adeego Islaamka.

Ma jirin asxaabi dareemay in uu ka karti badan yahay ama ka sareeyo ka kale, mana jirin asxaabi sidoo kale u arkey kuwa kale in ay ka hooseeyaan. Tusaale ahaan, Khaalid binu waliid waligii ma dooneyn in uu noqdo sida Abu hureyra oo kale dhinaca aqoonta, Abu hureyrana ma dooneyn in uu ciidan hogaamiyo sida Khaalid. Khaalid binu waliid wuxuu ka warqabey in aanu quraanka wada xafidin, laakiin muu joojin shaqadii uu hayay ee hogaaminta ciidanka islaamka, Nabi Maxamedna (NNKHA) wuxuu ku faraxsanaa xirfada milateri ee Khaalid waana sabobta uu ugu magac darey Seefta Eebe.

Dhanka kale, hibooyinka ay lahaayeen asxaabta Nabi Muxamed (NNKHA), tusaale haddii aan u soo qaadano Caa’isha bintu Abu bakr (AKRN), waxa ay ahayd qof aad u caqli iyo maskax badan (intelligent) had iyo jeerna raadisa aqoonta. Waxay ahayd qof caqli badan oo wax baadha. Halka asxaabta kale ay ka xishoon jireen weydiinta Nabiga (scw) su’aalo badan. Sidoo kale Cusmaan binu Cafaan wuxuu ahaa ganacsade hufan oo deeqsinimo badan.

Tixgali qofkasta oo aad rabto, tusaale ha kuu noqdo, laakiin faham, ugu danbeynta hibadaada, kartidaada iyo awoodaada, ka fekir sidii aad uga faaideysan lahayd badhaadhahaaga si aad u gaadho yoolalka nolosha iyo himilooyinka guud ee aynu higsanayno.

Fahamka badheedhahaagu waa talaabada koowaad, qofku inta badan hore uma garan karo nooca hibada uu leeyahay haddii ayna waalidka iyo macalimiintu ka caawin, se caqabado badan baa jira; –

a)Inkastoo la dareemi karo hibooyinka guud ahaan, oo la dhihi karo hebel waxaas buu ku fiican yahay, hadana ma lihin macalimiin u tabobaran aqoonta noocan ah ee loo yaqaan afka qalaad (Career guidance and Counselling) oo garan kara ardeygu waxa uu ku fiican yahay. Macalimiinta u tabobaran aqoonta hagida iyo tusaaleynta ardeyga, waxa ay waajib ahayd in ay joogaan dhamaan dugsiyada tooska iyo kuwa aan tooska ahayn sida; – dugsi hoose/dhexe, sare iyo jaamacadba.

b)Ma jiraan isku xidhnaansho xaga waalidka iyo macalimiinta dugsiga si waalidku u ogaado waxa uu ilmihiisu ku fiican yahay, walina waxa ay u muuqataa in aynaan heerkaas gaadhin.

Marka laga yimaad fahamka hibada qofku uu leeyahay, waxa kale oo muhiim ah in la raadiyo aqoonta iyo xirfada la xidhiidha badhaadhaha iyo in qofku uu dadaal dheeraad ah iyo tamar badan galiyo sidii uu uga midho dhalin lahaa. Tusaale ahaan, hadii jidh ahaan marka horeba aad ahayd qof isku buuxa, haddii aad jimicsato dadaal la mid ah ka qof caato ahi ku bixinayo jidh dhis kiisa, waxa aad arki doontaa horumar ka badan ka qofka caatada ah.

Hibada aad leedahay ee Alle kugu arsaaqey waa mid bisil oo kuu diyaar ah, bal kawaran hadaad mid cayriin aad doonato, maxa dhacaya? Inkastoo ay suurto gal tahay in aad wuxuun ka soo saarto kadib dadaal, wakhti iyo tamar faro badan, Sheekadu sidii hore way ka duwanaaneysaa, maxaa yeelay? waxa aad wax ka doontey meel aanay waxba jirin, amaba meel ay wax yar oo karti ahi ku jirtey. Marka la is barbar dhigo, dadka inta badan ka midho dhaliyay ama ku guuleystey, waxa ay had iyo jeer shaqadooda ka bilaabeen meesha ay wax badani jiraan oo ah badhaadhahooga, kadibna waxa ay ku ladheen xirfad, aqoon iyo dadaal.

Hadeynu soo koobno, qaaciidada soo socota ayaa nuxurka oo dhan koobsatey, waxeyna u qoran tahay sida soo socota; –

Hibo/talents: Qaabka aan u fikirno, dareeno, sifooyinka aynu leenahay iyo habdhaqanka

+

Maalgalin/investment: waqti, dadaal, tamar, ku cel celin joogto ah, horumarinta xirfadahaaga iyo dhisid aqooneed

=

Badhaadhe/strength: Karti joogto ah oo aad ku muujiso waqabed kaamil ah/ ebyoon

Inaga oo isticmaaleyna qaaciidadan, haddaan tusaalihii Xabiib dib ugu noqono, waxa ay ina tusinaysaa si loo gaadho heerka aasaasiga ah ee kartida loo baahan yahay, in marka hore daaha laga rogo nooca kartida qofku uu leeyahay, tusaale ahaan maalgalinta xabiib waxa ay ahayd 5 sano oo uu ku celcelinayay tabobarka kubada koleyga, haddii aan heerka hibada ceyriin kasoo qaadno 2 (sababta oo ah Xabiib hibo uma lahayn in uu ka gun gaadho kubada koleyga oo uu noqdo ciyaartoy caan ah), markaa badhaadhihiisu wuxuu noqonayaa 10. dhanka kale, haddii heerka hibadiisu ay ahayd 10, oo ay tani tahay kartida saxda ah ee u qarsoon, haddii lagu daro dadaal (maalgelin) dhan 5 sano, markaa awoodiisu waxa ay noqonaysaa 50. Waad dareemi kartaa faraqa u dhaxeeya. Macanaha iyo nuxurku waxa weeyi, in wakhti badan ku lumayo marka qofku uu isku dayo in uu ka midho dhaliyo waxa aanu ku wanaagsaneyn.

Maareynta Galdaloolada (managing your weaknesses)

Xirfad kasta ama mansab kasta, waxaa waxtar leh in la ogaado meelaha ay hibadaadu ku yar tahay (waxyaabaha aadan ku fiicneyn). Taasi waxa ay gaar ahaan dhab tahay haddii baahida shaqo dhankaas kuu jiheyso, maadaama hiboda cayriin ay muujin doonto galdalooladaada (wixi adan hibo u lahayn waa galdalooladaada). Si kaste ha ahaatee, in aad ogaato waxyaabaha aadan hiboda u lahayn waxa ay kaa caawin kartaa in aad ka fogaato dib u dhacyada waaweyn ama jidgooyada iyo hagar daamooyinka nolosha ee inagu gadaaman.

Markaad awood u yeelato in aad aqoonsato, in aadan ku fiicnayn maaraynta tusaale ahaan, waxay kuu furi doontaa dhowr irid in aad kala doorato in aad ku mashquusho aaga ay kartidaadu ku yar tahay ama aaga ay ku badan tahay. Su’aasha ugu horeysa ee aad isweydiin karto markaa waxa weeyi, waa hadii ay muhiim kuu tahay in aad ka shaqeyso aaggagga ay hibadaadu ku hooseyso oo aad wakhti badan ku lumiso.

Haddii aynu soo koobno, su’aashu waxa weeyi, mid kee baa kaa caawinaya in aad ku guuleysato nolosha in aad garato galdalooladaada waxa ay yihiin oo aad isku daydo in aad hagaajiso? iyo in aad ogaato waxa badhaadhahaagu yahay oo aad isku daydid in aad is dhisto? Jawaabtu waa xagaaga.

WQ: Maxamed Sh. F. Cilmi

NB: Maxamed waa qoraa, tabobare, la taliye iyo cilmi baare sare. Waxa uu wax ku bartey Jaamacada Camuud gaar ahaan kuliyada Ganacsiga iyo maareynta, waxa kale oo uu waxbarasho sare ka qaatey Talyaaniga. Wuxuu ka soo shaqeyay hay’ada kala duduwan oo ay ka mid yihiin Save the Children, CARE International, Spark, iyo VSF-Germany. Waxa kale oo ula soo shaqeeyay wasaarada waxbarshada Somaliland. Waxa intaas dheer, waxa uu la shaqeeyay Jaamacadaha dalka ee ay ka mid ka yihiin Jaamacada Camuud, Gollis, Hargeysa, Admas, Abaarso tech, Bader, Burco. Ceerigaabo iyo Nugaal oo uu ka fuliyay mashruuca hal-abuurka ganacsiga, iyo tabobarka macalimiinta dugsiyada hoose dhexe ee Somaliland. Sanadihii u danbeeyay waxa uu aad ugu mashquulsanaa dhinaca tabobarada, horumarinta aadanaha iyo kobcinta maskaxda. Waxa aad wixii fariin, talo, tusaale iyo falcelinba iigu soo hagaajin kartaan cinwaanka soo socda; –

Email Address: mfesultan@gmail.com

Mobile Number: +31685380227

Qoraalkani waa cutub ka mid ah buuga JIDKA FARXADA oo aad ka heli karto amazon.com isaga oo E-book ah.

Copyright © March 2020, Mohamed Ilmi