Culuumta Jacaylka iyo Suugaanta Soomaalida Q.1aad (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Maanso-yahanka Soomaalidu halgan wuxuu u galay sidii uu ummaddiisa uga dhaadhicin lahaa jiritaanka jacaylka. Walaw intii ay halkankaa ku jireen iyaga laftoodu iska hor yimaaddeen oo ku kala tageen sharraxa jacaylka. Sidaas oo ay tahay waxa jira laba aragtiyood oo xag jir ah, waxaanay kala yihiin;

 

B. Aragti jacaylka u aragta xannuun dilaa ah oo baas-tar ah,

T. Iyo aragti iyaduna darafka kale taagan, una aragta jacaylka barwaaqo, badhaadhe iyo sama-tar. Intaas marka aan meel ku tiirinno aan idiin soo horreysiiyo su’aalo aan xagga dambe kaga jawaabi doono haddii Alle innagu simo. Waxa ka mid ah;

 

1. Soomaalida dhexdeeda in jacaylka la qarsado ama afka laga dhawro maxaa sababay?

2. Kulannada joogtada ah ama is aragga badan ee labka iyo dheddiggu door intee leeg ayuu ku leeyahay in qofku wax jeclaado.

3. Jacaylka iyo dabaqadaha nolosha.

4. Haddii uu jacaylku xannuun yahay ka bax ma leeyahay? Ma se  yahay jirro la la noolaan karo?

5. Dadka wax jeceli imisa ayay u qaybsamaan marka ay quustaan?

6. Caalaamadaha qofka wax jecel ka muuqda kuwaas oo aan suugaanta Soomaalida ka soo dhex shiilay maxaý ka mid ah?

7. Jacaylka da’ gaar ah oo u nugul ma jirtaa? Mise isagu ma yaqaan cimri ee da’ kastaa waa u asiibaa?

 

Soomaali badan baa ku jaho-wareersan arrimaha jacaylka xogaha aan ka hayno ummad ahaanna in ay kooban yihiin, waxa marag innuugu filan doodda ciwaankeedu yahay; JACAYLKU MA JIRAA?!  waxaana qaba Soomaali badan. Hadda ba haddaan raadkeenna dib u raacay Soomaalida oo xoolo-raacato reer-guuraa ahayd deegaankeeduna u badnaa saxare-la-mood biyuhu ku yar yihiin, colaadduna ku badan tahay, isla markaa nolol adag ku nool jacaylku noloshoodaas maqaam kuma lahayn.

In Soomaalida dhexdeeda jacaylka la qarsado oo ceeb loo arkana waxa laga dhaxlay dhaqankaas miyi ee xoolo-raacato kaas oo nolosheenna illaa goortan gees walba raad muuqda ku reebay.

 

Bilawgii mawjadihii ugu horreeyay ee qulqulka ee Soomaalidii reer baadiyaha ahayd banderka|magaalada ku soo galayeen iyo jacaylkii caanka baxay ee Cilmi boodhari iyo Hodan ayaa kulmay haddaad si mug leh u dhuuxdo waxa kaaga soo baxaysa in ummaddii dhammayd ee Boodhari la noolaa laga waayay cid fahanta in uu jiro dareen jacayl la yidhaa oo ka geddisan gudashada baahida jinsi. Hadda ba si uu dadkaas u qanciyo wuxuu yidhi:

” Waxa qaar ba cayn looga dhigay, hays cajebiyaane

Soomaalida iska caado xune, igu ma caydeen.” Boodhari.

 

Arrinta tooska farta ugu fiiqaysa in aanu fahanka jacaylku markaa meesha ba oollin waa; In dadkii Boodhari u jiidh damqanayay ehel iyo asaxaabba iyaga oo damacsan in ay dabiibaan in gabdho kale ay u keenaan oo yidhaahdaan; Haddaad guur uun doonayso kuwan ba mid ka xulo. AHN Ibraahim Sheekh Saleebaan “Gadhle” ayaa isaga oo Boodhari in uu godka ugu hiiliyo damacsan maansadan curiyay. Wuxuu yidhi:

“Lixdan joogta daayoo,

Haddii laba kun lay keeno,

Sidii bay yartii igu ladhnayd,

iiga lulataaye…”

 

LA SOCO…