Dabcan, waxa aynu isku wada raacsanahay in Rabi inagu galadey ama maneystey nimcooyin iyo hibooyin aad u tiro badan oo aan dhamaantood halkan lagu soo wada koobi Karin, oo ay Islaamnimadu ugu horeyso, maxaa yeelay Allaha SW waxa uu inaga saarey mugdigii iyo jahligii waxaanu inagu hogaamiyay dariiqa hanuunka ee saxda ahaa, sida Rabi SW uu ku xusay Quraanka suurada maa’ida waxa uu yidhi “maanta waxa aan idiin kaamiley diinta Islaamka idiina dhameystirey nimcooyinka, waxaanan idiin doorey Islaam diintiina, nimcooyinka kale ee aan la soo koobi Karin waxa kale oo ka mid ah caafimaadka, maskaxda, iyo kawnka aynu ku noolnahay oo uu inoo sakhirey sida cadceeda, haddii aynu is nidhaahno ka hadla, waxa aan ka cabsi qabaa in aynaan halkan/qoraalkan kusoo wada koobi Karin sida Rabi (Casaa wa jalaa) uu ku xusay kitaabkiisa quraanka, suurada Al’naxl aayada 18’aad, oo ilaahay koreeye ee sareeye uu ina yidhi “haddii aad isku daydaan in aad tirisaan nimcooyinka Ilaahay, ma tirin kartaan, ilaahay waa danbi dhaafe naxariis badan”. Sidaas ay tahay, si aynu si joogto ah uga faaidaysano nimcooyinkaas Alle ina siiyey, waxa inala gudboon in aan had iyo jeer ilaahay u mahad naqno uguna shukrino hibooyinka uu inagu galadey, waana ta uu Alle SW inoo balan qaadey haddii aynu ku shukrino in uu inoo kordhiyo sida ku xusan aayada 7aad ee suurada Al-Ibraahiim.
Aniga oo tixraacaya Gabadh maraykan ah oo mudo 40 sano ka hor laga joogo ku fikirtey in xirfada kaliya ee ay baran kartaa tahay luuqadaha si Ingiriiska ay taqaan ugu kabto madaama ay u malaynaysay in aanay ku fiicnayn maadooyinka xisaabta iyo sayniska ayaa waxa ay ku biirtey ciidanka milateriga iyada oo dugsi sare dhigata isla markaana waxa ay baratey luuqada Ruushka, intaas kadib, hadana ciidanka milaterigu waxa uu siiyay fursad kale, waxa ayna ka bixiyeen, isla markaana ay dhameysatey shahaadeeda koowaad ee jaamacada iyada oo ku takhasustey Luuqadaha Slavic loo yaqaan oo ay ku hadlaan dadka kasoo jeeda bariga Yurub sida Ruushka, Yukhrayn, Poland, Czeck, Bosniya, Serbia iyo Croatia. Waxa ay noqotey qof ku xeel dheer xirfada ay baratey, meesha kaliya ee ku hoboon in ay kaga shaqeyso xirfadeedana ay ahayd sirdoonka milateriga, laakiin arintaas ay ku hamiyaysey ma ay dhicin, gabadhii waxa laga shaqaaleysiiyay shaqo aanay xirfadba u lahayn oo la xidhiidha isgaadhsiinta sida telefoonada xadhkaha isgaadhsiinta iyo systemka wada xidhiidhka (Electircal Communication System). Waxa ay mudo 4 sano ah ka shaqeysey milateriga oo ahayd shaqo aanay jecleyn, aad u dhib badan, kalinimo, iyo iyada oo ka fogeyd qaraabadeeda. Gabadhii hada waa bare sare oo jaamacadeed waxa ayna dhigtaa Engineering. Waxa ay fahamtey hibada ay leedahay, waxa ayna badashey waxbarashadii hore.
Fahamka hibooyinka iyo awoodaha uu rabi ina siiyay maaha wax sahlan, dunida hore u martey inta badan waxa ay ku bixiyaan juhdi badan, waxa ay bilaabanta wakhtiga ardeydu ku jiraan dugsiyada hoose ilaa dhexe/sare ilaa heer jaamacadeed, waana ay ka midho dhaliyaan. Inagu se waynu ka duwanahay sababo badan awgood; – 1. Waxa aan u aanaynayaa burburkii inaga soo gaadhey dagaaladii sokeeye kaas oo dhamaanba burburiyay kaabayaashii dhaqaale iyo hay’adihii dawligii idilkood, sidaas darteedna kow laga soo bilaabey. 2. Waxbarashada wadanka oo marka horeba aan gaadhin heerkii loo baahnaa. iyo 3. Dhaqaalaha iyo horumarka wadanka oo aan wali tisqaadin, si kastaba ha ahaatee, fahamka awoodaha qarsoon ee rabi ina siiyay waxa ku jira faaidooyin badan oo aan la soo koobi Karin, faaidooyinkaas waxa ka mid ah tusaale ahaan fahamka hawl mudo badan kugu qaadan lahayd, sida adigoo ceel 200 mitir ah meel ka qodey dabadeedna biyihii ka waayay.
Marka aan ka hadlayno fahamka awoodaha, waxa aan uga jeedaa garowshiyaha waxa aad ku fiican tahay amaba la macno ah badhaadhahaaga, waayo waxa aan inta badan ku bixinaa juhdi badan intiina yaqiinsan diiradana aan saarnaa galdalooladeena haddii ay jirtoba in aynu fahamney, iyo in aan isku dayno in aan sii adkeyno si aan u daboolno galdaloolada, halkii aan ka ogaan lahayn amaba wakhti badan ku bixin lahayn si aan u ogaano badhaadheheena iyo in aan isku dayno in aan ka faaidaysano.
Aragtidan waxa ay iftiiminaysaa in shirkadaha waawayn ee maraykanka ay sameeyaan labo aragtiyo oo aan sax ahayn;- waa mida koowaad ee in qofku uu noqon karo mid awood leh haddii waxkasta si sax ah loogu tabobaro, sidaas darteedna wakhti, juhdi, iyo tabar badan uu ku baxo tababorkoodu, waa mida labaad ee in fursadaha ugu waaweyn ee shirkadi ku kordhin karto wax soo saar koodu ay tahay meelaha ay shaqaalahoodu galdaloolada ugu weyn ka leeyihiin sidaas darteedna uu qorshaha horumarinta shaqaalahu xooga saaro meelaha galdalooladu ka jiraan ama ay ka shaqeeyaan sidii ay u yareyn lahaayeen galdaloolada, hadaba taas badelkeed ayay aragtidan kale soo bandhigeysaa in la sameeyo lana fahmo, in qof kastaa uu leeyahay hibo joogta ah oo ilaahay ugu deeqay (Hibo uu ku dhashay oo u gaar ah) iyo in qof kastaa koritaankiisa ama guushiisu ay ku xidhan tahay hadba sida uu uga faaidaysto badhaadhihiisa/awoodiisa (Strength).
Hadaba qofku marka uu ogaado badhaadhihiisa wuxuu ku ladhi karaa cilmiga iyo xirfada uu bartey si meesha uu doonayo uu u higsado isla markaana u gaadho, hibadu dabiiciyan waa fikrado iyo dareen ama dabeecad wax ku ool ah oo soo noqnoqonaysa taas oo si waxtar leh loo isticmaali karo, kaliya waxa aan awoodeena/hibadeena halka ugu sareysa isticmaali karnaa haddii aynu isticmaalno badhaadhaheena (Strength) taasna waxa ay ka bilaabmaysaa fahamka iyo garashada waxa aynu ku fiicanahay, waxa laga yabaa in hibadaadu tahay macalinimo, in aad ardey wax barto, amaba aad ku fikirto in halabuurkaagu noqdo adeeg waxbarasho oo aad bulshada u fidiso, haddiiba taasi ay jirto waxa laga yaabaa in aadan ku haboonayn in xafiis dawladeed aad fadhiisato, waayo? hibadaaadu waxa ay ku jirtaa in aad bulshada ugu adeegto aqoonta adigoo wax baraya amaba adeeg waxbarasho u fidinaya, ta badelkeed waxa laga yabaa in shaqada xafiisku ay fadhiid noqoto haddiiba aad dhex fadhiisato, hay’adaha waxbarashada ee aan dawliga ahayni waxay soo saaraan mujtamac iyo bulsho badan.
Dhanka kale haddii dabeecadaadu ay tahay in marba asxaabta mid aad luuq la gasho, isna wareysataan “War maxaa inoo kala danbeeyay?, amaba hebel muxuu lahaa?, maxaa cusub? Maxaa soo kordhey?) Iyadna waxa ay ka turjumaysaa in aad xidhiidhka, wada xaajoodka iyo gorgortanka ku fiican tahay (communication and negotiation skills), shaqada ku haboon in aad qabataana ay tahay xoghayn ama dilaal (Secretary or Broker) dilaalku maaha kan guryaha kireeya-dabcan way noqon kartaa marka dhinac laga eego se mid wasaaradaha u kala dilaala. Waxa aan badhaadheheena ku aadin karnaa doorarka aynu ku leenahay shaqada, bulshada iyo reerahaba sidoo kale, maxaa yeeley, waxa laga yaabaa in aad hibo u leedahay isku dabaridka (Organizing) sidaas darteedna aad bulshada wacyi galiso kuna hogaamiso in ay qashinka iska guraan.
Sidaas si la mid ah, haddii ay fikrado cusubi kugu soo dhacaan marba, amaba u fiirsashadaadu badan tahay sidii aad wax cusub ugu soo kordhin lahayd umada, waxa laga ayaabaa in hibadaadu tahay hal-abuur sidas darteedna loo baahan yahay in aad usii tabobarato isla markaana aad awoodaas sii horumariso adigoo raadinaya meelaha xirfadaas lagu dhigo, si adiga iyo umadaba ay u anfacdo.
Wakhtiga aynu haysano oo xadidan, hadana waxa uu ku lumaa wax aan waxter lahayn, sida ku mashquulida dadka kale, waxa aadnku raaxaysan kari lahayn waxa aynu samaynayso/qabanayno haddii aan isticmaalayno awoodaheena runta ah.
Caqabadaha ugu waaweyn ee inta badan inaga hor yimaad si aan guul loo gaadhin waxa ka mid ah cabsida galdaloolada-taas oo ah in wakhti badan aan ku bixino ama kaga fikirno shayga kaliya ee aynaan ku fiicnayn, sidaas si ka soo horjeeda waxa midho dhal noqon lahayd fahamka iyo in juhdi badan lagu bixiyo badhaadhaha, dhanka kale, waxa caqabadaha ka mid ah, cabsida dib u dhaca iyo guul darada- guul daradu waa laba nooc; – 1. Guul daro fudud oo ka dhalatey wax aadan ku fiicnayn isla markaana aan saamayn wayn ku yeelan habdhaqanka noloshaada. 2. Guuldaro culus oo ka dhalata wax aad ku fiican tahay isla markaana juhdi badan aad galisey-way adag tahay inta badan in hore looga soo kabto se dadaal, xeel dheeri, xilkasnimo iyo la noolaansho bay u baahan tahay. Ta ugu danbeysa caqabadahu waa isla waynida-waxa laga yaaba in aynu ku seegnoo arimo badan oo wax ter eh.
Waxa aan la kulaney sheeko aad u cajab badan mar aanu sanadkii hore aakhirkiisii iyo horaantii kan hada dabayaaqada ah ku jirney, waxa aanu samaynayney qiimeyn manhakja jaamacadaha Somaliland gaar ahaan maadada hal-abuurka ganacsiga, intii aanu ku gudo jirney wareysiyada aanu la yeelanaynay gudoomiye ku xigeenada iyo hormoodka kuliyadaha jaamacadaha, gaar ahaan mar aanu la kulaney Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada Hargeysa Prof. Saciid oo nooga waramey gabadh Itoobiyaan ah oo maalin kasta 140 (Boqol iyo afartan bakhaar) oo Hargeysa ah hortooda xaadha mid kastana ka qaadata 2500 Shiling Somaliland maalintii, Gabadhaasi bishii waxa ay heshaa lacag dhan 9,100,000 (Sagaal milyan iyo boqol kun oo SL ah) bil kasta oo u dhiganta lacag ku dhow $ 910 Dollar bishii, fikirka ay inagu soo kordhisey gabadhaasi waa mid wax ku ool ah, isla weynida inagu jirta inaka haddii aad eegto dhigeeda wadanka jooga hadaad ku tidhaa shaqaa halkaas taala, waxa laga ayaaba in ay candhuuf indhaha kaaga tufaan, taas badelkeedna ay sugayaan $ 50 Dollar oo dibada ah. Fahamka awoodaha iyo hibooyinka aynu leenahay waxa ay inoo horseedi karaan fahamka nimcooyin badan oo inagu hareeraysan oo aan hada inoo muuqan.
Guntii iyo gabogabadii, waxa aniga oo iska bilaabaya aan ku boorin lahaa akhristaaya bal in ay wakhti ku bixiyaan fahamka hibooyinkooda/Badheedhahooda dhabta ah, waxa laga yaaba in qof kastaa leeyahay seddex ilaa lix awoodood, oo haddii inta uu fahmo uu sii horumariyo uu cirka carabka la gaadhi lahaa. Waxa inoo balana ku mashquulida hibooyinkeena, maya hibooyinka dadka kale.
Maxamed Sh. Faarax Cilmi
La taliye, Tabobare iyo Cilmi Baadhe Sare