Guatemala ayaa noqotay dalkii labaad ee go’aansada in ay safaaraddooda u raraan Quddus

Madaxweynaha Guatemala ayaa maanta ku dhawaaqay in uu safaaradda dalkiisa u rarayo Quddus.

“Israa’iil waxan taageerayey ilaa maalintii la yagleelay. Haatana waxan Go’aamiyey in safaaraddayada loo raro Quddus” ayuu ku qoray barta uu ku leeyahay Facebook-ga.

Guatemala ayaa ka mid ahayd 7 dawladood oo 21kii December ka soo horjeedsaday in waxba-kama-jiraan laga dhigo go’aankii Trump Quddus ugu aqoonsaday magaalo-madaxda Israa’iil iyadoo ay 128 dawladood gaashaanka ku dhufteen.

Ra’iisal-Wasaaraha Israa’iil ayaa dhawaan sheegay in ay jiraan waddamo door ah oo ka fikiraya in ay safaaraddooda u raraan Quddus taas oo ka dhigan in ay Quddus u aqoonsadeen magaalo-madaxda Israa’iil halka sharciga caalamiga ahi u aqoonsan yahay magaalo ay wada leeyihiin Yuhuudda iyo Falastiiniyiintu.

Guatemala waa waddan ku yaalla Badhtamaha Ameerika, inta badana la siyaasad ah waddanka Maraykanka

Bandhige@gmail.com