Waayadan dambe waxa ay dhaliilo xoogani dul- hoganayeen aqoonyahanada Reer Awdal. Waxa meesha aan ka muuqan aqoontii ay barteen oo ahayd inay dadkooda ku hagaan, sidoo kalena kaga ilaaliyaan hagardaamooyinka siyaasadeed ee adag ee ay bulshadu la kulanto inta badan.
Dadkii waxay ku jahwareereen fahanka siyaasadeed ee ku gadaaman, luuqaha siyaasadeed iyo xaquuqdii ay lahayeen oo maqan ayna adkaatay sidii loo so celin lahaa. Aqoonyahanku waxay badbaadin karaan dalka, dadka ,duruufaha siyaasadeed, dhaqaalaha, khayraadka iyo waliba umada dhaqankeeda.
Aqoonyahanka Awdal waxa ka maqan dhawr qodob in ay yeeshaan oo ah:
-
- Rabitaanka hoggaanka dalka- nin kasta shaqada uu hayo ayuu ku qancay.
- In ay ka qaybqaataan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, laakiin nasiib daro waxay siyaasada u haystaan wax xun oo dad xuni galaan.
- Waxa kale oo ka maqan dareen masuuliyadeed.
Aqoonyahanka fahan la’aantiisa waxa ka dhashay qodobadani waaqiciga ah:
- Fahan la’aanta wacyicga siyaasadeed
- In uu kala saari waayo sida ay wax u socdan iyo halkay wax ka socdaan
- In uu fahmi waayo luuqada siyaasadeed iyo luuqadda siyaaasiga beenaalaha ah ee ku dhisan af-gobaadsiga .
- In aqoonyahankii noqdo awr-kirale u adeega danaha siyaasiga jaahilka ah.
- In ay u dhuumato hadafkii iyo hiigsigii siyaasadeed ee uu lahaa.
- Inuu fahmi waayo siyaasiga maalin-taanjirka ah ee lunsaday maalka iyo hantida ummadda.
- Inuu fahmi waayo aragtidisii muwaadinimo si uu ummadda ugu sheego wadiiqada saxda iyo ta qaladka ah, sababtoo ah waxan u malaynayaa waxa mugdi ka gashay xuquuqdii wadaninimo .
- Waxay ummadda u sheegaan xaalka dalka ka jira ee dhinaca ka raran. Waxana caddayn u ah tilmaamahani:
- Sadbursiga kuraasta dalka
- Nin-jeclaysiga
- Musuqmaasuqa iyo hanti lunsiga
- Caddaalad-darrada
Guntii iyo gunaanadkii waa in ay aqoonyahanki fadhigan fadhi kale uga noqdaan.
“Nin lagu seexdow ha seexan, ha seexan”
WQ: Musa Saed Osman
Muuseanfac@gmail.com
Regional Political Analyst