Falanqayn iyo qiimayn dooddii murashixiinta madaxweyne ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI (WQ: Cabdiqani Cige)

Mar kasta oo Dood loo qabto murashixiin u ordaya xil madaxweyne waxa la sameeyaa falanqayn iyo xaqiiqo raadin ku saabsan weedhaha ay is dhaafsadeen murashixiintu, qoraalkan intaas ayuu daran yahay, waxa qalinku is dul taagi doonaa doodaas taariikhiga ahayd ee ay galeen murashixiinta kala ah Faysal Cali Waraabe (UCID), Muuse Biixi Cabdi (Kulmiye) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro (Waddani).

si aynu u helo qiimayn sax ah waxay aynu soo koobi doonaa nuxurka jawaabaha ay bixiyeen, waxa aynu xusi doonaa dhaliilo ay leeyihiin murashixiintu, ka dibna waxayna qaadan doonaa halbeega ah 1 – 5 (From Agree to disagree) si aynu ugu cabirno in aynu ku raacsanay ama ku diidanay jawaabta murashixiintu bixiyeen, halbeegu waa;

= Aad Kuuguma raacsani (strongly disagree) = 1
= Ku guma raacsani (disagree) = 2
= Waa iska caadi (Normal) = 3
= Waan Kugu raacsanay (agree) = 4
= Aad baan kuuguma raacsanay (strongly agree) = 5

Hableegaas sare waxa aynu ku qiimayn doonaa Jawaabta murashaxu ka bixiyay su’aalihii la waydiiyay, waxa aynu tix galin doonaa waaqica dalka, habka dhaqan dhaqaale ee waddanku ku sugan yahay iyo duruufaha nololeed ee waddanka yaala.

Marka aynu soo saarno mid walba jaawabta uu bixiyay, dhibcaha uu ku helay jawaabataas, ayaynu isu gaynaynaa dhibcaha ay kala heleen, ka dib waxa loo kala badinayaa sida loogu kala dhibco badan yahay. Waxa aan ka cudurdaaranayaa in falanqaynta iyo qiimayntuba tahay mid shakhsi ah oo aan cidna loo tiirin karin. Hadda aynu su’aalihii wareega koowaad toos u galno u galno;

1. Maxaa laguggu dooran karaa? Jaawbta laga sugi karo Murashaxa: inuu Sharaxo qofka uu yahay, qorasha uu waddo, qaabka uu dalka u hogaamin karo, IWL

Faysal: waxa uu sharaxay qofnimadiisa, khibradiisa, qorashihiisa, in aanuu shacabka ka oodnayn aduun, waxa kale oo uu sheegay waxqabadkiisii hore ee nabadaynta ahaa.

Muuse: Waxa uu sheegay in Qofnimadiisa ay sheegayso wixii uu waddanka u soo qabtay maal & magacna aanu ka rabin, qorshihiisa xisbiyeed, maamulkiisa cidka hagi doonto. aqoonyahano uu wato.

Cirro: waxa uu sharaxay qofnimadiisa, khibradiisa,Waxa kale oo uu sheegay magaciisa, in mar loo doortay xildhibaan, in masuuliyad culus (speaker) uu hore u soo qabtay, khibradiisa, inuu nabadeeye yahay.

Qiimayn:
Faysal: 5 = Weakness = Muu xusin nooca dawladdnimada ee uu hirgalin doono.

Muuse: 5 = Weakness = Si fiican qofnimadiisa & waayo aragnimadiisa dalka muu isu iibgayn.

Cirro: 4 = Weakness = Muu sheegin Maamulka dawladdnimo ee uu hirgalin doono. Waxuu uu sheegay in Somaliland oo dhan ay doortay, lakiin waxa sax ah in reer Saaxil oo kaliyi ay doorteen, xilka Gudoonkana xildhibaano ay u doorteen.

2. Amaanka iyo tayayta laamaha amaanka dhanka qalabka, tayada, tababarka, iyo dhaqaalahooda?

Muuse: Waxa uu xusay in Amaanku ku xidhan yahay in Cadaalada la helo, xalinta tabashooyinka gobalada Somaliland bari iyo Galbeed, ku barbaarinta ubadka waddinimada, tayayta laamaha amaanka qalab ahaan, tayo ahaa, iyo dhaqaale ahaanba, daryeelka muwaadiniinta.

Cirro: Waxa uu xusay dayaca ka jira shaqaalaha amaanka, tayayta ciidamada booliska, samaynta askar dadweyne (community policy), guryo loo dhiso ciidanka amaanka, xaqsiinta shaqaalaha amaanka, iskaashiga waddamada jaarka ah si amaanka loo sugo.

Faysal: Waxaan Samaynayaa sharcigii amaanka qofka ilaalinayay, ka dib waxaan tayaynayaa laamihii amaanka oo boolisku ugu horeeyo, waxbarid askarta amaanka, mushahar kordhin, iskaashi booliska iyo dadweynaha,

Qiimayn:
Muuse: 4 = Weakness = muu xusin sharcigii hagi lahaa amaanka waddanka, ilaalina lahaa muwaadinka iyo ku dhaqankiisa, muu xusin dhaqaalaha miisaaniyadeed ee ku baxaya Amaanka iyo tayayta laamaha amaanka.

Cirro 4: Weakness = muu xusin sharcigii hagi lahaa amaanka waddanka, ilaalina lahaa muwaadinka iyo ku dhaqankiisa, muu xusin dhaqaalaha miisaaniyadeed ee ku baxaya Amaanka iyo tayayta laamaha amaanka.

Faysal: 5 = Weakness = waxa in yar ka xusay dhaqaale iyo miisaaniayda ku baxaysa amaanka iyo tayayta laamaha amaanka

3. Maxaad ku raacsan tahay ama aad ugu duwan tahay murashixiinta kale isla su’aashaas sare ee amaanka?

Muuse: Waxaan kaga duwanaye dhanka, khibrada, aqoonta iyo barnaajimka xisbiga. waxaan kala mid ahay… wakhtigii baa ka dhacay.

Cirro = Waxaan kaga duwanay dhanka xaqsiinta shaqaalaha amaanka, iyo dhanka qorshaha xisbiyeed. waxa aan kala mid ahay… wakhtigii baa ka dhacay.
Faysal: waxaan kaga duwanay Muuse, isagu waxba ma hayo oo waddanka ma wadi karo, Cirro muu sheegin, muuse isku koobay dhaliishiisa.

Qiimayn:
Muuse: 3 = Weakness = waxa uu isku haleeyay aqoonta iyo maamulka dadka kale, Wakhtiga kama faa’daysan
Cirro: 3 = Weakness = muu xusin soo xulista dad aqoon u leh waddanka
Faysal: 2 = Weakness: Muuse oo kaliya ayuu gaar u sheegay oo weeraray.

4. Saami qaybsiga awoodaha dawladdnimo, dhaqaalaha iyo khayraadka waddanka? Maxaa kaaga qorshe ah?

Cirro: Si loo helo Soomaliland la wadda leeyahay, waxa aanu eegi doonaa, cabashooyinka jira, In aanu si siman ugu qaybin doono xilalka qaranka.

Muuse: Waxa aanu furaynaa In la wadda doodo oo waxa lala kala cabanayo miiska lagu dhameeyo, waxaan ka soo horjeednaa wixii dastuurka aan waafaqsanayn. In sharcigu aanu ku adkaano.

Faysal: Waxaan samaynayaa Maamul daadajin ilaa heer dagmo, waxa dadka lagu qiimaynayaa aqoontooda (merit), qabiilka tixi galin mayno. Gunta ayaanu ka soo bilaabi doonaa maamulka dawladnimada JSL.

Qiimayn:
Muuse 2 = weakness = Muu xusin waxa lagga yeelo tabashooyinkii hore ee hore u jiray ama sharciga jiraba ee lagga cabanayo.
Cirro: 3 = Weakness = Muxuu xusin in sharciga waddanka uu ku adkaado lakiin wuu doorbiday in tabashooyinka la xaliyo.
Faysal: 4 = Weakness = waxa uu sahashaday ama yaraystay awooda qabiilku leeyahay.

5. Maxaad ku raacsan tahay ama aad ugu duwan tahay murashixiinta kale isla su’aashaas sare ?

Muuse: Waxa aan kaga duwan nahay, Xogagaalnimo, khibrad baanu u leenahay ka xisbi ahaan, tabashada oo aanu wax ka qabanay ayaanu ognahay, hore ayaanu tijaabinay. Waxa uu ku raacsan yahay muu xusin…

Faysal: Waxa aan kaga duwan nahay in ay reero ay wax siinayaa lakiin aniga JSL oo dhan baa noo siman, qof reer Somaliland ah aqoontiisa, sharaftiisa ayaanu wax ku siinaynaa, qabiilkiisa ma eegi doono. Maamulka ayaanu daadajin doonaa. Waxa uu ku raacsan yahay muu xusin…

Cirro: Waxaa aan kaga duwanay in siman loo dhagaysto tabashooyinka jira, in si cilmi ah loo eego tabashooyinkaas. In sharciga la ilaaliyo.

Qiimayn:
Muuse 2 = Weakness = Gobalo markii horeba ka cabanayay in aan sharciga, awood iyo dhaqaalaha loo sinayn qancintoodu waxay u baahan tahay is dhul dhig badan.
Faysal: 4 = Weakness = Waaqica qabiiliga ah ee dalka yaala ayuu iska idho tiray taas oo caqabad ku noqon doonta in xal loo helo tabashooyinka jira.
Cirro: 3 = Weakness = Muhiimad badan muu siinin shaqaddii xalinta khilaafka ee hore loo soo qabtay, waxauu doorbiday in daraasada cusub lagu sameeyo hadda tabashooyinka jira, waxa uu sheegay in uu mushkiladda baadhi doonto iyada oo si cad loo garanayo tabashooyinka jira.

6.Soo dhisida Dawladd kooban?

Muuse: dawladda Kooban oo tiro yar tayona leh ayaan soo dhisi doonaa, dalkaana u baahan.
Faysal: Waxaan soo dhisi doonaa dawladda tiro yar oo aqoon leh, iyo dawladda lala xisaabtamo.
Cirro: Dawladda tayo leh oo tiro yar isla markaana ah xirfadlayaal. Dawladda wasiirkeeda lala xisaabtamo.

Qiimayn:
Muuse 4 =weakness = muu xusin waxa sharci ah oo u raaci doono soo dhisida dawladda kooban
Faysal: 4 = weakness = muu xusin waxa sharci ah oo u raaci doono soo dhisida dawladda kooban
Cirro: 4 = weakness = muu xusin waxa sharci ah oo u raaci doono soo dhisida dawladda kooban

7. Maxaad ku raacsan tahay ama aad ugu duwan tahay murashixiinta kale isla su’aashaas sare ee amaanka?

Muuse: Waxaan kaga duwanay in aanay midna ku soo shaqayn xukuumadda, in aan ugu xogxogaalsanay xukuumada iyo shaqadeeda.

Faysal: Waxaan kaga duwanay in aanan anigu reero waxba u balan qaadin sida ay iyagu sameeyeen. Wasiiro hore ayaa ololaha ugu jira, marna idinku soo celin maayo wasiiro hore shaqada ugu fashilmay.

Cirro: Waxa aan kaga duwanay in aan aqoon u leeyahay sharciga oo aan 12 sano ka soo shaqeeyay, waxa aan aqaanaa jaranjarooyinka xeer walba maro.

Qiimayn:
Muuse 4 =
Faysal: 4 =
Cirro: 4 =

8.Qorshaha kaaga yaala garsoor madax banaan oo dhexdhexaad ah?

Faysal: Waxa noo qorshayn in garsoor walba uu yeesho aqoon, in garsoorka la xisaabtamo waxa uu qabtay, in wakhti meerto ah loo sameeyo garsoorayaasha sar sare, in ay mushahar ku filan ay helaan.

Cirro: In kala xadaynta laamaha dawladda la dhawro, in ay mushahar ku filan ay helaan, in garsoorka la xisaabtamo waxa uu qabtay, in garsoorayaasha maxkamadda sare uu barlamaanku ansixiyo.

Muuse: waxa aanu eegaynaa halka ay cadaaladu ka bilaabmato oo ah saldhiga booliska, in aanu askarta tababar u furno, in aan kor u qaadno aqoonta madax dhaqameedka, Garsoorayaashu in ay mushahar ku filan ay helaan.

Qiimayn:
Muuse 4 =
Faysal: 4 =
Cirro: 4 =

9. Maxaad ku raacsan tahay ama aad ugu duwan tahay murashixiinta kale isla su’aashaas sare?

Faysal: Waxaan kaga duwanay inaanay waxba u qorshaysnany iyaga, Cuqaasha waan kaga duwanay in aan garsoorka la soo galin, Maxkamad qurux badan ayaanu u samaynaynaa.

Cirro: Waxaan kaga duwanay in aanu samaynayno isbadal garsoor (Judial Reform), waxa aanu u haysanaa in Maxkamadu ay madax banaan tahay, shaqadeedana aanaan xogxogaal u ahayn.

Muuse: Waxa aan kaga duwanay in aanu anigu hoosta ka soo bilaabayno cadaalada, saldhig ilaa maxkamada sare,

Qiimayn:
Muuse 3 = waxa uu xooga saaray salka hoose ee kiiska maxkamaduhu ka bilaabmo, waxa uu in yara muhiimad siiyay Maxkamadaha sare iyo dhexe.
Faysal: 4 = waxa uu yarstay shaqada cuqaasha ay qabto ee ku saabsan xalinta kiisaska reeraha, kuwa maxkamaddaha soo gaadha iyo kuwa saldhigyada yaalaba.
Cirro: 2 = Weakness = wax uu qirtay in aanu xogxogaal u ahayn shaqada maxkamada.

10. Qorashaaga ku saabsan Xuquuqda Muwaadinka, Saxaafada, xuquuqal Insaanka IWL?

Cirro: Waxa nooga qorshaysan in aanu waanjino oo xurmayno xaqa dastuuriga ah ee muwaadinka dastuurku siiyay.

Muuse: Waxa noo qorshaysan in aanu talaabo talaabo u hirgalino qorshaha nooga yaala Xaquuqda muwaadinka, haweenka, gabooyaha, hore ayaanu u soo tijaabinay qorshahayga.

Faysal: Waxa aanu dib u eegi doonaa xeerka saxaafada, waxa aanu dib u eegi doonaa xeerar ilaaliya muwaadinka,

Qiimayn:
Muuse 4 = Weakness = waxa uu ku dheeraday sharax dheer oo ku saabsan xaq islaamku siiyay qofka muslimka ah, waxa uga qorshayn aad uma xusin.

Faysal: 4 = Weakness = Muhiimad badan muu siinin hab nololeedka dhaqan dhaqaale ee waddanka iyo qaabka lagu dhaafi karo dhaqanka caanka baxay ee ah in qofku sharciga ka sareeyo.
Cirro: 3 = Weakness = Waxa uu ku dheeraaday sharax ku saabsan muhiimada ay dunida u leedahay Xuquuqda Muwaadinku, Saxaafada, xuquuqal Insaanka, waxa uu in yar ka sheegay waxa uga qorshaysan, muu taaban waxa uga qorshaysan Saxaafada, xuquuqal Insaanka.

11. Maxaad ku raacsan tahay ama aad ugu duwan tahay murashixiinta kale isla su’aashaas sare?

Cirro: Waxaanu wadaagnaa habka loo galayo xuquuda muwaadinka,
Muuse: waxaanu ku kala duwanay in aanaan waddoba wadda hayn, ma aha xogogaal iyagu, xalkiina waanu haynaa, wixii qabyo ahna waanu dhamaystirin doonaa.
Faysal: waxa aanu ku kala duwanay in iyaga wali ay maskaxdoodu ay beelo ku jiraa wali, dadku wuu noo siman yahay.

Qiimayn:
Muuse 3 =
Faysal: 5 =
Cirro: 3 =

12. Sideed kor ugu qaadaysaa sixirka shillinka Soomaliland?

Muuse: Si aan kor ugu qaadno sixirka shilinka Somaliland, waxa aynu u baahanay in ay wax soosaar yeelano, waa in baanka dhex uu shaqadiisa qabsadaa, in la dhiiri galiyo ganacsatada si ay waddanka lacagtoodu u galiyaan.

Cirro: Baanka dhex ayaanu awood siinaynaa, lacagta aanu soo daabacayno waanu miisamaynaa.

Faysal: Waxa aanu samaynaynaa in aanu lacagta Soomaliland fidino, wax sooraaka ayaanu xooga saaraynaa, baanka dhex ayaanu adkaynaynaa shaqadiisa, baanka commercial ayaanu samaynayaa

Qiimayn:
Muuse 3 = Weakness = Muu xusin qorshahooda dhaw (short plan) ee ku aadan qiimo u yeelida shillinka Soomaliland, waxa uu ku dheeraday qorshaha fog
Faysal: 5 = Weakness = ganacsatada waddanka muhiimada badan muu siinin, kuwa dibada ayuu ka door biday.
Cirro: 3 = Weakness = dhaliilaha jira ayuu ku dheeraday halka ay ahayd inuu qorashiisa ku dheeraado.

13. Maxaad ku raacsan tahay ama aad ugu duwan tahay murashixiinta kale isla su’aashaas sare?

Muuse: Waxa aan kaga duwanay in aanu xalka ku foognay ee aanaan dhaliilsha daba socon,

Faysal: Waxa aanu ka midaysanay in aanu baanka dhex tayayno. Waxa aan kaga duwanay in aanu wax badan oo aqoon ku salaysan aanu hirgalin doono.

Cirro: Waxa aan kaga duwanay in aanu dawadii ku sheegayn programka xisbiga.

Qiimayn:
Muuse 4 =
Faysal: 4 =
Cirro: 4 =

14. Shaqo la’aanta maxaa kaaga qorshaysan?

Cirro: Shaqo la’aantu waxay si cad ugu qeexan tahay barnaajimka xisbigayga, dhiirigalinta waxsoosaarka gudaha, dhiirigalinta warshaddaha yaryar, hawl gabka shaqaalaha dawladda.

Faysal: Waxa noo qorshaysan in aan qorshe ganacsi oo waddanka lagu maalgashado aan samayno, waxa aan samaynaynaa komishanka maalgashiga shisheeya maamula, Kaabayaasha dhaqaalaha ayaanu dhisaynaa, dhiirigalinta fikirka ganacsiga,

Muuse: Waxa noo qorshaysan in aanu shaqo qaran samayno, reer miyiga halkooda ayaanu ku shaqaalaysiinaynaa.

Qiimayn:
Muuse 5 = Weakness = maalgashiga dibada muu xusinba.
Faysal: 5 = Weakness = maalgashiga dibada ayuu aad ugu mashquulay.

Cirro: 4 = Weakness = muu sheegin waxa ugu qorshaysan shaqaalaha ajanabiga ah ee waddanka aadka ugu shaqeeya qabta shaqo muwaadinku qaban kari lahaa,

15. Maxaad ku raacsan tahay ama aad ugu duwan tahay murashixiinta kale isla su’aashaas sare ee amaanka?

Cirro: Waxa aan kaga duwanay anigu halbeeg ayaanu sidaanaa iyo inta shaqo ee la abuurayo.

Faysal: waxa aan Cirro kaga duwanay sida loo samayno isagu ma hayo, muusna waxa aan kaga duwanay, Muuse wali waa shuuci oo shaqo qaran ayuu taagan yahay, anigu waxa aan dhisaynaa dawladd kooban oo gacasiga gaarka ahi badan yahay.

Muuse: Waxa aan kaga duwan nahay in aanu waddanka wax uu baahan yahay aanu ognahay, tacliinteena in aanu ka dhigno mid farsmo u badan.

Qiimayn:
Muuse 4 =
Faysal: 4 =
Cirro: 4 =

16. Maxaa kaaga qorshaysan Khayraadka dabiiciga ah, sida xoolaha, kaluunka, IWL.

Faysal: waxa aanu samaynayaa baanka xoolaha, suuqyo cusub ayaanu xoolaha u raadinaynaa, beerlaydeen waanu kabaynaa, waxa aanu ka ilaalinayaa in suuqo kale oo qiime tiraa ay jabiyaan wax sooraakeena.

Muuse: waxa aanu samaynaynaa seeryaal xoolaha lagu xanaaneeyo, waxa aanu samaynaynaa in habka loo xanaaneeyo xoolaha aanu wax badan ka badlano, in reermiyigeen lagu tababaro habka casriga ah ee xoolaha loo xanaaneeyo.

Cirro: Waxa aanu haynaa qorshe lagga maarmayo in suuqa carabta lagu sii xidhnaado, Waxa aanu haynaa qorshe shidaal lagu soo saarayo, waxa aanu haynaa qorshe kaluunka lagu soo saarayo, habka xoolaha loo dhaqdo wax weyn ayaanu ka badali doonaa.

Qiimayn:
Muuse 5 =
Faysal: 4 =
Cirro: 5 =

Wareegii hore ee dooda waxa laggu kala nastay natiijadan; waxa kala heleen dhibcaha;

Faysal: 67 Dhibcood oo u dhiganta boqolay ah = 37%
Muuse: 59 Dhibcood oo u dhiganta boqolay ah = 32%
Cirro: 57 Dhibcood oo u dhiganta boqolay ah = 31%

Wareegii Labaadna sidan ayaa loo kala calaf qaaday:

Faysal: 59 Dhibcood oo u dhiganta = 36%
Muuse: 53 Dhibcood oo u dhiganta = 32%
Cirro: 52 Dhibcood oo u dhiganta = 32%

Isagu gaynta labadii wareeg ee doodu waa;

1) Faysal: 126 Dhibcood oo u dhiganta = 36%
2) Muuse: 112 Dhibcood oo u dhiganta = 32%
3) Cirro: 109 Dhibcood oo u dhiganta = 31%

Guud ahaan doodu waxay u dhacday si fiican, murashax walba waxa uu muujiyay bisayl siyaasadeed. Ugu danabyn waxa amaan iyo bogaadin mudan dhalinyarada aqoonyahana ah ee isu xilsaaray qabashada doodan taariikhiga ah, waxaan leeyahay hambalyo saaxiibayaal waxay guulaystay Jamhuuriyada Soomaliland oo aad u qabteen doodna taariikhiga ah oo ay yartay in lagga qabto afrika.

Hoos ka akhri qaar ka mid ah maqaallo hore oo uu qoray Cabdiqani Cige.

http://bandhige.com/maxaa-laga-baran-karaa-loolanka-agaasime-james-comey-iyo-madaxweyne-donald-trump-q-1aad-wq-cabdiqani-cige/

http://bandhige.com/waraabaha-iyo-siyaasigu-xagay-iska-shabahaan-wq-cabdiqani-cige/

http://bandhige.com/kala-dooro-faras-gabadh-iyo-kun-diinaar-laba-ka-mid-ahina-waa-dil-w-q-cabdiqani-maxamed-cige/

http://bandhige.com/qisadii-kunka-diinaar-iyo-damaaciga-w-q-cabdiqani-maxamed-cige/