Falcelinta Shirkii Jaraaid Ee Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland, Weydiimo iyo Lafagur! (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Falcelinta Shirkii Jaraaid Ee Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland: Weydiimo iyo Lafagur!

Waxa aan daawaday hadalka Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ee uu kaga hadlayo xiisadda ka dhex aloosan Ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo Bangiga lagu sheegay BCIMR ee Faransiiska ah, fadhigiisuna yahay Jabuuti, waxaana iiga muuqday aqoon-darro baahsan. Malaha waa maalintii labaad ee uu iskii shir-jaraaid u qabto, waanu sii goay.

Weedhaha aan qoonsaday iyo sida aan uga falcelin lahaa waa kuwan:

โ€œWaraaqihii eeddiisa ka soo qaatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Caddaaladda. Waana gef sharciโ€. Miyaanu eedaysanuhu xaq u lahayn in uu eeddiisa arko. Adigu goorma ayaad sharciga baratay, xitaa heer jaamacadeed ma tihide. Sharcigu ma sida aad u taqaannaa mise la-taliye sharci ayaa kuu sheegay? Kuma ayuu se ahaa.

โ€œMadax-dhaqameed warmoog ayuu waraaqaha si beelaysan ugu dhiibayโ€ Miyaanay ahayn kuwii 2017ka tegay Diridhaba ee la diiday. Ninka xaajada la socday xilligaas iyo wiilkan kee xog-ogaal ah. Salaaddiinta waan ka raalligelinayaa gefka lala beegsaday. Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale waxa uu sheegay inay laba toddobaad joogeen Diridhaba. Markaas maxay u socdeen? Ma Dalxiis ayay ahaayeen

โ€œHadalka salaaddiintu waxa uu abuuray caadifad beelaysanโ€. Beeli waa ayo, anigu ma beesha Axmed Cismaan ayaad ahay. Ma bulshada dareenkooda cabbiray ee illaa Laascaanood iyo Ceerigaabo ka hadlaya ayaa isku beel ah?

โ€œSharciga ayuu ka tallaabsaday, beelo ayuu abaabulay, nabadgelayda dalka khalkhal geliyo, Somalilandna indhaha caalamka ku soo jeediyo, una ekaato meel lagula soo dhuunto hantida iyo lacagta adduunka laga soo dhacoโ€. Axmed isaga ayaa dhawraya nabadgelyada. Haddii uu cid kicinayo in rabshaduhu bilaabmi lahaayeen, waa la is-beegsan lahaa. Nabadgelyadu cid walba waa u dan! Adigu ma garsoore ayaad tahay? In uu sharciga ka tallaabsaday maxaad u cuskatay? Waa kuwee beelaha uu abaabulay ee kacdoonka wadaa? Ma in eexdu dumin karto nabadgelyada ayaad ka meeraysanayaa?

Haddii aad leedahay โ€œAxmed ayaa la soo dhuuntay lacag uu dhacayโ€ miyaanay jirin hanta isaga ka maqan oo ka xannibani? Yaa loo raacayaa taas? Wixiisi ma duudsi baa? Haddii lagu xadgudbay, miyaanu ahayn muwaaddin ay tahay in dawladda Somaliland u dooddo, mise waa in loo soo raaco dhinacii ay is-hayeen?

Af-hayeen, qudhaada ma laguu arki karaa nin dhinac ah, waayo waxa aad xoojisay in la xigto xukunka maxkamadda Jabuuti? Sidee ayuu qaan u bixin karaa nin la bannaday? Maxaa caddayn u ah in bangigu lacagtaas ku leeyahay Axmed, ma waraaqihii heshiiska ayaa lagu tusay?. Somaliland ma waxa ay shirkadda SBI u diiwangelisay mid Axmed leeyahay mise mid lagu dhisay deyn laga soo qaatay bangi?

Af-hayeen waxa aad noo sheegtay in hantidii Axmed ee Jabuuti xanniban tahay, markaas ma Bangiga ayaa iskii u xannibtay mise xukuumadda Jabuuti? Ma iyada oo aan kiiska laga garnaqin ayaa la xannibay mise iyada oo goaan soo baxay?. Miyaanay taasi marag u ahayn in xukuumadda Jabuuti ku lug leedahay kiiska? Goaanka soo baxay iyada oo hal dhinac la dhegaystay, ma daw maa mise waa deelqaaf?

Haddiiba aad sheegtay in Bangiga BCIMR uu dacwad ka furanyo Somaliland, miyay tahay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Caddaaladdu ay saxeexaan qaraar ka soo baxay Maxkamadda Jabuuti? Garyaqaanka u doodaya bangiga maxaa geeyay wasaaradahaas, miyaanay ahayd in uu eed cusub ka furto maxkamadda Gobolka Maroodijeex?

Afhayeen, miyaanu Wasiir Maxamed Kaahin sheegin in aanay Somaliland waxba saxeexin? Labadiinna hadal kee ayaan qaadannaa?

Siciid Maxamuud Gahayr