Khilaafka afar-geesoodka ah arragtidayda oo kooban (WQ: Faarax Cigaal)

Khilaafka afar-geesoodka ah arragtidayda oo kooban.

Ganacsade Axmed Geele
Xukuumada Djibouti
Xukuumada Somaliland
Bangiga

1- Ganacsade Geele iyo xukuumada Djibouti –
Khilaafka u dhexeeya ganacsadaha iyo xukuumada Djibouti ee khuseeya hantida ganacsadaha lala wareegay iyo sababaha keenay, In xukuumada Djibouti waaran xadhig u soo gooyso ganacsadaha, hantidiisana la wareegto. Ma ogin arrimaha ay salka ku hayso, sidaa daraadeed waa arrin u baahan faahfaahin dheeraad ah oo labada dhinacba laysu dhegaysto.

2- Khilaafka u dhexeeya Bangiga deeynta amaahiyey ganacsade Geele, sida ku cad war bixinta af hayeenka ganacsadaha.

Ganacsade Geele wuxuu amaah dhan $20 Milyan ka qaatay Bangiga Faransiisku share ka ugu badan leeyahay 51%, isaga oo amaahda ku qaatay (equity) hanti ma guurto ah oo ganacsaduhu ku leeyahay wadanka Djibouti, hantidaa oo ku rahman dhaqaale u dhigma deeynta uu qaatay (leverage).

Khilaafka Ganacsadaha iyo maamulka Djibouti wuxuu dhaliyey, In maamulka Djibouti la wareego hantida ganacsadaha (sababta ma ogin), hantidan oo deeynta ganacsadahu Bangiga ka qaatay ku rahmanayd (collateral).
Kulankii ganacsadaha iyo ergadii Bangiga dhex martay, wuxuu ganacsaduhu ku adkaystay in Bangigu hantidaa u xaraasho si deeyntii ganacsaduhu qaatay uga soo baxdo (hantidaa waxa la wareegay maamulka Djibouti sababtana ma ogin) Bangigu wuxuu ganacsadaha u sheegay in aanay hantidaa heli karin madaana xukuumada Djibouti la wareegtey.

Gunaanad – Ganacsaduhu waa in uu deeynta Bangiga iska bixiyaa.
Hadii ganacsaduhu arintan heshiis kala gaadhi waayo Bangiga, waxay saamayn ku yeelanaysaa Somalilnd, madaama ganacsaduhu yahay muwaadin Somaliland ku nool, Somaliland-na tahay dal nidaam iyo shuruuc ka shaqeeyaan.

3- Ganacsadaha iyo xukuumada Somaliland
Xukuumada somaliland in ay muwaadin u masaafuriso wadan kale dastuurku uma banaynayo, heshiis burinya dastuurka (extradition treaty) oo ka dhexeeya Somaliland iyo Djibouti ma jiro, sidaa daraadeed xukuumada Somaliland waxa la gudboon In ay si dhexdhexaadnimo ah arrintan u abaarto, iyada oo xooga saaraysa ilaainta xuquuqda muwaadinka iyo maalkiisaba.

Xukuumadu maxay gar u leedahay? arragtidayda waxay gar u leedahay in shakhsi ganacsade ah ama wuxuu doonoba ha noqdee, heshiisyo la soo galo urruro caalami ah, hadana ka baxo heshiisyadaa oo dalka ku joogo dhuumaalysi. Arrintani waxay dhaawac weeyn u keenaysaa qaranimada Somaliland.

Ganacsadaha marnaba ma aha in uu Somaliland (Ransom) ka dhigto ilaalisa maalkiisa iyo amaankiisa, arrintani waxay abuuri kartaa ku dhiirasho fawdo hor leh oo dalka ka bilaabanta.

Ganacsaduhu marka hore waa In uu bixiyaa deeynta lagu leeyahay ama heshiis kala gaadhaa Bangiga amaahdii uu qaatay.

Khilaafka ganacsadaha iyo Djibouti u dhexeeya waa In si kale loo dhex galo, ie madax dhaqameed ama xukuumada Somaliland.

Way iga dhantahay.

Hadii cidi dhibsato ama khalad u aragto raโ€™yigayga waan ka raali gelinayaa.

Waa feker aniga igu kooban.