Far qurxinta Qorraalka (WQ: Cabdifataax M. Axmed)

“ku hadalka luqaduhu wey ka fudud yihiin, marka la bar-bardhiggo qorraalkooda.Dad badan ayaan si wanaagsan u qori karin luqad ay ku hadlayaan.waad Akhriyi kartaa Soomaaliga hase ahaate qorraalka iyo farta qorrista soomaaligaba waa lagaaga fiicnaan karraa.Ardey badan oo waxbaraneysa ayaa tan iyo intii ay wax soo dhigganaayeen aan fartooda wax isbeddel ahi ku soo dhicin,laguna qancin qaab qorraalkooda aadka u liita.kuwaaso in badan  loo sheego in ay kor u qaadaan heerkooda far qurxinta iyo qorraalkaba.”Farta iska wanaaji,qorraalkaaga lama fahmi karro,wakhtiga imtixaanada macallimiinta waxa ku adkaata in ay fahmaan waxaad soo qortey,Xawaarahaaga qorraalka qor u qaad waa waano,cannaan iyo tallo la isugu darro da,yar badan oo qallinka sida ay fartoodu u heyso aan lagu qanacsaneyn.

Intii aan waxbarashadda ku jirney Mid kasta oo naga mid ahi wax buu ku fiicnaa Mid xoog iyo feedho waaweynaa oo jidh weynaa  dagaalkana loogu yeedhi jirey,kuwo ciyaaraha ku fiicnaa iyo dheesha kala duwan,kuwo suugaanta shubi jirey,kuwo waxbarashadda ku wacnaa,kuwo sawirrada iyo nashqadaha ku wacnaa,kuwo akhlaaqda heer sarre ka gaadhey iyo kuwo far qurxinta iyo hab qorraalkoodu wacnaa.ardeydaasi dambe sida ay fartooda ugu xardhayaan waraaqaha buugga ayaa cajiib aheyd.beryahaasi ardey asxaabteyda aheyd  weli maan arag qaarkood cid ka far qurxoon,inta aan maqaalkani qorraayeyna hal qof ayaa markiiba maskaxdeydu soo qabatey,wiilkaasi waan jecleysan jirey inaan arko oo aan daawado fartiisa una qoro sidiisa,waayadaasi fogeyd muu jirin kumbuyuterka iyo kiiboodhka qorraalka hadda sanqadha lagaga yeedhinaayo.gacantayada ayaa deg-degi jirtey oo iskeed xawaaraha qorraalka u sameyn jirtey taasi oo xaashiyaha ku reeban jirtey wixii saameyn leh.

Ka dib markii aan ku soo biirney dugsiyadda waxbarashadda dalkeena ee hoose waxa si toos ah noogu billaabmey in aan far qorraalka qallinka gacanta saarney,wax nagu cussub ayey aheyd,wax isku buuq iyo dhibaato badan ayey aheyd,maaddooyin joogto ah iyo casharro la qorranaayo ayaa toddobaad kasta soo kordhaayey oo iska soo dabo-baxaayey,shaqo guri iyo imtixaanno ayaa joogto noo ahaa xajmigoodii badnaa nagu dhallin jirey deg-deg aanu safka iyo leynka warqadda qallinka hoos marino.socdaalkayaga waxbarashaddu wuxuu  haddana soo caggo-dhigtey dugsigii dhexe oo naga dalbadey qorraal intiii ka badan,culeyskuna wuxuu nagu sii batey markii aan ku soo biirney  sannaddihii dugsiyada sarre oo tiro badan oo wax la qorraayo albaabada u furtey.Dhibaatada ugu weynse waxa ay timi markii aanu beryo horre ku biirney kulliyadaha jaamacadda,shaqadayaduna waxa ay aheyd wakhtigani in  aan markasta wax akhrino ama qorno,toddobaad kasta waxa aanu ku jirney socdaalkaasi far qorraalka ah.wax badan ayaanu soo qorney,welina 20 sanno ka dib lama nasin xawaarihii gacanta wax qorreysey.

waxaanu beryo horre qorney ayey nagu adkaatey in aanu dib u akhrino oo aanu fahano,iyada oo wax badan oo aanu ku soo daalney habeeno badana u soo jeedney hadda meel buuggaagtoodi taallo aan la garan karin maskaxdase lagu hayo.Xasuusteyda beryahaasi horre dhan kale waxa igu damaq badnaa maalin maalmaha ka mid ahaa oo waxyeello iga soo gaadhey buugg casharro ku qornaayeen oo uu lahaa ardey saaxibkey ahi,taasi oo sababtey in aan habeeno dhawr ah u soo jeeday dib u soo qorrida iyo diyaarinta buuggaasi.

Wax kasta waanu qorri jirney oo aannu kala qorran jirney taasi oo maskaxahayaga xasuusta ku fogeeyey ka hor intii aanuu Photocopy-gu soo bixin,ka dib aaladaha wax daabaca ama laga rogto waxey farxad geliyeen dadkii  ay isla kadeednaayen qorraalka badan,tiknolojiyaddu wey ina nasisey,lana qabatimey mushiinada wax laga rogto,waxaana hoos u dhacey wixii lagu qorri jirey warqaddaha,gacantii iyo qallinkaba,waxaana beddelay kiiboodhka kumbuyuterka.dunniduna waxa  ay arkeysaa in ardeydu ay ku tartamayaan isticmaalida alaadaha tiknolojiyadda sida kumbuyuterka.ardeyda aan heysanin qalabadaasi ee weli gacanta wax isaga qorranaaya,ayaase maalmaha qallinka iyo gacanta la isugu baxo muuqan doonna.

qofka maanta isticmaalaaya kiiboodhku ha ogaado in waayada qaarkood la raadin jirey qof xardha oo qaabeeya warqadd jaceyla oo  loo diraayo ruux meel fog jooga oo nafi doontey.gacanteena iyo kiiboodhka maanta waxa guuleystey kiiboodhka.ugu danbeeyn Qofkii ugu  farta qurxoona ee aan arko wixii 2000 kun ka danbeeyey wuxuu ahaa sxbkey “Ahmed Iid Aden “.farta xaragooneysa ee  hadba dhinac isku laabeysa isaga ayaan ku ogahay.Idinkaan idin Dhaafi midka Dhakhtarka iyo Macallinka aad xawaarahaha iyo qorraalka badan ee farta siin doontaan.

Abdifataah M.Ahmed 

Ceelaabe_10@hotmal.com