Maqaalkan waxa aan uga hadli doonnaa maalinta mutadawacnimada “Volunteer”adduunka. Waa maxay iskaa-wax-u-qabso? Muhiimadda ay bulshada u leedahay, hannaanka loo maareeyo howlaha iskaa-wax-u-qabso, waajibaadka looga baahanyahay hagaha ama hoggaamiyaha barnaamijka iskaa-wax-u-qabso, iyo dheefta laga hello in aad noqotid mutadawac u addeega bulshadiisa?
Sannad walba dunidda maanta oo kale 5/12/2020 ka Waxaa soo mara oo laga xusaa dunidda oo dhan maalinta matudawacnimada adduunka. Maanta oo kale sanadku markii uu ahaa 1985 tii waxaa dhidibada loo taagay in lala dabbaaldego, la dhiirrigeliyo, loona hambalyeeyo dadka u banbaxay dadka ay la noolyihiin in ay ugu addeegaan sida ugu macquulsan oo ugu hufan. Iyaga oo aan shillin iyo shuruud toona ku xirayn hawshooda, wax faa’ido buuran oo ay ka rabaana aysan jirin.
Maanta oo kale waxaa la sameeyaa wacyigalinno bulsheed, dadkaa la fahansiiyaa faaโidada iskaa-wax-u-qabso. Dadka saboolka ah ayaa la gaadhsiiyaa kaalmo kaladuwan sida; mid waxbarasho, caafimaad, wacyigellin, dhiiggag baa lagu deeqaa, shirrar iyo tababbaro ayaa loo qabtaa.
WAA MAXAY ISKAA-WAX-U-QABSO?
Iskaa-wax-u-qabso waa ficil wanaagsan oo ay sameeyaan koox dad ah ama shaqsi. Iyaga oo ku bixinaya waqtigoodda, xirfadoodda, aqoontoodda, awooddoodda si bilaash ahna waxay ugu addeegayaan bulshadoodda.
Iskaa-wax-u-qabso waxa ay isku xidhaa bulshadda qaybaheeda kala duwan, waxa ayna u horseedaan in la helo isbaddelo togan. Iskaa-wax-u-qabso waxa ay sidoo kale faafisaa dhaqan bulshada jeclaysiiya wada shaqaynta iyo rejo abuurka.
Dadka dunida ku nool ee iskaa-wax-u-qabso ugu shaqeeya shacabkoodda waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 970 malyan, sida ay daabacday Jaamacadda John Kopkins University.
Muhiimadda Isxilqaamka;
Muhiimadda ay leedahay in aad ku shaqayso si mutadawacnimo ah waxaa ka mid ah:
- Xirfaddaadda shaqsiyadeed baad ku kobcin kartaa. Kooxaha is abaabulay si bilaash ah bulshaddoodda ugu addeegaaya waa shaqsiyaad kala duwan xirfad ahaan, shaqo ahaan, khibrad ahaan iyo waliba farsamo ahaanba. fursadna waxaad u helaysaa in aad la kulanto dad cusub, la falgashid, kana kasbatid xirfado xoojinaya shaqaddaadda ama aad ku baraneysid kuwa cusub.
- Caawinaad waxa aad ku caawin kartaa kuwa jilicsan carruurta agoonta ah, kuwa darbijiifka ah, waayeellada iyo dadka dhimirka la xanuunsanaaya. Waxaad fursad u helaysaa inaad qayb ka noqoto la dagaallanka jahliga, fakhriga, saboolnimada iyo cimilada sii kululaanaysa. Maalamaahaga fasaxa ah waxa aad u qareemi kartaa kuwa dulman kuna xiran xabsiyad waayay caddaaladda.
- Waxa aad ku dhisi kartaa kalsoonidaada shaqsiyaddeed. Dadyow kala duwan baad la howl galaysaa, kala dhaqan duwan, kala aragti duwan, waa wadada ugu wanaagsan haddii aad dareemaysid cabsi, xishood aan wanaagsanayn waa halka ugu habboon ee lagu xallin karo.
- In aad heshid shaqo kuku habboon oo qofnimadaada u wanaagsan. Dhallinyaraddo badan waxa ay wajahayaan caqabado farabadan oo kaga imaanaya in ay hellaan shaqo ku habboon, sababtoo ah shaqooyinka waxaa looga baahan yahay khibrad iyo waayo-aragnimo. Khibraddaas waxa aad ka helaysaa in ku shaqayso si-is-xilqaan ah waxa aad la kulmi doontaa xubna firfircoon kulana wadaagi doono fursado iyo farsamooyin shaqo oo wanaagsan.
- In ay horrumariyaan caafimaadkoodda hoosna u dhiggaan welwelka iyo isla hadalka iyo waliba wixii la mid ah, siisana rejo iyo yadiddiilo cusub oo wanaagsan.
- In aad faafiso dhaqanka iskaa-wax-u-qabso, bulshadana aad tusaale wanaagsan u noqotid.
Laguma soo koobi karo qoraal muhiimadda ay leedahay Iskaa-wax-u-qabso, se waxa aan isdultaagay qodobbada ugu muhiimsan.
Maaraynta Hawlaha Is-xil-qaamka;
Howl walba oo la qabanaayo waxa ay u baahantahay in la maareeyo, sidee loo maareeyaa loona maamulaa mutadawciinta?
- In la qorsheeyo howlaha la qabanayo, haddii ay tahay dhaqaalaha ku baaxaya barnaamijyadda, cidda fulineysa waxqabadka iyo ka qayb galayaasha intaba.
- Qoridda siyaasad cad oo lagu maaraynaayo hawlaha isxilqaanka.
- In la aqoonsado isxilqaamaha ugu wanaagsan dowr muuqdana ka qaatay howlaha socday.
- Diwaangalinta saacadaha ay shaqeynaayaan iyo waxqabadyada ay qabteen.
- Maareynta agabka la haysto iyo sida loo isticmaalayo.
Waajibaadka saaran hoggaamiyaha iskaa-wax-u-qabso;
- Hoggaamiyaha masโuuliyadaha saaran waxaa ugu waaweyn qorsheynta, dhaqangalinta mashaariicda la rabo in la fuliyo.
- Iskuxidhka shaqsiyaadka iyo isku wadi dooda.
- Qiimeyn iyo qaabka ay u socdaan howlaha isxilqaanka.
- Xallinta khilaafaadka.
- In uu caawiyo horjoogayaasha kooxaha.
- In uu ku dhiirrigaliyo in la xaqiijiyo halka rabo in la gaaro.
In aad noqotid hoggaamiye mutadawac maxaa ay kaa caawineysaa?
- In aad wax ku darsato horumarinta bulshaddaadda.
- Kor ugu qaadid xirfadaada hoggaamineed.
- In aad heshid aqoonsi bulsho.
- Ku dhisitaanka xadhiidhka wanaagsan.
Waxaa qoray Abuubakar Abdillaahi Maxmed (Duceysane)