Fasax iyo Fiirsi 2023 ! (W/Q: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Fasixii xagaaga oo aan dalka ku soo qaatay ayaa soo idlaaday. Waxaan soo maray magaalooyin dhawr ah. Borama bil kaamil ah ayaan ku sugnaa. Fasax wacan oo goor wacan yimid dhe. Dhanka kale, fasax ku soo beegmay seban arlada colaadi saamaysay. Seban dhiig sokeeye goobo badan qulqulay. Ayaandarro se waa maalmo niyadsamidii hore aanay wada jirin, misana samatalis soo afmeera aan laga wada quusan.

Qulqulka Qurbajoogga

Dalku guud ahaan wuxuu la ciirciirayay dad fasaxyo ku jooga oo inta badan dibadda ka yimi. Qoysas wada socda, soo guryo noqday, meel walba waad ku arki. Caruur af walba ku hadlaysa, daafaha dunida iskaga kala timi, fasaxa xagaaga dhulka hooyo ku qaadanaya, goob walba, waad kula kulmi.

Borama gaar ahaan waxa u dheer, dad badan oo dalka Jabuuti ka soo xagaa baxay oo magaalada cammiray. Dadkaasi, beryaha qaar waa ka dhex muuqan jireen magaalada. Dhalaalka ka muuqda, labiskooga iyo muuqooga guud ayaa dadka laga ga soo sooci jiray. Wali ishu dadkaas waa soo saaraysaa. Beryahan danbe, kaliya lahjadda inaad ku aqoonsato ayay u badan tahay.

Caano lis ah

Waxa muuqata in xidhiidhka gaar ahi ka dhexeeyo dadka reer Jabuuti iyo dhamidda caanaha! Dadka Jabuuti ka soo xagaabaxa caanuhu quudkooda maalinlaha ah meel sare ayay kaga jiraan. Muxibaddan gaarka ahi waxay u badan tahay inay ku qotonto khayraad yari ama ka faaโ€™iidaysi nafaqeeye aan koriinka lafaha, jidhka iyo caqliga guud ahaan looga maarmin.

Dadkaas banaanka ka yimid, guud ahaan dalka dhaqdhaqaaq maaliyadeed ayay soo galiyaan. Guryo badan ayay kiraystaan, gaadiidka ayaa dhaqdhaqaaq xaami ah ka hela. Si guud, dhaqaalaha maxalliga ah, firfircooni ayay galiyaan, dakhli loo baahan yahayna waa soo galiyaan. Taas oo jirta, wali ma muuqato, tab iyo xeelad dadkaas iyagana lagu soo jiidanayo, adeegyada loogu fududaynayo, maalgashi intan ka badanna lagu dhiirigalinayo. Waxay ahayd, xafiisyada dawladda ee adeeggu kaga xidhan yahay, gaar ahaan dhawrka bilood ee ay joogaan, inay adeegga guud dardargaliyaan oo hubiyaan in dadkaas si hufan loogu adeego, fursadaha ay wadaana looga faaโ€™iideysto.

Qoddobkani waxa mudnaantiisa gaarka ah aad ogaanaysaa marka aad u kuurgasho sida wax kala iibisigii dhulka iyo guryuhu hakadka u galay tan iyo hirgalintii qorshemagaaleedka. Hakadkaas ayaa saamayn baโ€™an ku yeeshay buโ€™dii dhaqaale ee magaaladda.

Masaajiddo Cammiran

Waxa kale oo aan doorkan u fiirsanayay masaajidada. In badan waan maray oo u soo kuurgalay. Aad baa loo qurxiyey oo loo habeeyey. Loo horumariyey, badiyey oo loogu hagarbaxay. Ha yeeshee, masaakiin baahan oo salaad kasta ka gadaal ka kacaya masaajidada ayaa caqabad ku ah in qofku iska sii jeclaado inuu ku negaado masaajidka. Habdhaqankani waxa uu dabar ku yahay in ruuxdu deganaan ku dhex dareento. Bawdyo rag maalinba mid baa qaawane, dad baahan oo shisheeye u badan, in faqriga lagu eegtaa daw maaha. In sidoo kale, baahidooda masaajidada looga ordaana dan maaha. Markaa waxa loo baahan yahay, meel dhexe oo inta baahan- waliba dhab u baahan- si basar leh loogu saacidi karo, masaajidaduna ku sii ahaadaan goob xasilooni ruuxi ah loo soo raadsado.

Si la mid ah, la yaabay sida masaajidadu u cammiran yihiin inta badan salaadaha iyo sida ay u haawanayaan salaadda Subaxa. Dad aad u kooban ayaa soo xaadira salaadda Subaxa. Marka laga yimaad masaajidka anigu aan xaadirayey, dad badan oo aan la sheekaystay, waxay ii xaqiijiyeen dareenkii aan qabay- tiro yarida dadka caadaystay inay salaadda Subax jamac ku tukadaan. Awalba laakiin sow sidaa uun ma ahayn, maxaa haddeer soo cusboonaaday? Waa run, noloshayda abid, inta magaalo ee aan ku soo noolaaday, jamac laba saf ka badan, salaad Subax marna ma arag. Waxa taas aad iyo si la yaab leh uga duwan magaaladda Nayroobi. Salaadda Subaxa, 8 ilaa 10 saf ayaan noqonaa masaajidka xaafadda aan hadeer degannahay. In Duhur ama Maqrib la tukanayo ayaad moodi. Masaajiddo kale oo isla Nayroobi ah, jamacu intan kama yara salaadda Fajriga, haddii aanu ka badnayba. Sidaas oo ay tahay, guud ahaan Kenya, tirada Muslimiintu, 11% weeyi.

Doorsoonka Cimilada

Doorsoonka cimilada ee dunidan sii kululaanaysaa astaanta u tahay, dhulkii aad boo looga dareemayaa. Abaaraha iyo fatahaadda soo noqnoqday ka sokow, goobaha dadku iskugu yimaadaan sida hoolasha huteelada iyo masaajidada, in marawaxaddo iyo qaboojiyayaal lagu xidho ma ahine, neefta ayaaba dadka qabanaysa. Heerkulku intan xagaaga ah soddon iyo dhawr digrii hoos ba ugama dego, inta badan maalintii. Guryaha cusub ee hadda la dhiso, qasab ayay noqotay in marawaxaddo lagu rakibo. Doorsoonka cimilada si dhab ah arladii looga dareen.

Tan oo jirta, waxa magaalooyinka waaweyn ku soo badanaya goobo ama huteelo wada cagaaran oo indhoqabatin leh. Deegaankaas cagaaran oo inta badan loo adeegsado xal-dabeecadda ka soo farcamay wuxuu kaalin ka gali karaa anfaca ku lammaan dib u dhiraynta deegaanka.

Dunida Ciyaaraha

Garoomadan casriga ah ee roogga la dhigo markii la soo kordhiyey, waxaan cabsi ka qabay in ruuxii hayntiisu buuran tahay uuni ubadkiisa u heli karo goobo ciyaareed cagaaran oo nadiif ah. Xuquuq aasaasi ah oo ganacsi gashay ayay iigu muuqatay. Taasi oo jirta, haddeer waxa aan ku baraarugay, Borama gaar ahaan, sida kubadda cagta loo ciyaaro, loo xiiseeyo. Yar iyo wayn, aad baa loo ciyaaraa kubadda cagta. Garoomadaas roogga ah ayaa suuqoogu xaami yahay. Goor walba waa cammiran yihiin. Saacad walba, waa buuxaan.

Camal laโ€™aanta saraysa iyo isku mashquulinta ciyaaraha dabcan xidhiidh waa ka dhexeeyaa. Waxa kale oo jirta, in dad badan oo shaqeeyaa, galinka danbe ilaa saacad danbe oo habeenimo ay garoomadan cammiraan oo ku ciyaaraan. Ilaa saqbadh ayaa meelaha qaar lagu gaadhaa ciyaarahan. Markaa inta ay camal laโ€™aani sababto, inta isboortis jacayl iyo xiise loo qabo ciyaaruhu keenaan ayaa leโ€™eg ama ku dhawdhaw. Yeelkeede, waa dhaqan wacan. Intii balwado kale lagu mashquuli lahaa, ama siyaasadda ambadka ah lagu danseegi lahaa, isboortigaa isdhexgalka bulsho dhallinaya ha lagu foognaado. Ciyaaruhu sidoodaba waxay suurtagaliyaan isdhexgal bulsho gaar ahaan sebankan qaadku dad badan qardaafeeyey. Runtii qaadkaasi dalkii iyo dadkiiba waa halakeeyey. Xooggii buu dabray, sharaftii buu laaley, qoysaskii buu isa sudhay, xiskiina, in badan wuu la tegay!

Jihayn

Warbixintaydii laba sanno ka hor ee Fasax iyo Fiirsi ayaan kaga hadlay adeegsiga baraha bulshada iyo sida guud ahaan loogu haftay. Sidii si la mid ah, ayay hawshaasi u sii labalaxaadsatay. Hebello inta badan nolosha si uun dulsaar ugu ah ayaa haga oo hoggaamiya ajandaha bulshada. Sow cajiib ma aha sida loo jiheeyo sheeko-wadareedka iyo ajendaha dadweynaha.

Sow markaa dib u eegi maysid aragti aad ka qaadatay kooxahan. Sow iswaydiin maysid waxa ku dhacay awooddii hoggaamineed iyo jihayneed ee geesweyntii bulshada. Sow goobi maysid halka ay aadeen jaamacadihii, ururradii bulshada rayidka ahaa, culimaddii, hoggaankii dhaqanka iyo aqoonyahankii. Kooxahan ayaa la rabay inay qaabeeyaan oo saameeyaan qaab fikirka bulshada. Iyaga ayaa laga filayey inay bulshadan nugul luggooyo kale ka dhawraan. Balse, mooganaan iyo maahsanaan mid ay ka tahayba, kooxahani ka badin waaye faalaynta iyo ka falcelinta ajende ruux afkuxoogle ahi soo tuuray!

Sidii si la mid ah ayay siyaasaddu u tahay waxa loogu hadalhayn badan yahay, misana loogu maaro xun yahay. Isku dayasho indho laโ€™, kala daadsanaan baahsan, midnimo iyo wadajir laโ€™aan, intuba waa baadisooc ay ku astaysan tahay siyaasadda inta badan reeraysan, hadday ruux joogtana danaysi hagayo, mar walba murugsan ee misana heer qaran lagu jilo.

Jidadka iyo nadaafadda,

Labadan oo aan hore uga ga faalooday warbixintii 2 sanno ka hor, wax ka dhaca mooyee, waxba uma soo kordhin. Foolxumada ugu weyn ee taagan weeyi. Haddii laga tagi waayo, dawladda hoose ee Borama ayaa la timid qalab-dhismeed rajo laga qabo in loo adeegsado horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee jidadku ugu mudan yihiin. Isha ayaa lagu wada hayaa isbeddel loo wada harraadqabo.

Jidadka Hargeysa, dhanka kale, waa dhismayaan oo horumarayaan. Kuwii hore oo dib loo dhisay iyo kuwo cusub dhismahoodu ba waa socdaan. Nadaafaddu waa soo wacnaanaysaa. Guud ahaanna isku qanacsanaan dadka iyo golaha deegaanka ah ayaa muuqata.

Isku tashi

Iskutashiga bulsho wuxuu mar walba ahaa cunsur udubdhexaad u ah horumarka bulsho. Mashaariic waaweyn oo waxtar leh ayaa habkan lagu hirgaliyey. Intan danbe, waxa ugu mudan, xayndaabka ama dayrka lagu soo wareejiyey dhulka ay ku fadhido Jaamacadda Cammuud. Masaafo dhan 6km ayaa dayr laga dhisay. Lacag nus malyuun Doolar ah ayaa ku baxday, sida la sheegay. Lacagtaas oo muddo kooban lagu soo ururiyey, idilkeed gudaha ayaa laga qaadhaamay. Waa tibaax in isku tashiga bulsho xoog badan yahay, dihin yahay oo irmaan yahay, gaar ahaan marka ay gadhwadeen ka yihiin dad magac, maamuus iyo aaminaad huwan.

Si la mid ah, koox arday hore ah oo dugsiyada Borama laga qoray bilawgii toddobaatanaadkii ayaa is urursaday oo is abaabulay, ka dibna sanduuq dhaqaale samaystay. Daafaha dunida ayay kala joogaan. Waa isku xidhan yihiin oo saacidaan kooga dhib la soo daristo. Ta ka sii wada muhiimsan, waxay taageero maaliyadeed oo joogto ah ku saacidaan Isbitaalka Qaaxada ee Borama. Taageeradooda dhaqaale ayaa lafdhabar u ah dhuuniga la siiyo dadka bukaanjiifka ah, dawadu u socoto oo badi ka yimi meel ka baxsan gobolka Awdal. Dad hayaanka waxbarasho kulmiyey mar ku dhawaad konton sanno laga joogo, daafaha dunida ku kala baahsan, cid walba leh, inay hal ujeeddo midayso oo dib isku urursadaan, isku abaabulaan, astaan ilbxanimo iyo horusocodnimo ayaan u arkay. Tusaale nool oo ku dayasho mudan ayay iigu muuqatay.

Inta dan guud lagu dhisay isku tashi bulsho tiro ma leh. Baahi bulsho ayaa lagu daboolay. Waxa ka sii wacnaan lahayd iyada oo baahiyuhu sida ay u kala mudan yihiin loo kala hormeeyo. Hadba mid si wadajir ah loogu guuso. Dhiigbax dhaqaale waa laga badbaadi lahaa. Isdhexyaac iyo borotan -mararka qaar bakooro qaba- waa laga baxsan lahaa.

Ugu danbayn, jeer oo dhaqaalexumo guud ahaan jirto, haddana dad dadaalaya oo haya hal shaqo wax ka badan ayaan indhaha saaray. Dirawallo Dhaweeye, subixiina huteello ka shaqeeya, fiidkiina dhaweeye ku xoogsada la kulmay. Sidoo kale, dad door ah oo labada galin, mid ba goob ka shaqeeya arkay. Dadkani Hargeysa ayay u badan yihiin. Laba-xoogsigan, dhan dadaal shakhsi ah, isa soo taraya iyo horumar lagu diirsado u arkay. Doc kalena fursaduhu sida ay meel kaliya ugu urureen ka dhex arkay. Haddii aan ka hadlaynno dhallin qaarkood hal shaqo wax ka badan heli karaan, kuwa badan oo magaalooyinka kale ahi, mid kaliyana ma hayaan. Dhaqan aan kala jeclayn tacabka iyo wahsiga oo ayaandarro soo xoogaysanaya marka laga yimaad, kala tag dhanka fursadaha shaqo, dhaqaale iyo adeeg ee magaalooyinka u fahmay. Aalaaba jaangoynta aan loo meel dayin ayaa sidan dhasha.

Fiirfiirsiga iyo faalada, waaban ku talaxtagee, halkaa ha inoo joogaan!

 

WQ: Abdirahman Adan Mohamoud

Bandhige@gmail.com