Geerida Ma ku Cibro Qaadataa? (W/Q: Sheekh Rakuub)

Maalmihii ugu dambeeyey waxa soo badanayey tacsiyeyn dad geeriyooday oo badankood si kedis ah u dhimanayeen. Geeriyahaasi adiga maku taabteen oo ma iswaydiiysay in cadceedda soo baxdaa qabrigaaga kuu soo dhawaynayso, mase is waydiisay waxa aad u sii diyaarsatay?

Isdultaagga maydka, booqashada xabaalaha iyo iil-dhigistu waa cibaaro aan wacdi iyo waano u baahnayn ee ishaadu ha cibra-qaadato ah. Nabigu NNKH, kolka uu xabaalaha joogo wuxu odhanjiray taas oo kale u diyaar garooba. Diyaargarowga Rasuulku sheegayaa waa marka magacaagu mayd isku beddeli doono, hugaaguna kafan noqon doono, hoygaaguna qabri ahaan doono, hantidaaduna dhaxal noqon doonto. Diyaargarowgu waa suโ€™aalaha qabriga kugu sugaya in aad u sii shaqaysato.

Dhimashada qofna ma jecla, qofna ka baxsan maayo sida Rabbi sheegay haddaad qalcad hoos gasho waa mid kuu imanaysa, waa musiibo lagu wada xukuman yahay sida Quraanku caddeeyey, waana musiibo la innagu addoonsaday in aynaan mooganaan ee aynu xusuusnaano sida Rasuulku NNKH, sheegay, โ€œBadiya xusuusnaanta midda macaanka jarta (geerida).โ€

Qiyaamaha ka warrankiisa iyo geerida ka hadalkeedu maaha hawaawi ee waa dhab lala kulmi doono, qof kastaana sugaysa. Kolka uu Quraanku ka warramayo ka hadalka geerida, nolosha xigta geerida, isla xisaabtanka iyo abaalmarrinadu waa kuwo qof kasta uga baahan in uu si dhugasho leh u dhuuxo.

Geeriyuhu way innagu badan yihiin, xuska iyo xusuusnaanteeduna way innagu yar tahay. Middaas waxa caddayn u ah kolka aynu xabaalaha isugu nimaadno dhaqankeenna. Wuu innagu yar yahay qof xabaalaha dul istaagaya oo ku dul fikirayaa, isdhigaya booskaa ah in isagu yahay kaa uu dultaagan yahay, iswaydiinayaa hadduu kaa ahaan lahaa wuxu majeeran lahaa. Isu sheegaya maanta ayaad jaanis haysaa eโ€™ maxaa kula gudboon?.

Qof kastaa ha ogaado qiyaamuhu in uu u bilaabmayo kolka uu qabriga galo, waxqabadkiisii nololeedna halkaa ku soo idlaanayo, buugga u kala furmayaana uu yahay waxqabadkiisaa oo lagu abaalinayo. Maanta ayaad fursad haysaa ee beri kolka lagu xabaalo maaha.

 

Xigasho:Abdirisak Hassan Rakuub

Bandhige@gmail.com