Fashilka khaarajigeena Aragnaye, halkuu Kulmiye nagu wadaa? (WQ: Sacad Makaawi)

Shirkii midowga Africa AU ayaa dhawana kusoo gabagaboobay Addis ababa, sida caadada ahayd SL waxa u joogi jirey dad matala, xiligii Mweyne Riyaale waxa tagi jirey wasiirka arimaha dibada iyo wafti uu hogaaminayo, dedaal baa la galin jirey, wariye hii caanka ahayd ee Muha Farah ayaana aad uga muuqan jjrtay oo madaxda suaale SL ah kuwada ganni jirtay, midho dhalkeediina wuxuu noqday weftigii AU soo direy ee indha-indhaynta u yimi SL, kuwaasoo warbixin fiican ka diyaariyey. Dawladii Cigaal AUH iyo tii Rayaale aqoonai raadisku priority 1 ayuu ahaa.

Hadaba hadeer dedaalkaasi diplomacy deed ma muuqdo, wasiiry khaarajigeenii waxa uu u dalxiis joogaa UK, halka safar aan buurneyn uu dhawan kaga soo noqday wasiirk ku xigeenkiusna Malaysia, heer xitaa ay qaabilaan safiirka Finland agaasime (administration level) oo labadii siyaasi ee wasaaradu maqanyihin safaro kharash mooyee dhef lahayn.

2 dawladood ee kulmiye fashil weyn oo wasaarada arimaha dibada soo waajahay ayaa si waadix ah u muuqda, tamar iyo taagteedii waa la dhimay, door ma laha; miisaniyad ahaan wasaarda dhan ee hadafka xanbaarsan waxa ka badan ta madaxtoiyada iyo maaliyada, shirarkii Somalia lala galay na waxa kasoo baxay uun 3 qodob:
– in laga hodmay oo dhaqaale kaga helay shirarkii Turkiga ka dhici jirey
– In hawadeenii xamar la geeyey
– in xasuuq/Genocide loosoo badelo gabood-fal/ atrocity
– iyo in uu xoogeysto isku furfuranka Hargeisa-Mogadisho (integration and interconnectedness)?!!!!!

2dii dawladood ee Kulmoye wxa waadix ah inaanu aqoonsigu ahayn Priority 2010-2017 tii joogtay dawladii horumarka ayey inagu salaamtay, halkaa (shift policy and prioritization) ayaa inooga muuqda.

Halkee Kulmiye inagu wadaa hadaba?