Guud-marka Buugga Hadyad Jacayl (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

HADYAD Jacayl waa diiwaan ku cusub saaxadda buugaagta oo 1dii Feberweri 2019ka lagu daahfuray Mango Garden, Hargeysa. Sidoo kalena waxa 10kii Feberweri 2019ka bandhiggiisa labaad oo Burco ah khalkhaliyay boolis iyo koox culimo ah.. Aniga se waxa uu isoo gaadhay dabayaaqadii guโ€™gii galbaday ee 2018ka, waanan ku faraxsanahay in aan ka mid noqdo dadka ugu hor arka.

Waxa aan nasiib u helay in aan akhriyo, tifaftiro oo ka bogto ka hor intii aan la daabicin, waxaana ii keenay Qoraa Cabdisamad Aw Daahir (Sumcadda) Cabdisamed Awdaahir Sumcada oo uu isku kaaya xidhay Qalin-dhuux C Daacad Cabdicasiis Ibraahin Ciise (Daacad). Ma dul cararin, degdegna uma kor marin, kolba xaashi ma roginโ€™e erey-erey, weedh-weedh iyo bog-bog ayaan u dhuuxay.. Weliba dheehashadiisa waan ku noqnoqday. Waxa iiga muuqday dedaal, curin iyo ururin heersarraysa.

Judha aad magaciisa aragto, waxa aad dareemaysaa in uu buuxiyay kaalin loo baahnaa. Eebbe ayaa ragga iyo dumarka dhex dhigay galgacal iyo naxariis, sida ku xusan Quraanka. Kuwa nolosha iska doortay iyo kuwo doonaya inay midoobaanna si gaar ah ayay u wadaagaan gacaltooyo, tudhaale iyo daaddihin.

Maadaama oo uu HADYAD Jacayl iila muuqday dheri ay bisaylkiisa sugayaan barbaar badani, waxa aan waajibaadkayga kaga gutay muddadii ugu koobnayd ee tala-bixinta iyo tayadii ugu sarraysay ee lagu milgeyn lahaa qof kugu maamuusay inaad cilmi-baadhistiisa sii lafa-gurto. Qoraaguna waxa uu ii sheegay in uu madbacadda u gudbi doono marka aan quraaro (tifaf-tiro), sidaas awgeed ayaan xil gaar ah isaga saaray.

Marka laga yimaaddo xidhitaanka iyo furitaanka buugga sida hordhac, mahad-naq, xigasho iwm, nuxurkiisu waxa uu ku dhex jiraa tusmada. Qaybaha ugu muhiimsan ee gudbinaya dulucdiisuna waxa ay kala yihiin kuwan:

Qeexidda Jacaylka
Hababka Jacaylku u gudbo
Keli ahaanshaha waxa ka fiican wehel
Siyaabaha loo dareemo jacaylka
Qiimee qofka jacaylka kuu sheegta
Dhibka jacaylka oo kugu keliyaysta
Barashada iyo qoomammada jacaylka
Jacaylka iyo wakhtiyadii asxaabta
Dhambaalka iyo jacaylka
Gedka haybsoocu ka galay guurka
Jinku ma jeclaan karaa insiga?
Maahmaahyo ku saabsan jacaylka
Valentines day iyo xaqiiqooyinkiisa
Jacaylka dadkii hore iyo suugaanta
Qosolka iyo lammaanaha
Qisooyinka dadkii jacaylka ku caan baxay: Hodan iyo Cilmi, Qays iyo Layla, Cali-Maax iyo Cawrala

Ciwaan kastaa waxa uu leeyahay dhudo sii farcamaya. Waax kastaaba waa damal leh xidid, jirrid, ubax, caleemo iyo laamo gooni ah. Gees kastaaba waxa ay leedahay xiisaheeda, xog-tebinteeda iyo xuska ka-tirsanaheeda. Waa hawlgal mudan hambalyo iyo bogaadin, waana bar bilaw fiican maadaama oo uu yahay dhiganihii kowaad ee uu Qoraagu bulshadiisa la wadaago.

Buuggu waxa sal u ah ama uu xiganayaa duruusta diinta Islaamka, waxa uu ka digayaa dhaqanno dhanka gaalada inagaga yimi, sidoo kalena waxa uu ku qotomaa dhaqankeenna soo-jireenka ah. Waxa uu xambaarsan yahay xog ku saabsan abbaarta (mawduuca) uu faaqidayo, waxaanu guubaabinayaa in la noqdo qoysas dhisan. Qof kasta oo leh himilo guur, waxa uu u noqonayaa wehel.
Lammaaneyaasha ku guulaystay dhismaha qoyskoodana waxa uu ku dhiirrigelinayaa inay ku fara-adaygaan samaha ay gaadheen. Tusaale iyo tilmaan, maad iyo madaddaalo, qisooyin iyo qoddobo kale ayaa ku jira. Wuu qancinayaa qof kasta oo ku jira xilliga dhallinyarannimada, isla markaana leh han iyo higsi nololeed oo dhinaca xulashada lammaanaha ah.

Qiimihiisu kuma dhici karo koox wadaaddo ah oo wadata askar indhuhu xidhan yihiin. Sidoo kalena qaayihiisa ma tiri karaan dad aan dhugan dhambaalkiisa, oo dhegta weedho ka maqlaa. Waxyeello lagula doono ayaa mararka qaarkood waxtar kuu noqota.

Xagxagashadii iyo xurmo-darrada qoraayada qaarkood lagula kacay waxa ay saamayn mug leh u yeeshay diiwaannadii ay qoreen oo daba-qabsi noqday.

Waa hadyad maamuus ah oo ay si san isu guddoonsiin karaan dadka dookhu is-raaciyay ee dadabgalay iyo kuwa doonaya inay laba-deryaale ka wada galaan dabaylaha gooninnimada, kuwa raba inay si sharci ah u demiyaan damaca doobnimada iyo gashaantinnimada.

Ugu dambayntii waxa aan si kal iyo lab ah u hambalyaynayaa Qoraa Cabdisamad Aw Daahir (Sumcadda) oo maskax, maal iyo muruqba u huray in uu ka midha-dhaliyo himiladiisii qalinka, isla markaana horteenna keenay buugga HADYAD Jacayl.

Siciid Maxamuud Gahayr