Faysal Cali Waraabe Iyo Madaarka Jibouti 2007 (WQ: Mohammed Abdi Hassan Diridhaba)

Faysal Cali Waraabe Iyo Madaarka Jibouti 2007

Bishii July sannadkii 2007 dii ayaa diyaaradd ay shariikadda Daallo leedahay oo ay aniga iyo rakaab kale oo reer Somaliland u badan naga qaaday madaarka Hargeysa, waxaanu dhawr saacadood Transit ku noqonay madaarka Jibouti, oo aan uga sii dhaafaynay dhinaca iyo magaaladda Dubai.

Markii diyaaraddii aanu la soconay aanu ka soo degnay ayaa waaxda socdaalka ee madaarka Jibouti ay baasabooraddii naga uruuriyeen, weligay maan arag madaar baasaboorada lagu uruursado.

Intaanan u gudbin Terminalkii aanu diyaaradda kale ku sugi lahayn ee madaarka Jibouti, ayaa ishaydu ku dhacday Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga UCID oo shaw diyaaradda Hargeysa naga soo qaaday la socday.

Waxaa nala galiyay saf dheer, waxaana hortayada la dhigay bir kuwa la guur-guuriyo ee lagu baadho dadka socdaalka ah (Airport mobile security checking scanner), oo aad moodaysay in si badheedh ah rakaabkayaga Hargeysa ka yimid loo bartilmaameedsaday.

Mid, mid ayey waaxdii socdaalka

ee madaarka Jibouti noo baadheen, arrintu waxay ugu darrayd, markii guddoomiye Faysal Cali Waraabe wakhtigiisii la soo gaadhay.

Ogobeey waxaan is idhi, ujeedada baadhitaanka loo samayaynaayayba waxay ahayd in isaga loola dan lahaa, intayada rakaabka ah ee la socotayna baadhitaanka nala mariyay lagu saxaayay.

Markii uu soo gaadhay birtii ayaa waxaa si ula kac ah ugu soo dhawaaday goobta laba sarkaal oo waaxda socdaalka madaarka Jibouti ka tirsana, waxay ka qaadeen Faysal shandad yar oo samsonite ah ama kuwa gacanta lagu qaato ah, oo dhokomantiyo ugu jireen oo uu gacanta ku watay, shandadii intay fureen ayaa wax alla iyo wixii ku jiray ay dhulka ku daadiyeen, si anshaxa ka baxsan.

Mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda Daallo ayaa intuu ku soo booday, isku dayay inuu u sheego cidda uu yahay Faysal ” waar nin madax ah, waa Faysal Cali Waraabe, waa guddoomiyahii xisbiga UCID ee Somaliland” ayuu isku raaciyay.

“yaakhi maxaa adiga badda ku galiyay, ma airibolkaad ka shaqaysa mise diyaradda, heey Aamus oo afkaaga hayso” ayuu ugu jawaabay mid ka mid ah labadii nin.

” waarya fur kabaha iyo suunka” ayuu intuu Faysal eegay ku yidhi, kabahii iyo suunkii ayey bartii kaga saareen.

Intayadii rakaabka ahayd ee reer Somaliland ahayd ayaa dabadeed buuq bilawnay anagoo aad iyo aad uga cadhoonay sida anshax xumada ah ee masuul sare oo Somalilander ah loola dhaqmayo.

Nooma ay joojin eh, Ilaa toban daqiiqo oo kale ayey Faysal sii baadhayeen, waxaa indhahaygu qabteen, ganacsadaha reer Somaliland ee Baxsane oo isaguna madaarka qayb gaar ah fadhiyay, ayaa arrintii maqlay, soona dhex gallay.

Waxaan ku sugna madaarka Jibouti 2 saacadood, waxay ahayd 2 saacadood ee ugu darra ee aan weligay madaar Transit ku noqdo, intaanu joognay waxaa madaarka ka go’ay korontadii, kulaylka iyo hanfiga ayaa naqasku nagu istaagi gaadhay.

Waxaa igaga sii darrayd bishii February sannadkii 2001, mar aan sidani oo kale usii maray, markaan arkay Gaani oo gawaadhida diblomaasiyiinta loogu tallo gallay diyaaradda hoosteeda lagu keenay isagoo ku sii socday magaaladda Nairobi wakhtigaasi, waxaa la ii sheegay in Gaani, dad qalkii Hargeysa uu ku noola Jibouti tan iyo markii dawladdii Siyaad barre dhacday, isla markaana Xasan Guuleed Abtidoon siiyay jinsiyadda dalka Jibouti.

Maalintaasan go’aansaday inta noloshayda ka dhiman inaanan weligay Jibouti danbe aanan cag soo dhigin.