Taariikh Faneedka Cabdi Tahliil Warsame (WQ:Cumar Seerbiya)

Cabdi Tahliil Warsame sannadkii 1952 ayuu ku dhashay Wardheer, dhammaadka sannadkii 1968 ayuu qaaday heestii koowaad oo ahayd “Jir-jirkiyo Dartaabaan jeegada u aallaa jalkii qaadan waayey”.waxaana erayada allifay Abwaan Sulub Cumar.

Sannadkii 1969 oo ahayd markii uu bartay tumista Kabanka ayuu Axmed Saleebaan Bidde u dhiibay heestii labaad ee uu Cabdi Tahliil qaado oo ahayd heesta Onkod oo uu isagu laxamaystay(Cabdi Tahliil).

Sannadkii 1971 oo ahayd markii la furay Tartanka heesaha hirgalay ayuu ka mid noqday hobolo u ku tartamay heesidda oo ay ka mid ahaayeen, Muxsin Cabdalla oo isagu hore Ethiopia uga heesi jiray, Cumar Nuur Cabdille, Cabdullaahi Cumar Xarrago jecel/Xarrago, Cabdi Xasan Dige , Muuse Ismaaciil Qalinle iyo Ruqiya Cali Guutaale.

Kooxdan tartantay Xasan Aadan oo keliya ayaa Waaberi ku biiray.

Cabdi Tahliil gaarkiisa ayuu u heesi jiray , ka dib wasaaradda maaliyadda ayuu shaqaale ka noqday wuxuuna maamulka xisaabaadka ka ahaa gobolka Bari , wuxuuna ahaa nin fan ahaan isku filan oo haddii uu erayo helo isagu laxamaysan kara , Muusik saaran kara sidoo kalena codkiisa ku qaadi kara.

Wuxuu soo saaray heeso badan oo keligii ah marka laga soo tago haween kooban oo uu la heesay sida Faadumo Duur oo ay gobolka bari kuwada noolaayeen intii ayna Faadumo u wareegin Muqdisho iyo kooxdii booliska ee Heegan, Marwo Maxamed iyo Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal).

Wuxuu Cabdi Tahliil la shaqayn jiray kooxdii Danan ee ururka dhallinyarada. Ilaa uu Waaberi la shaqeeyey horaantii Sideetamaadkii.

Wuxuu in badan ka heesay waddaniyadda iyo qaabka loobaahanyahay in umadda loogu shaqeeyo, madaama uu ahaa nin wax ka yaqaanna maamulka xafiis.

Sannadkii 2000 xilligii uu socday shirkii Soomaaliya dowladnimada loogu raadinayey ayuu Cabdi Tahliil ku xanuusaday magaalada Carta , xanuunkaasi oo marxalado kala duwan la soo maray ayuu weli u jiifaa Muqdisho.

Alle ha caafiyo Cabdi Tahliil.

Cumar Seerbiya , Hargeysa.

3, April, 2019