Filimkii ‘Dagaal wiil kuma dhasho’: falanqayn kooban (WQ: Axmed Iid Aadan)

 

Habeenkii ay Isniintu soo geleysay ee ay bishu ahayd 18—2—2018,  iyada oo la joogo Xarunta Saryan ee Hargeysa xilli ku beegan qiyaastii 8:20 daqiiqo ayey dad aad u badan oo joogay qolka barnaamijyada lagu soo bandhigaa ay mar keli ah wada  aamuseen oo ay shibta galeen. Oo maxaa jiray? Waxa la bilaabay filim cusub oo uu magaciisu ahaa “Dagaal wiil kuma dhasho” oo uu curintiisa lahaa abwaan Axmed Aw Geeddi Maxamuud (Dheeraad).

Isla markii uu filimku bilaabmay ba dadka oo aad moodeysay in ay marka hore ba sugi kari la’aayeen ayuu dareenkooda soo jiitay. Maaddaama dhaqankeennii hore, xoolaha nool iyo barwaaqadu ba ay yihiin waxyaalo aynu jecel nahay oo qalbiyadeenna ku samaysan dadku xiise gaar ah ayey dareemeen bilowgii hore markii ay sawirro arrimahaa muujinaya arkeen. Laakiin in yar ka dib dadkii sidaa ahaa in badan oo ka mid ahi waa ay naxeen. Oo maxay ka naxeen? Waxa ay ka naxeen dhacdo aad iyo aad u daran oo argaggax leh. Laba dhallinyaro ah ayaa ismaandhaafay. Dagaal gacan-ka-hadal ah ayaa dhex maray, dabadeedna mid baa la dooxay. Ninkii la dilay tolkii ayaa arrintii ogaadey. Markii ba warmaha ayey soofaysteen, waxa ayna weerar weyn qabax ku siiyeen qoladii uu ka soo jeeday ninkii wax dilay.

Iyada oo uu dagaalkii socdo oo ay qawdu yeedhayso ayaa uu nin calan cad (calan nabadeed) sita oo ordayaa meeshii yimi. Labadii col ee dirirayey ayuu dhexdooda istaagay, dabadeed maanso dheer oo nabad iyo maslaxad ah ayaa uu tiriyey:

  • Nabad baa lagu dhaqdaa
  • Nabad baa lagu dhistaa
  • Nabad baa lagu dhergaa
  • Maxay dhiilladu tartaa?
  • Dagaal wiil kuma dhashee
  • Ogow wiil baa ku dhiman …

Maansadaas oo intan aynu soo qaadannay ka dheereyd markii ay nimankii dagaallamayey dhegeysteen inta ay warmihii daadiyeen ayaa ay halkii ku heshiiyeen. Meerisyadii kala duwanaa ee tixda ku jiray ayaa maankoodii soo celiyey. Iyaga oo heshiis ah oo gacmaha is haysta ayaa uu filimku dhammaanayaa. Waxa uu ku soo gebagaboobayaa ciyaarihii hiddaha qaar ka mid ah. Dadkii badnaa ee mashkiladda dhacday bilowgii ka naxay qudhoodu markii ay filimka qaytiisii danbe ee heshiiska iyo maslaxadda ahayd daawadeen waa ay isbeddeleen.

Dadkeennu waxa ay yidhaahdaan “Nabadi waa nolol”, waxana la wada garanayaa in ay nabaddu tahay wax aan la’aanteed khayr iyo wanaag lagu guulaysan karin. Haddii hore loo yidhi “hal sawir waxa uu ka qiima badan yahay kun kalmadood” filimkani kunkaas kalmadood ayaa uu aad uga sii qiima badan yahay, waayo waxyaalo badan ayaa uu soo koobayaa. Soomaalidii hore waxyaalo yar yar oo sahlan oo aan xataa mudnayn ba in lagu wada hadlo in ay isku dili jirtay iyo doorkii ama kaalintii ay maansadu nabadda ku lahayd ayaa ay dulucda filimku ku ururaysaa.

Mar kasta oo doorka uu maansayahanku ku leeyahay nabadda iyo dibuheshiisiinta la soo hadalqaado waxa la xasuustaa labadii abwaan ee waaweynaa, Alle ha u wada naxariistee, Salaan-Carrabey iyo Faarax Nuur. Labadaa abwaan arrintaa waxa ay ku leeyihiin taariikh gaar ah, oo waa nimankii dad colloobay oo dagaalamaya gabayo isla dhex taagay ee kala dareeriyey. Waxa xusid mudan in gabay uu abwaan Faarax Nuur lahaa uu abwaanku filimkan isaga ah wax kaga soo daray.

Sidaas oo ay tahay, haddana Soomaalidaa hore waxa ay isku dili jireen wax la taaban karo sida ceel ama degaan, heshiiska arrintaa laga galaana waxa uu markaaba noqon jiray mid dhaqan gala oo khasaare kasta oo dhaca lagaga sokeeyoobo. Maanta se arrintu sidaa waa ay ka duwan tahay. Waxa la arkaa dad ama qabiilooyin walaalo ah oo is dilaya oo waxa ay isku dilayaan na aanu ahayn wax la taaban karo oo si rasmi ah looga heshiin karo ee uu yahay wax ama siyaasad ku lug leh ama dibed ama meelo fogfog laga soo maleegay!

Abwaan Axmed Aw Geeddi — culays  kasta ha ku ahaato, miisaaniyad kastana ha ka doontee — isaga, dhallinyartii filimka meteshay iyo dhammaan dadkii hawshan kala qayb qaatay ba waxa ay qabteen shaqo aad iyo aad u qiima badan oo in looga mahadceliyaa ay aad u wacan tahay. Nabadda, wadajirka iyo guud ahaan khayrka Ilaahay inoogu deeqay in aynu ilaashanno oo ka faa’idaysanno, wax kasta oo shar ama colaad keeni karana ka dheeraanno ayaa uu filimkan “Dagaal wiil kuma dhasho” inagu baraarujinayaa. Sida uu inoogu baraarujinayaa na ma aha sidan aynu u qornay ee hadalka qayaxan ah, ee waa si farshaxan ah oo filimaysan oo ay haddana dulucdu guudmar tahay.

Waqti  dhowaa ayaa uu nin yidhi: “Anigu inta uu abwaankaasi joogo masraxeenna u werweri maayo”.  Abwaanka uu sheegayey waa Axmed Aw Geeddi oo waa runtiiye kaalmihii masraxeed ee abwaannadii hore in badan oo ka mid ah waayadan danbe inoo buuxiyey.

 

Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com