20 February 1982, Anigu Burco Ayaan joogay (WQ: Cabdraxmaan Caydiid)

 

35 sano kahor, 20 Feb 1982, maanta oo kale anigu waxaan joogay Dugsigii sare ee Farsamada Gacanta ee Burao (Technical Institute of Burao – ITB). Maalin ka dib markii Hargeisa dhagaxa laga tuuray ayay Burcana ka bilaabantay. Burco sida Hargeisa ma lahayn Dugsiyo sare oo badan. Waxa ku yaalay laba Dugsi sare waa dugsigii Farsamada Ganacata (Technical Institute), dadka badankisuna u yaqaaneen Isguuglka Jarmalka. Dugsiga labaad ee kale waxa uu ahaa dugsgii sare ee Sheekh Bashir.

Da’yartu si ay u fahanto xaaladdii berigaa, metelan si aaad Burco u tagto si raaxo leh, waxa Hargeisa ka bixi jiray Bus weyn oo ilaa 50 qof qaada, wuxuu ka bixi jiray meel u dhaw Masjid Jaamca Haregisa. 5.30 saac aroornimo ayuu dhaqaaqi jiray, magaalo-yarayda Go’da Weyn ayaa laga sii qadayn jirey casarka ayuu burco geli jiray. Mid kale oo la mid ah ayaa isna Burco kasoo bixi jiray, go’da ayaa lasyku weydaaran jiray. Labaada Bus waxay ahaayeen kuwa warka madaxdiisa iyo isagoo faahfaahsanba sida ee Hargeisa iyo Burco u kala qaada. Waddanka hal warbaahin oo dawladdu leedahay ayuun baa ka jirtay, sidaas darted wararka idaacadaha dawladuu aanay qaadi-rabin rakaabka baabuurta ayuun baa qaadi jiray.

Casarkii markii Bus-kii soo galay Burco isla markiiba warkii dhagaxtuurka iyo sida Hargeisa wax uga dhaceen subaxaas waa la dhig-dhigay. Dhagaxtuurka ka hor awalba kacdoonku hoos buu u jiray, oo wararka waa laysu tebin jiray, laakiin tani waxay noqotay mid gaar dareenka dadka u taabatay.

Habeenimadii ayaa warka rasmigiisii iyo go’aankii ahaa in Beri oo 21ka Feb ah aanu anaguna banaanbaxyada bilowno lays gaadhsiiyay.  Xilliga Nusasaacaha in lasoo baxo ayaa lagu balamay. Anaga Dusigayagu wuxuu ahaa hoy ama jiif, Sheekh Bashir isagu hoy iyo maalinle ayuu isugu jiray. Tirada dugsiga Jarmalka ee aanu joognay waxay ahaayeen ilaa 150 arday (all grades), mudaharaadka kamay wada qayb qaadan sababo jira awgood, oo ay ka mid ahayd Dugsiga oo min Kismaayo ilaa Saylac lagoo geli jiray, manay sahlanayn in isku figrad 100% laga noqdo kacdoonka.  Ardayda qaarkood ayaa lagu tuhmayaay inay sirdoonka la shaqeeyaan oo wararka laga qarinayay. Dugsiga Sheekh Bashiir ayaa isagu naga badnaa oo arday badani dhigan jiree, Tiradooda imika ma qiyaasi karo.

Goobta lagu balamay waxay ahayd maqaaxida Cali Hayste iyo suuqii la odhanjiray WAQDA (imika in magacii laga bedelay ma hubee). Saacaddii la balamay ayaa halkii laysugu yimi. Si aan naloo dareemin waxaanu ku baahnay maqaaxiyihii halkaa ka dhawaa. Cabaar haddii la joogay ayaa isha laga wada hadlay aan bilowno ayaa lays yidhi. Waa soo kaakacnay, markii aanu soo ururnay ayaa tagaasidii taagnayd suuqa WAQDA ay hal mar hoonka yeedhiyeen  iyagoo aan kala joogsi lahayn. Ka dibna dhaqaaqii ayaanu bilownay anagoo koonfur u dhaqaaqnay. Waxaanu sidanay, oo lasoo kala baxnay oo markii horena noo duuduubnaa laba maro oo cad cad oo midkiiba ilaa 3 mitir tahay, kuwaas oo lagu xardhay halku-deigyo far waaweyn lagu qoray. Labdii halkudheg ee labadaas boodh ku qornaa Ayaan idiin sheegayaa. Midka koowaad waxaa ku qornaa “BURCO IYO HARGEYSA WAA LABA MATAANOOD”. Boodhka labaadna waxa ku qornaa “QAYBI OO XUKUN WAANU DIIDNAY”. Socodkii baanu sii wadanay anagoo qaylinayna dad badanina nagu soo biireen. Wadada Laamida ah ee “O”da la odhan jiranay ayaanu kusoo wareegnay. Maalintaa koowaad sidaas ayay ku dhamaatay. Si nabgelyo ah, wax dhibi nama soo gaadhin.

Maalintii labaad ayaa haddana la gaadhay. Maalintii labaad dawladdu way ka tabaysatay, metelan dugsigayaga oo kale waxa nagu dhowayd xero milateri (xerada  guutada Jiibabka) oo dhinaca Woqooyiga ee dooxa naga xigtay. Taas ayaa naloo xilsaaray in aanaan berri soo bixin. Taliyahoodii ayaa nagu soo kalahay, waxaanu amar ku bixiyay inaan cidi dugsiga ka bixi Karin, halkaana ku ekaano. Looma joojin markii ay nusasaacihii gaadhay ayaanu iska baxnay. Balanta goobta habeenimadii ayaa sidii caadadu ahayd lasoo tebiyay. BAAR SIIGO ayaa lagu ballamay. Wax afarba meel kasoo wareegtaba bar-kulankii BAAR-SIIGO ayaa laysugu tegay (BAAR SIIGO Berigaa magaalada koonaheeda Koonfur buu ku yaalay, imika malaha waa sentarka ayuu kollay noqonayaaye). Markiiba waxaanu ka warhelnay in ciidamo meelo badan la dhigay. Degdeg baanu isugu ururnay oo dhaqaaqii soo bilownay xaggan iyo jihada Woqooyi ayaanu usoo dhaqaaqnay.  Maalintaa askartu kaarto ayay  noo degeen, qaar way nasoo daba socdeen, qaarna hareeraha ayayay naga socdeen, qaar kalana Biriijka afkiisa waqooyi ayay tubnaayeen. Markii biriijka lagusoo afyeeshay ayaa kuwii dambe nagu soo yaaceen oo biriijkii nagu riixeen, laba aabudh ayay arintii noqotay. Ardayda badankeedii biriijka ayay ka daateen. Anigu kuwaas baan ka mid ahaa oo layma qaban. Laakiin 7 wiill ayaa malintaa isguulkayga laga qabtay. Sheik Bashirr waxaan filayaa ilaa tiro 35 gaadhaysa ayaa laga qabtay. Dhamaan Jeelka Mandheera ayaa loo dhaadhiciyay. Muddo 3 bilood ah ayay xidhnaayeen markii dambe cafis ayaa lagusoo daayay……

Waa maskax-xasuus-qor kooban oo aan da’yarta u dhaafay…

Ilaahay baa mahadleh nimco iyo nabadgelyo ina siiyay. Allow noo siyaadi..Aamiin.

Wallaahu Aclam

WQ: Cabdiraxmaan Caydiid

abdiaideed11@gmail.com