Fool-eriga dan-wadaagta badda cas iyo gacanka cadmeen: waa maxay mawqifka xukuumadda Somaliland? (WQ: Xamse Cabdiraxmaan Khayre)

Toddoba(7) dal oo Kala ah Saudi Arabia, Jordan, Djibouti#Sudan, Somalia, Egypt iyo Yemen ayaa Wasiiradoodda Arimaha Dibeddu maanta Sucuudi Carabiya Ku Kala saxeexdeen Xeer-hoosaadka Golahaas cusub ee ay unkeen oo la sheegay inuu Ka shaqayn doona amniga aaggan, budhcad badeedka, Ka hortagga faro-gelin shisheeye iyo iskaashi dhawaale.

Hindisaha samaynta Golahan waxaa lahaa Sucuudiga DEC 2018, waxaanaa loo saaray Guddi farsamo oo ilaa xiligaa Ka soo shaqaynayay nooca uu noqonayo Goluhu, Wadamadda Ka midka noqonaya iyo arimaha uu Ka shaqaynayo. Sidaas oo ay tahay, waxa kulanka maantu Ku soo hagaagay iyadoo xiisadii ka dhalatay Dilkii Jeneraalkii reer Iiraan ee Suleymani taagan tahay taas oo laga cabsi qabo in Iiraan ay qaado talaabooyin aar-gudasho ah oo saamayn kara marinadda Badda cas iyo Gacanka ee muhiimka ah.

Waddanka Eriteriya oo xuduud baddeed oo dheer Ku leh Badda cas ayaa ka cudur-daartay Xubinimada DAN-WADAAGTANBadda-cas iyo Gacanka. Asalkaba dadka iyo dalka Eriteriya maaha ummad Ka been-sheega rabitaankooda ama dhaafsada Dufan qadiyadoodda. Kaba-qaadnimo, iyo is-dhiibidnimada laguma iyagoo Jab-had ahaa iyo iyagoo xor ahba.

Dhanka kale xukuumada JSL oo iyana ku teedsan Gacanka Cadmeed kuna leh xuduud baddeed oo dhan 850 km ayaa si wayn u saluugtay bilowgii hore inaan talo laga waydiin masiirka marin-biyoodka muhimka ah ee Baabul-mandabka. Tiraba laba goor ayay qoraal ahaan salluugaas ku cabireen Una Kala Doreen cidaha ay khusaysay oo dhan. Hasa ahaatee, waxay intii dambe Xukuumaddu u muuqatay inay indhaha Ka qarsatay oo kulanadii guddida farsamada ay SOOMAALIYA cid u soo magacaabatay kana talinaysay aayaha xuduudda baddeed ee Jam. Somaliland.

Safarkii Madaxwaynaha ee Sucuudiga iyo Safaro dhowr ah oo Djibouti ah kadib, Xukuumadda Muuse Biixi waxay u muuqatay mid afka biyo uga buuxeen oo kama hadlaan arinka Kan Badda cas.

Hore waxaa gacanta Xisbiga/Xukuumada Kulmiye uga baxay Hawaddii Somaliland oo Ku baxay ogolaanshaha iyo Saxeexa MW Siilaanyo, Haddeerna waxaa muuqata in Baddii JSL gacanta u gashay SOOMAALIYA madaama xuduud baddeed oo JSL leedahay ka ariminayso. Qaranimada dal, asalkeeda, waxa udub dhexaad u ah xuduudaha dhuleed, baddeed iyo hawo ee ay leedahay. Laba Ka mid ah xuduudahaas (Hawadda iyo Badda) Kulmiye iyo hogaamiyayaashii SNM ee la-soo noqoshadda madax-banaanidda horseeday (sidda ay dadku u yaqaaniin) ayaa ogolaanshahoodu lagula wareegay. Maxaa kuu baxay muwaadin? Goormaa run la sheegayaa, Goormaa se been la sheegayaa? Laakiin JSL waxay Ku timid rabitaanka shacabka iyaga ayaana ilaashanaya.

Ugu dambayntii, waxaa Xukuumadda looga fadhiyaa inay cadayso mawqifkeeda arinkan iyo in xukuumada soo bandhigto iney codsatay Ka mid noqoshadda Golahan iyo in kale. Haddii ay xukuumadeenu codsatay xubinimo, waxa looga fadhiyaa iney dadka u cadeyso Wadamadda saaxiibka aynu la nahay ee Djibouti iyo Sucuudiga/Imaaraadka halka ay inaga istaageen?. Haddii ay wadamaddani saaxiibka ahi la safteen Soomaaliya waxa uu noqonayo xidhiidhkeena aynu la yeelanayo madaama ay Ka garaabi waayeen xaqa aynu u leenahay Ka talinta bixinta Gacanka Cadmeed iyo xuduuddeena baddeed. Sidaad la socotaan Yemen iyo Soomaaliya Dawladdo kama jiraan, Sudaana waxaa maamulka xukuumad ku-meel-gaadh ah, Somaliland oo leh dawladnimo iyo cudud ciidan oo xoog badan in la baal-maro iyo in taas la aqbali labadduba oo maaha mid u cuntaymaysa shacabkii dhistay dalkan ee naf iyo maalba u jiray sugidda xuduudkooda iyo gobanimadooda.

FG: hadddii aad u baahato sooyaalka qaddiyadan, waxaad Ku noqon kartaa maqaal aan Ogoos 2019 Ka qoray oo ladhkiisu ahaa “XAJKA KADIB: XAQIIQDA SAFARKA SUCUUDIGA IYO XULAFADDA BADDA CAS”

Xigashadda warka:https://www.youtube.com/watch?v=NybWui9tPJk&app=desktop

Allaha Mahad leh,
Xamse Craxmaan Khayre
Image may contain: 9 people, people standing and suit