Foorjo Faneedka Xidigaha Geeska !!! (WQ: Bashir Maxamed Bashir)

 

“Dhaaxaan U Hibeeyay
Ruuxaan Noloshayda
Hanan Karin………….”

Gorfayn khilaafka Foorjo Faneed ee Mursal Muuse iyo Khadra Silimoo, ablo-ablayn heesaha kala ah “Lahasho” “Hadhkaygaa Lagu Gam’aa” “Sideen Marwo Shisheeye Nafta Ula Mideeyaa” *dhaxaan u hibeeyay ruuxaaan hanan Karin noloshayda* iyo Walaalnimo Qabiilatsan”.

-Heesahani waa heeso guud ahaan ka duwan heesihii Aynu hore uga baranay, siyaalo door ah heesihii dhigood ahaa ee hore. Ugu horaynba waa heeso ujeedadoodu abaarta ay ku aroorayaan ka gooni yihiin heesihii awal ina dhego-barjeeyay.
-Labada Hobol ee Mursal iyo Khadra Silimo waa laba hobol oo cod macaan, gayiga Soomaalida fankoodu ka dhex iftiimayo, waana tiir dhexaadka fanka casriga ee wakhtigan, waana laba fanaan oo nooleeyay Fankii Duxda lahaa. Waayadan dambe haddii aan fankooda soohan iyo heesaha is-hirdiyaya ee ay soo hal-tabiyaan aan gorfayn dacal saar iyo naqdin ula hollado. Abuurta Bani-aadanka ayay ka mid tahay in wax la qiimeeyo, la naqdiyo, la gorfeeyo waxna la rogrogo.
-Falanqaynta fanka Mursal iyo Khadra fanaaniintan ku caan baxday Luuqda Hallaasiga ah kagama geyoon karno qormo iyo laba toona, balse qayb ka mid ah fankooda dambe ayaynu yara bildhaamini.
Dadka ku xeel dheer abla-ablaynta fanku waxa ay heesaha ku sheegaan inay yihiin; fan isku lamaaneeya midho dux leh, naaxiyad (laxan), cod dabacsan iyo muusik dananaya oo helay Dhago la jaanqaada quruxda habdhaca iyo hal-abuurka fanka.
-Midhaha haadsan, dhandhanka iyo dhuuxa leh, heesaha iidaaman ee aan la nuuxsan ee Khadra Silimoo iyo Mursal innagu habaan, soona hal-gudbiyaan, heesaha ay dareen godlan jireen sidda “” MIYAAM GABADH KULA LABAYN, NAFTAYDAAD LEEDEHEE………MIYAAN LAB KULA SIMAA…..””” maxaa iska bedelay waayadan dambe? Jacaylkii ka dhibci jiray heesahooga lagana dhex dhandhansan jiray maxaa Foorjaha, is-karbaashka, is-hiifka iyo isku soo jawaabida u bedelay!!!!!!!!!! Abwaan Daahir Xasan Weedhsame Waxa uu yidhi “Aduun Waa Wiigba Wacayn, Dhaaraaruhu Waa Warside Wacyina iyagaa ku Filan”

Iska Kay Yeelyeelatee
Sidaad Doontaba Yeel.

-Ugu Horayn Qormadda waxa aynu ku soo qaadanaynaa heesta “LAHASHO” oo ka mid ah heesaha ugu toolmoon dhinaca farshaxanka iyo dareenka jacaylka lamaanaha. Heestani waxa ay ku waari doontaa xasuusta iyo maanka ummadda Soomaaliyeed gaar ahaana inta is-jecel oo ku dhayi doona dakharadda cishqiga, sidoo kale inta ruuxdoodu dabacsanaanta iyo dadnimo jacaylka la rabta ayaa kaga sifayn doonta quluubta xumaanta iyo necbaanshaha.

Mursal Muuse;

Miyaan Gabadh kula labayn,
Naftaydaad leedehee,
Hadaan caashaqu lidiyo,
Naftiyo dhuuxayga gelin,
Miyaan kaa lulan lahaa,
Biyaha lagu oontirtiyo,
Lis iyo dhaybaad tahee……….

Heestani Lahasho waa markii uu sal-dhigay qoyskoodu iyo fankoodu, Mursal waxa uu ku tiiqtiiqsanayaa wacadna ku marayaa in aanu Khadra gabadh kale ku labaynayn.

Khadar Silimoo Oo Baydka Labaad Heesta ka fal-celinaysaa waxa ay tidhi;

Miyaan Labba kula simaa,
Adaan labka kaa xushee,
Siduu kuu laalaybuu,
Runtii ii liiciyoo,
Ladhkiisaab kula qabaa…….

Khadri waxa ay ugu arrin celinaysaa heesta talantaaliga ah jawaab adkayn iyo axdi adkayn ah waxa ayna la qirsan tahay jacaylka ay sees dhigeen..
-Guud ahaan fanku ujeedooyinka uu gudbiyo waxa xukuma waayahay nolosha ee qofka ama bulshada la nooshahay/la nool yahay iyo ka dab qaadashada dhacdooyinka hadba ku cusub nolosha. Sideedaba fanku waa jidka ugu toosan ee ummad suugaan dhaadhi ahi wax loogu sheegi karo. Heestas Lahasho waxa ay inoogu soo ban dhigeen lamaanuhu jacaylkooda rasmiga ah iyo sida ay iskugu kalsoon yihiin ee midba midka kale u aaminsan yahay caashaqana u wada dhamayaan. “Mid uun kuma waaro ruux wadkiyo noloshaa is-xiga, walaac baa farax badala” Weedhsame isna waxa uu ina yidhi murtidaas oo waxbadan oo macno badan soo koobsanaysa.

-Labadan Fanaan ee udub dhexaadka u ah Xidigaha Geeska Ahna Rukunadda Aasaasay kooxda waxa sanadkii u dambeeyay soo kala dhex galay khilaaf wayn oo soo ifbaxay dhagaha bulsho wayntana soo gaadhay, waxa aanad aad uga dareemaysaa fankooda foorjaha ah ee ay iskugu jajawaabayaan sida

Dhaaxaan u hibeeyay
Ruuxaan noloshayda
Hanan karin…………..

Anshaxa sugaantu waxa uu dux iyo duqaaraq leedahay sariigashada, shareernida sogordaahnaanta ujeedka duluceed ee daahsoon ee ay sido. Khadra waxa ay aad uga calaacashay in ay nolosheeda u hibaynaysa ruux aan hanan karin waa sida ay ku heestaye.
Mursal Muuse oo ka jawaab celinaya waxa uu soo saaray hees muran badan dhalisay xeerka gobta is-qabta iyo dhaqankaba baal marsan kadib markuu uu ku heesay

Sideen Marwo Shisheeye
Nafta ula Mideeyaa ……

Waxa Qoray: Bashir Maxamed Bashir