Miyirkii kamanka iyo laxanka (WQ: Cusmaan Abokor)

Waxa Hargeysa ku geeryooday (Sabtidii) Maxamed Miyir Xaaji Cige, Boqorkii Kabanka iyo Laxanka Suugaanta. Muddo dheer ayaanu Maxamed ahayn saaxiibo iyo walaalo aad isugu dhow. Dadkii ugu dambeeyey ee ay wada hadlaanna waaban ka mid ahaa intaanu Koomada gelin. Runtii wuxu ahaa hibo ka mid ah hobooyinka Fanka iyo Suugaanteenna.

Haddaba kumuu ahaa Maxamed?

Maxamed Miyir Xaaji Cige wuxu ku dhashay Gobolka Gebiley qiyaasta dabayaaqadii 1968kii illaa bilowgii 1969-maadkii. Intii ugu badnayd ee noloshiisana sida uu ii sheegay waxa uu ku qaatay degaamada Wajaale, Gebiley iyo Hargeisa. Maxamed Miyir wuxu ka soo jeeday qoys fara badan oo Hodan ku ah ganacsiga iyo gaadiidka aadna looga yaqaanno Galbeedka Somaliland.

Markii isugu kaaya horreysay waxay ahayd hilaadda kal-dambeedkii 2010 kii. Illaa xiligaasna waxanu ahayn walaalo iska war qaba. Inta aan ka bartay’ Marxuumku wuxu ahaa nin karti iyo dedaal badan, aad u Af-gaaban, aad iyo aadna u fahmo badan oo aad moodi jirtay record. Inta aan ka ogahay wuxu muddo doora ku shaqeeyey gaadiidka, gaar ahaan kuwa isaga goosha Hargeisa, Gebiley iyo Wajaale. Gaadhigii Mark II ga ahaa ee Maxamed Miyir wuxu caan ku ahaa degdegsiimo iyo darawalnimo la’ hubo. Markii dambe wuxu ku biiray Fanka oo uu hibo rabbaaniya u lahaa khaas ahaan Cuudka (Kamanka) iyo laxanka. Ka’gadaal wuxu sanadihii 2012 kii ku biiray Kooxda foolaadka u ah Fanka Soomaalida ee Xidigaha Geeska halkaas oo uu ku qaatay magaca u hirgalay ee ahaa: Miyirka Kamanka iyo Laxanka.

Codaynta luuqda ama Laxanka oo ah tiirka ugu muhiimsan fanka ayuu hibo gaar ah u lahaa. Wuxu laxameeyey inka badan boqolaal heesood oo dadka is-caashaqsan iyo kuwa doorashada doonayaaba isku qaboojiyaan.

Waxaynu ka xusi karnaa:

Waagaa Beryaayaa Waa Waddani
Maalmihii Wacnaa way Soo socdaan
Qaadirow Allahayow Qumane ii soo xul
Daraandarka Qurux Daraandara
Ma adoo qudhaa uumman
Dib miyaad u soo dhalan
Orod dunida soo Arag
Kolka nacabku kaa soo dhex-galo
Miyey Miyir Beel Asqoobeen
Dugsiiya Allow, Dejiya Daalka iga biisa!

Iyo Boqolaal iyo boqolaal kale oo aynu habeen walba ku seexanno, subax walbana indhaha ku kala qaadno.

Marxuumku hadda wuxu ku noolaa Hargeysa, Xaas iyo caruurna wuu kaga tegey. Waa Geeri xanuun Badan ee Ilaahay ha u Naxariisto mulaxamiistihii hibada badnaa ee Maxamed Miyir Xaaji Cige. Aamiin

Xigasho: Bogga Cusmaan Abokor