Hordhac.
Akhristow si aanay fahamka arrimahani kaaga filqamin aan xogo urursan oo qodobaysan halkan kugula wadaago.
Habraaca cusub ee maanta la doonayo In Islaamka lagu kala daadiyo ayaa ku dhisan daraasado iyo cilmibaadhis wada tashi iyo talo wadaag ku salaysan oo muddo dheer soo socday.
Waxa la ogsoon yahay in tiirarka Islaamkani ka liici laโyahay ay ugu muhiimsan yihiin:
1- Waxyiga sugan ee quluubta Muslimiinta ixtiraamka iyo xushmada ku leh, waa Quraanka kariimka ah.
2- Waxyiga labaad oo isna sidaas oo kale xushmayn iyo qadarin ku haysta quluubta dadka Muslimka ah ee rumaysan, waa Sunnada Nebi Muxammed N.N.K.H.
3- Culimada Muslimiinta oo ah dhaxalsidayaasha Nebi Muxammed-scw-.
Waxa la ogaaday inta ay Muslimiintu saddexdaa qadarinta iyo maamuusidda u hayaan in aanay suuraggal ahayn in Islaamka la faquuqo oo dadka noloshooda laga fogeeyo
Maxaa haddaba xal ah oo dayrkan adag lagaga gudbi karaa ayaa la is weyddiiyey oo doodo adag la geliyey.
Waxa ugu danbeyn la gaadhay in goโaammadan la dhaqan geliyo;
1- In dhaqanka diimeed ee bulshada la tirtiro, waxa la abuuray qorshayaal heerar kala duwan leh, oo dhammaantood u adeegaya ceebaynta dhaqan kasta oo diin iyo akhlaaq wanaagsan ku lug leh, sidoo kalena dhiirrigelinaya kaa liddigiisa.
2- Waxa weerar magacdilid ah lagu ekeeyey dadka ahlu diinka ah, si kaalintooda bulsho loo xajiimeeyo, darajadoodana hoos loogu dhigo, waxa la duray dhaqankooda, garashadooda, ammaanadooda diimeed iyo madax bannaanidooda dadnimo.
3- Waxa dadaal weyn loo galay sidii loola dagaallami lahaa, loona suulin lahaa wax kasta oo ay bulshadu xidhiidh kula yeelanayso Quraanka, sida in luuqadda Carabiga ee Quraanku ku qoran yahay dadka laga fogeeyo, sidoo kalena dadka Carabta ah la colaadsado oo cuqdad iyo xumaan bulshada loogu abuuro.
4- Waxa la abuuray shabakado isku xidhan oo u taagan, dacaayadeynta iyo ceebaynta culimada, iyada oo sheekooyin been ah oo la abuuray la adeegsanayo, sidoo kale, waxa mararka qaarkood la adeegsadaa in cid qorshayaasaas u adeegaysa la soo wadaaddeeyo, sidii uu sameeyey Richard Burton, amaba wakhtigan la joogo uu sameeyeen Morten Storm/Dermark iyo kuwo kale oo badani.
5- Waxa kale oo yool laga dhigtay in tallaabo kasta oo cid culimo ahi qaadday la dhalan rogo oo ceeb loo rogo, amaba gef yar oo dhacay la buunbuuniyo oo bahdilaad loo adeegsado.
6- Sidoo kale waxa loo hawl galay in la baahiyo fikrad odhanaysa fahamka culimada ee diinta iyo fasiraaddooduba ma ahayn mid u adeegaysa diinta ee dano siyaasadeed iyo ujeeddooyin shakhsiyadeed ayaa la waafajiyey, sidaa darteedna fahamka culimada ee diintu, diin maaha, mana jirto cid looga marti noqonayo fasiraadda diinta, qof waliba garaadkiisa iyo aqoontiisa ha adeegsado oo sida ay la noqoto ha u fasirto diinta, halkaa waxa lagu laalay boqollaalkii kun ee kutubta maraajicda ahayd ee ay culimadu qoreen laga soo bilaabo saxaabadii Nebiga ilaa maantadan aynnu joogno.
7- Wejiga labaad waxa loo gudbey in saxaabadii Nebiga iyo qoysaskiisii la duro, sababta loo beegsadayna waxa weeye, maaddaama oo ay ahaayeen ciddii koowaad ee soo gudbisa fahamka Quraanka iyo Sunnada Nebigaba, waxa la goโaansaday in aqoontooda iyo ammaanadoodaba la weeraro, si waxa ay soo gudbiyeenna looga dhigo, wax aan lagu kalsoonaan karin, sidaa li ajligeedna loo tuuro.
8- Saxaabadda saddex qaybood oo ka mid ah ayaa si gaar ah loo beegsaday: 1) Khulafadii iyo madaxdii Muslimiinta, oo ahaa iyagu kuwii fahamka diinta dhaqanka u rogay ee hirgeliyey, kuna fuliyey awoodda dawladeed ee ay hoggaaminayeen. 2) Saxaabadii culimada noqotay ee fasirka diinta iyo macnaynta Quraanka iyo Xadiiska laga dhaxlay, iyagana si gaar ah ayaa loo bartilmaameedsaday. 3) Saxaabada ugu werinta badan Axaadiista Rasuulka , oo ay kow ka yihiin Abuu hureyra iyo Caaโisha, oo isla markaana ahayd gabadhii uu Nebigu ugu jeclaa xaasaskiisa, uguna aqoonta badnayn dumarka saxaabada oo dhan.
9- Intaa ka dib waxa loo gudbey in asalka labaad ee diinta la weeraro, in Sunnada Nebiga la duro oo sugnaanta Axaadiista muran la geliyo, macnahooda la leexiyo, ugu danbeynna ka mid ahaanshaha diintaba la dedafeeyo, oo la yidhaahdo Xadiisku diin ma aha, kamana mid aha, Quraanka oo keli ah ayaa diin laga dhiganayaa.
10- Intaa laguma ekaan ee isla markaana dhammaan falfulineedkii Nebiga ee uu diinta ku dabaqayey ayaa la yidhi diin ma ahayn! Waaba la dhaafay oo dhawrsoonaanta shakhsiyadeed ee Nebiga, caddaaladdiisa iyo hufnaantiisa dhaqan ayaa wax laga sheegay!
11- Haddana waxa la soo gaadhay in la yidhaahdo Quraanku dib u habayn iyo dib u macnayn ayuu u baahan yahay, dhammaan dadkii hore u fasirayna maadaama oo aan aqoon ahaan iyo ammaano ahaantoona loogu kalsoonaan karin (waa beenta ay dadka ka iibiyeene), looma baahna tafsiirkoodii iyo macneyntoodii midna.
12- Waa laga gudbey halkaas oo waxa la gaadhay in Alle xikmaddiisa la duro, oo la yidhaahdo, soo dirista Rusushu muhiim ma ahayn, dadkana garaadkooda ayaa ku filan in ay samaha iyo xumaha ku kala aqoonsadaan, qaarkoodna waxa ay yidhaahdeen dadka caamada ah uun baa u baahnaa Rususha ee dadka caqliga badan ee aqoonta lihi uma baahnayn!
13- Sidii aynnu hore u soo xusnay, waxa kale oo la beegsaday saxnaanta shareecada, iyada oo lagu dooday in ay diimuhu isku mid yihiin, dariiq kasta oo Alle cibaadadiisa loo mari karaana bannaan yahay, sidaana waxa lagu simay diinta Islaamka iyo dab-caabudka ilaahay dabka u yaqaanna ee Nebi muxammed u yaqaanna beenaale falallow ah!
14- Ugu danbeynna waxa la gaadhay in Allaha โkorreeya- la duro raxmaddiisa iyo naxariistiisa, shakina la geliyo caddaaladnimada xukunkiisa, iyada oo la yidhi sidee ayay suuraggal u tahay in uu Alle Aadmiga cadaabo, isaga oo dulbadane ah oo naxariis badan, sidaana lagu dafiro jiritaanka naarta iyo xukunka danbe ee Alle, isla markaana lagu beeniyo boqollaalka aayadood ee Quraanka ku jira ee ka warrama cadaabta iyo cidda uu Alle u diyaariyey iyo sababaha lagu galo amaba lagaga baaqsado ee lagaga badbaado.
Waxan aynnu ka warramaynaa maaha male awaal ee waa qorshayaal qoran oo habeen iyo maalinba loo taagan yahay hirgelintooda, waa qorshayaal ugu danbeyn Afsoomaali lagu qoray oo hebello la garanayaa gadh wadeen ka yihiin oo ku ibtilaysan yihiin.
Si arrimahaasi midho dhal u yeeshaan, u iibsami karaan oo dadka looga dhaadhicin karo, waxa la urursaday cid kasta oo taariikhda si gurran u gashay oo Islaamka iyo diinta ka faquuqantay, sida shiicada, muctasilada, baaddiniyada, jahmiyada iyo kuwo kale oo la mid ah, si gurracooda loo cuskado oo barโbilow laga duulo looga dhigto, isla markaana si ay dadku u aqbalaan nimankaa hore ee lumay hadalladoodii waxa loo qabtay qareenno u dooda oo ka dhiga dulmanayaal aqoontooda iyo ildheergaradnimadooda iyo weliba madaxbannaanidooda garasho lagu maagay, oo lagu dilay !
Waxa la yidhi mayd yaa ugu danbeeyey? Dee kaa la sii sido, akhri sida:
1) Waxa la difaacay Xallaaj, si gurraciisii looga dhigo wax qumman, oo dadka looga iibin karo.
2) Waxa la qaddisay Jacd Ibn Dirham oo gaalnimo loo dilay qarniyo ka hor, si isla caqiidadiisii iyo falkiisii loogu muujiyo maanfurni iyo xorriyad, wixii ka soo horjeedana bahalnimo iyo argagixiso loogu sunto.
3) Si wadaadka loo naaro, waxa la yidhi Ibliis baa jannada ka xiga, haddii Ibliis janno galo waa suuraggal in wadaadku galo, haddii kale wallay ka tahay!!!
Saddexdaa arrimood iyo kuwo kale oo la mid ahba af iyo qalin Soomaaliyeed ayaa lagu soo gudbiyey, haddaanay jiri lahayn arrimo aan xeerinayaa waxa aan si qayaxan u soo dhigi lahaa magacyada ururrada iyo ashkhaasta arrimahaas ku hawllan iyo weliba qoraalladooda oo aan awalba qarsoodi ahayn, ee ay baraha bulshada iyo Internetkaba ku faafiyeen.
Sidaas oo kale, waxa loo hawlgalay in wixii foolxumooyin ahaa ee dhaqanka bulshada iyo shareecadaba baalmarsanaa, ee dhab ahaan u dhacay ama male-awaal lagu masanuunin karayey inta la urursado buugaag laga allifo, ka dibna bulshada lagu dhex iibiyo, iyadoo hal abuur maskaxeed iyo fan lagu tilmaamayo!
=================/
Tixraacyada qorshayaashan waxa aad ka helaysaa buugga Halbeeg iyaga oo leh: akhris, maqal iyo muuqal intaba.