Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyada Somaliland ayaa tababar u qabatay dhallinyarada ku nool barakacayaasha Magaalada Laascaanood. ugu horeyn waxa tababarkan furay Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Cabdi, oo ka waramay ujeedada tababarkan oo ah sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta dhallinyarada ku nool Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood.
Tababarkan ayaa waxa uu ka mid yahay tababaro ay Wasaarada dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ka qabanayso gobollada dalka.
Sidoo kale waxa kulan ka hadlay Isudawaha Wasaarada Dhallinyarada Gobolka Sool Sir Fu’aad oo soo dhaweeyey tababarka loo qabtay dhallinyarada ku nool barakacayaash magaalada Laascaanood, kuwaas oo wax weyn ka tari doonta adeegyada ay u qabtaan bulshada.
Tababarkan oo ujeedadiisu ahayd sidii da’yarta looga wacyi-gelin lahaa khatarta Xannuunnada fida ee uu kamid yahay HIV-gu, dhalinyarada ku nool barakacayaash magaalada Laascaanood ugana qayb-qaadan lahaayeen wacyi-gelintaasi iyo ogaanshaha xuquuda dhallinyarada ee taranka.
Tababarku wuxu ku saabsanaa aqoon korodhsi iyo fahan dheeraad ah oo ku saabsan baahiyaha gaarka ah, caqabadaha iyo dhawirsta xuquuqda barakacaysha, ilaalinta iyo xoojinta xaaladaha caafimadka taranka iyo jinsiga ee barakacayaasha gaar ahaan dhalinyarada wiilal iyo gabdhaha.
Tababarkan ayaa waxa ka qayb galay 30 dhallinyarada iyo guddiyadda xarumaha barakayaasha oo ka kala socday xarumaha barakacayaasha gobolka Sool gaar ahaan magalada Laascaanood.
Xubno kamid ah dhallinyaradii ka qayb galay tababarkan ayaa waxay muujiyeen in uu tababarkan wax weyn ka tari doono wacyi-gelinta barakacayaasha ay ka wadeen xaafadaha ay degan yihiin xaafadaha ay degan yihiin, waxayna kor u qaadaysaa aqoonta ka qayb galayaasha.
Waxay sidoo kale balan qaadeen in ay faafin doonaan xogta ay tababarkan ka helaan, waxaanay dhamaantood tilmaameen in tababaradani wax weyn ka tari doonaan hawlaha ay hayaan.
bandhige@gmail.com