Furayaasha farxadda (W.Q: Hibo Ciise “Basbaaso”)

Waxa ugu qiimaha badan ee uu aadamuhu gaadhi karaa waxa weeyaan in uu ku sugnaado farxad iyo ray-nreyn, waqtigiisana ku qaato kalgacal iyo wanaag, si ay u noqoto mid ku reebta xusuus qurux badan noloshiisa inta ka dhiman. halkaas oo uu kaga tagayo muragada iyo meehanawga uu la kulmo marmarka ay is yeelan waayaan wuxuu doonayey iyo wuxuu ka helay adduunkan.

Farxadda sideedaba tukaan laguma Iibiyo, qofna lagama xado, meel ala meel lagu tilmaamo oo aad kasoo helaysaana majirto, laakiin waxay ku xidhan tahay adiga! Haa adigay kugu xidhan tahay iyo hadba sidaad u wajahdo duruufaha nolosha ee kala duwan, hab la dhaqanka aad la dhex joogtid ummadda iyo jawaab celinta aad ka sameyso caqabadaha is daba-jooga ah ee hadh iyo habeen kaa hor imanaya.

Haddaba qormadan waxaynu ku eegaynaa dhawr qoddob oo haddaad laasintid kaa caawinaya in aad farxad iyo qalbi deganaan ku joogtid wakhtigaaga badi.

  1. Cabsida iyo Cibaadada Alle

waa furaha farxada iyo liibaanta iftinka iyo aakhiraba, haddii aad noqoto qof Alle ku xidhan,  cibaadadiisana ku dadaala, wuxuu farayna qaata, wixii uu ka reebayna ka digtoonaada, waa hubaal wax kaa dhiman ba ma jirayaan, qalbigaaguna wuu xasilayaa oo miyaanad maqal Aayada Qur,aanka ah ee Alle (SWT) yidhi:

“Miyaaney xuska Illaahey qalbiyadu ku xasilin.” 

  1. Ula dhaqan dadka si naxariis leh

dhaqanka wanaagsan ee ay ka buuxdo, naxariista iyo kal gacalku wuxuu siyaadiyaa in ay kordhaan hoormoonada farxaddu, markaa waa muhiim in aad ku dadaasho ajarna wuu kaaga socdaa.

  1. Asxaab wanaagsan raadso

In aad la rafiiqdid dad wanaagsan waxay keenaysaa in ay adna wanaaga iyo waxtarka kula jeclaadaan, agtoodana aad ka hesho farxad iyo rayn-reyn is daba jooga.

  1. Hadaf yeelo

In aad wax hiigsato ood niyada ku heyso, in aad meel sare gaadho waxay muhiim u tahay noloshaada waxayna ku gaadhsiinaysaa heer farxadeed ood mahadiso.

  1. Ixtiraam Dadka Kale

Aadamuhu waa noole bulsheed kaligii in uu nolaadaana waa midaan surtoobeyn, haddaba haddaad daneynayso farxad waa in aad ku ogolaata dadka sida ay yihiin, tix galisaa go’aamadooda, sheekadooda dhageysataa, si karaamo leh ula dhaqantaa, cidii aad gacan siin kartid aanad ka hagran “Waxa jira waxyaabo qof wax u ah adigana aan dhib kugu hayn” markaa intii awoodaad ah isku day in aad caawiso.

  1. Iska ilaali Cudurdaarka iyo eedaynta

Waa in aad waji furan ku qaabishaa guul darooyinkaaga cashar in aad ka qaadatidna isku daydaa, halka aad cidkale eed ku saari lahayd in ay ka danbeeyeen guul darooyinkaaga.

  1. Hays barbar dhigin Dadka kale

Qofba Illahey waxbuu haybed u siiyey, ku kaa sareeyana ha eegin, ku kaa hooseeyana ha ku lumin, waxaad hayso Alle ugu mahadnaq, hana ka caajisin in aad hore uga sii marto, in aad qof kale hayntiisa iyo noloshiisa dusha ka cawaridaa maaha wax la mahadiyo, waana albaabada ugu waa weyn ee murugada laga galo.

  1. Runta ku dhimo

Wali ma isweydiisay waxaad dareento markaad been sheegto, badankeenu waxaynu dareenaa cidhiidhi iyo cabudh nafsadeed, waxa kale ood garwaaqsanaysaa in ay soo yaraaneyso ixitiraamkii ay dadku ku hayeen marba marba kasii danbeeya, kalsoonida ay kugu qabaana hoos bay u dhaceysaa,  sidaa darteed waa in aad ku dadaasha run sheegisteeda.

  1. Saamax

Soomaalidu waati hadelba kusoo koobtey:

“Carrab iyo labadiisa Daanbaa is qaniina.”

Dadku intaa wey is khilaafayaan, danbi aanad jeclaysan baa lagaa galayaa, beenbaa lagaa sheegayaa, dadka nolosha ku guuleystaa waxey aad ugu dadaalaan isa-saamaxa iyo laab xaadhnaanta.

“Haku waayin Ruux goba eray aanu kaa gayin.”

  1. Maamul Noloshaada:

Adiga ayey tahay in aad goyso sidaad u noolaaneyso maaha in ay cidkale kuu tilmaamto wadooyinka aad mareysid iyo talaabooyinka aad qaadeysid, waa in aad si buuxda gacanta ugu haysaa nolshaada.

  1. Ha noqon iimaan Lacag

Lacagtu waa waxa nolosha kuu suurto galinaya, la’aanteed hawlo badani in aanay kuu suuro galin baa laga yaaba, laakiin maaha in ay ku hantido ood iyada uun ku imaan la’aato, waa in aad sadaqo kala baxdaa, si wanaagsana u maamulataa wixii aad haysato.

 

Qalinkii Hibo Ciise (Basbaaso)

Hibafaakhir@gmail.com