Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Aniga oo xaafadda ka soo baxay ayaan oday tabliiq ah oo aanu isku masjid nahay dhexda ka soo qaaday. Wuxuu ii sheegay dhalinyar dhaqankoodii la garan waayay oo xaafadda wax ka wada.  Waxaan ku idhi kuwa ku soo diray waxaad ku tidhaah hadiii aad diin wax u qabanaysaan mid midka  daacada ah ee masaajidka soo gala ha idinka amaan helo.

Dadkan dhimbiil diineed baa dhextaal oo in la huriyo lama rabo, gaalada iyo munaafiqiintu way og yihiin laakiin dadkani  iyagu isma oga in dhimbiil diineed oo u baahan in dambaska laga afuufo dhex taal.

Sheekaba sheeko ayay keentaaye, waxaan xusuustay arrimahan:

Muddo laga joogo soddon sanno ka hor ayaan maqlay daraasad ay gaaldu sameeyeen. Waxay yidhaahdeen haddii Islaamku soo baxayo kontonka sanno ee soo socda laba waddan uun buu mid ahaan ka soo baxayaa, Soomaaliya ama Afgaanistaan. Warkaa waxa ii dhabeeyay sheekadan dhex martay nin dhalinyar ah iyo nin Maraykan ah.

Nin Maraykan ah oo siminaar ku saabsan nabadda ku qabtay Jaamacadda Hargeysa  2015-kii ayay nin dhalinyar ah oo ka qaybqaatay siminaarka ay sheekaysteen. Sheekada dhex martay oo dheerayd waxa ka mid ahayd in ninkii Maraykanka ahaa wiilkii dhallinyarta ahaa ku yidhi idinka iyo reer afgaanistaan waad is shabahdaan oo dadka ayaad iska celisaan.

Markaas ayaan gartay sababta inamadan dhallintyarta ah loo qabqabtay. Dhimbiishii diinta ayay soo galeen, dadkana lama doonayo cid  taataabata dhimbiishaa diinta, maxaa yeelay way shidmaysaa.

Haddii ay dhab ka tahay wax-abadku waa ta la yidhaa dawladdu indho qudhaanjo ayay leedahaye intii dhallinta la fitnaynaynayay maxay kuwii fidnaynayay uga qaban waayeen. Mise indhaha qudhaanjada waxa lagu eegaa kuwa masaajiddada soo gala. Haddaba qabqabshada dhallintani waxaa weeye “qawda maqashii waxna ha u qaban.”

 

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com