Fadeexad: Xaaska Donald Trump oo jeedisay khudbad ay hore u jeedisay xaaska Obama

 

Shalay waxay ahayd maalintii koowaad ee xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka. Waxa joogay 15,000 oo suxufi, waxaanay ahayd maalinta ugu muhiimsan tartanka uu Donald Trump u galayo madaxweynenimada Maraykanka. Waxay Trump u ahayd fursad qaali ah oo ereygiisu ku baahi karo, dhibco sarena uu kaga heli karo mujtamaca Maraykanka. Taas beddelkeed, waxa soo baxday fadeedax weyn oo ka dhalatay kadib markii ay xaaskiisa Melana Trump jeedisay khudbad qayb ka mid ah ay hore u jeedisay Michelle Obama 7 sanno ka hor shirweynihii Dimuqraadiga ee Barack Obama loogu cumaamaday in uu noqdo murashaxa xisbigaas.

Bulshada caalamka ayaa baraha warbaahinta ku wadaagtay fadeexadan iyadoo ay dadku leeyihiin “Milena waxay hadalkan ka soo xadda Michelle.” Warbaahinta dunida ayaa 12-kii saacadood ee ugu dambeeyey tebinaysay in fadeexadani ay wax weyn u dhimi karto orodka uu Donald Trump ugu jiro kursiga madaxweynenimada Maraykanka.

Hoos ka daawo CNN oo is barbar dhigaysa labada khudbadood.