Dhirta: Waxa curiyey Abwaan Maxamuud Siciid Cali “Garaad”

Gabaygani waa gabay cusub oo dan guud ah oo uu tiriyey abwaan Maxamuud Siciid Cali (Garaad), waxana uu ku saabsan yahay dhirta. Waxa uu Maxamuud gabayga inoogu sheegayaa in ay dhirtu guud ahaan nolosheenna lagama maarmaan u tahay.

Waxa ay inaga celisaa dhaxanta, roobka iyo kulaylka. Waa dheef oo waa lagu noolaan karaa. Mar waa dawo, marna waa hanti oo dhaqaalaa laga sameeyaa. Mar kale aqallo iyo xerooyin ayeynu ka samaysannaa oo dad iyo duunyaba dugaagga iyo wax kasta oo amnigeenna halis ku noqon kara ayey deyr adag inooga noqotaa. Ugu danbayn na waa halkii talada ummadda lagu gorfeyn jiray oo golayaasha waayeelku geedaha hoostooda ayey ahaan jireen.

Arrimahaas ayuu abwaanku gabayga si farshaxan ah ugu qaadaa-dhigayaa. Dhirta muhimaddaas leh oo afar ku ah khayraadka ugu muhiimsan ee uu Ilaahay ummaddeenna ugu deeqay ee ay biyaha, hawada iyo xoolaha nooli ka mid yihiin ayey dadkeennu dhayalsadaan oo inta ay dab sudhaan ayey dhuxul iyo xaabo ka dhigaan. Mar uu dhib sidaas ah arkay ayuu gabaygani abwaanka ku dhashay, waxanu ku bilaabay sidatan:

Maansada nin loo soo dhigoo dhuuxay baan ahaye
Nin u dhuun-dalooloo murtida dhaadhiyaan ahaye
Dheexaan Rogaalaa tixdaan dhaaca leeyahaye
Caawana halkii dheelidaan dhiiri leeyahaye
Dhulka iyo ugbaad dheelintaan dhaada leeyahaye
Dhug u yeesha weedhaan dhilaa malaha dheeldheele

Dhirtu waa dhextaalkiyo qalbiga dhimaradiisiiye
Waa dhaayaheenniyo caqliga dhihitinkiisiiye
Waa hoyga lagu dhaato iyo dhuuxa aadmiga e
Hayeeshee i dhaawace waxaa kula dhaqmaysaane
Dhan wuxuu i go’ay maalintaa dhuxul u quudheene
Dhayal waxaa u saafteen wadnaha dhabannadiisiiye
Waa dhabarka biixida martoo dhamaci gaadhaaye
Waa dhiil janjeedhsaday waxaan dhab ugu jeedaaye
Ha dhantaalinaay kayntu waa dhaxal awowgeene

Dheel iyo marbay kaa dudaa dhaxanta dayreede
Wakhti bay dhufays kaaga tahay dhibaha leylkiiye
Dhawrtiyo libaaxaan iyana kaaga soo dhicine
Dhurwaa aaduyoo soo dhigtay dhacani diidaaye
Dhag waxaa tidhaahdaa markay ooddu dheer tahaye
Hadduu dheeg dalleen yahay hurdaa kala dhaqaaqdaane
Ha dhantaalinaay kayntu waa dhaxal awowgeene

Dhulka oo abaarsaday marbaad dheef ka gurataaye
Dhaameelka soo go’a marbaad dhereg ku gaadhaaye
Waqtibay dhinbiil yeelataa ubax dhalaalaaye
Waqtibaa dhurdaa hawray iyo dhocori jiiftaaye
Dhafaruur casaatiyo marbay midhaha dhiibtaaye
Gomoshaa dhilladay iyo marbay dhubuqi taallaaye
Iyadoo dhibaaddaa le baa dhalan-rogaysaane
Ha dhantaalinaay kayntu waa dhaxal awowgeene

Beeyada marbaad dhaafsataa dheeman iyo luule
Markaasaad hantida loo dhintiyo mari ku dheeshaaye
Kolkaasaad irmaan dhiibsan iyo faras ku dheeshaaye
Markaasaad hablaa dhowran iyo dhudi ku doontaaye
Dhawr iyo markaasaad arbaca dhugo tidhaahdaaye
Kolkaasaad adduun lama dhigtee dhab ula looshaaye
Ha dhantaalinaay kayntu waa dhaxal awowgeene

Aqalladan dhammuhu saaranyee dhidibka loo giijay
Ee dhuub fac wayn iyo kebdaha dhalada loo daayay
Ee dhigaha qoolaaban iyo udub-dhexaadkii leh
Hadduu waqalka lagu dhaygagaa dhigayo guudkooda
Oo dhaan negeeyiyo gudgude dhoolka kicinaayo
Oo mayay dharaartii da’aa dhibica sii daayo
Waa shay dhallaankiyo xifdiyey dhar iyo saabaane
Dhulkeenniyo wuxuu gaar u yahay dhiraha qaarkoode
Ha dhantaalinaay kayntu waa dhaxal awowgeene

Dhiillo iyo haddii uu war xumi dhegaha soo gaadho
Oo dhiif colaad iyo dab kacay lagu dhawaaqaayo
Oo uu dhambaalkii ergada dhug isku soo siiyo
Laftoo dhalaw tidhaahdiyo haddii dhiig la kala gaadho
Oo dhimasho laga baaqsadoo dhaar la kala qaato
Waxaa loo dhaqaaqaa halkay gogoshu dhoobnayde
Haddaan dhaqanka geed loo helayn lama dhammeeyeene
Ha dhantaalinaay kayntu waa dhaxal awowgeene

Dhammaad

Gabayga waxa abwaanka ka qoray isla markaasna hordhaca u sameeyey:

Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com