Gabay: Dalandool (Abwaan Jaamac Xasan Maxamed “Shaacir”)

“Gabay: Waayaha tahriibta iyo wacyiga maanta taagan.”

Gabaygan “Dalandool” waxa uu soo baxay 13kii bishii 12aad   ee sannadkii 2014-kii.Waxa uu si aan la dhudhumin karin uga hadlayaa tahriibka iyo saamaynta taban ee ka dhalata. Inkasta oo tahriibku waqtigaas uu jiray, haddana waxa  taagan maanta dareenkii iyo waayihii uu ka warramayey gabaygu  hal sanno iyo badh ka hor. Abwaanku waxa uu ku soo bandhigayaa tixdan dalanbaabiga iyo daalaa-dhaca lagala kulmo suudalka, waxa uu si qoto dheer ugu lafa gurayaa duruufaha ay tahriibayaashu la kulmaan, raadadka ay kaga taagan dalka, dadka iyo saxariirka ay ku mutaan safarka dheer ee ay galaan.

Si guud iyo si gaar ah ba waxa uu daboolka uga qaadayaa xaqiiqada waddanka taalla iyo nimcooyinka Weyne innagu galladay ee amni, dal, duunyo iyo dadba leh. Waxa uu uga digayaa dhammaan cid kasta oo Alle yaqaan ah, oo in uun Iimaan ku jiro, biimaynta  iyo is-ku-miidaaminta tahriibka oo aan If iyo Aakhiro midna lagu aflxayn.

 Waxaanu Abwaanku ku bilaabay gabayga:

Cabdiyow dabuubtiisa gabay darajo weeyaane

Waa deeq Ilaahay baxshaan duunyo goyn karine

Ducuf baa dilaayoo intaa dhuunidoon ku ahe

Duul baa danbaab iyo ku gala diradiraalaaye

Qaarbaa xumaantuun dalboo duudsi loo diraye

Deli buu ka tuuraa ninkaan diinta garanayne

Mindi  weeye labadiisa daraf kii la doonaba e

Dubaax malaha maansadu haddaan loo kitaab dayine

Daandaansi iyo caydu waa doqon afkeediiye

Anigana dedaalkaygu waa danaha waaweyne

Dad ka oo hagaagaan jeclahay labada daarood e

Xasadbaa arlada dooriyee daacad baan ahaye

Daaciga wanaagaan ahoo samo ka daalayne

Khayrkaan u doonyaysanahay daa’in abidkay e

Goldaloolo ii muuqataan diirad ku hayaaye

Gabaygana is kuma daaliyee way gu soo degaye

Durdur aan go’aynbaan ku ahay deelka maansada’e

Aan daruuro caawana tixday dihatay laabtaydu

Sidii daad mahiigaan bal aan idin dabbaal siiyo

Idinkuna dabuubtii dhegaha iigu wada deeqa

 

Da’yartii dadkeenna u kacdee lagu dedaalaayay

Da’yartii diraasada dhigtee waayo lagu daalay

Da’yartii la daadihinayee loo danquminaayay

Da’yartii dadkoodu islahaa darajo gaadhsiiya

Waa taa Ibleys duufsadoo loo durbaan tumaye

Dariiqaa la dalandoolayaa loogu daw galaye

Diibkiyo waraabuu ka dhereg doorkan maanta ahe

Maydkooda wada daadsan baa cidina duugayne

Dugaaggii hilbaha quudan jiray doogsin buu helaye

Jiidhkiyo caddiintoodi buu dalam ka siiyaaye

Qalfoofuhu dureemada ka badan dibadda yaallaaye

 

Hal kaloo idiin daran haddaan idin dareensiiyo

Duul kaa naftoodii dilaye dibad u yaacaaya

Duulkaa daliilkii sharciga dacal ka dhaafaaya

Ee waalidkood dayriyaye daafadda u waayay

Cabdiyow dariiqada Alliyo diinta caasiya e

Danbi dhaaf Ilaah siiyo iyo derajo mooyaane

Aakhira degaankoodu waa degelki naareede

Dayaciyo duruufaa la tegay u dubcaddeeniiye

Waa kuwaa dibnaha aar galaye mawd guddoonsadaye

Harraad loo dayoobiyo intii gaajo dili wayday

Dabin bay ku daateen iyana daallin sii dhigaye

Madaxfurasho doolaara baa loogu daw galaye

Dawakha iyo wareerkii ku dhacay waalidkii debecye

Qaylada dareen ka leh markii la gu digniin siiyay

Waa lay deldelaayaa ilmii ugu danbaysiiyay

Illeen waa durriyadaad dhashoo duud ka soo go’aye

Jidhku  waa dubaaxyaynayaa waa damqanayaaye

Dayn soo galyaa iyo xigaal deeq u fidiyaaba

Daartii dilaal ka u diryoo duunyo bixiyaaba

Lama waayo xoolaha dirqiye waa un loo diriye

Lafta diisan duudkoo burburay duubiyada xoogga

Duul baa la naafeeyayoo aan diyo lahayne

Qaar baa dalluumo iyo jeel loogu daa’imaye

Niman daallimiinoo ku mamay doolarkiyo baadda

Oo wada diyaaraa jiroo laga dibboonayne

Tahriibtaa dareeraysa bay kala dillaalaane

Doonyaha la dhoobdhoobayay daakhilkaw dhigiye

Duunyada sideedoo kalaa loogu daabuliye

Waxa ay la sii daakiddoo doc u la heehawdo

Mar uun bay dabayl mawjad lihi dubuq ka siisaaye

Dabbaal kaga baxyaa iyo Ilaah duul u bixiyaaba

Mawdkiisu kii aanu dilin daanta kale gaadhye

Dulligaa wixii badayna waa damac adduunyaade

 

Afartaa murtida diirran iyo dedabdhiggeedii dheh

Gugoo deelmay daad koo rogmaday gal iyo duufaan dheh

Onkod dininigleeyiyo hillaac danabadiisii dheh

Darandoorri  baaska u dhiciyo dab iyo baaruud dheh

Xigmad Daa’im kay i bariyo deelleydii gabay dheh

Duluc kalana waa maansaday dihatay laabtaydu

 

Iyadoo dalkeennii nimcadu dibadda taaltaallo

Iyadoo shidaal diirran iyo dahabba hoos jiifo

Iyaday durdurayaan biyuhu gu iyo dayrtiisa

Oo dalagga beeruhu dedaal innaga doonaayo

Oo duunyadeennii dhashoo darar la maalaayo

Dirrimo iyo dooxyiyo bannaan daawad lagu foofsho

Buuraha daboolane macdani daakhilka u taallo

Dekadiyo baddaa daahan ee nagu dul meegaaran

Khayraad kan duugaabay aan cidi danaynaynin

Malahayga duul kii lahaa waa dad aan dhalane

Iyadoon colaad laga didiyo diifi nagu oollin

Oo nabad daraadeed shacbigu wada dakaynaayo

Oo dawladdoodii amniga ugu dedaalayso

Bal maxaa dalkeennaa dihine looga dalandoolay?

Dariiqaa halaagga ah maxaa loogu dabar beelay?

Sidii dabato iyo caydh maxaa la isu daba yaacay?

Dhallinyaro daruur u eg maxaa badaya diihaalka?

Dad cawaan ah diinlaawayaal duur cid la ah jooga

Hablaheenna diib ka leh maxaa dooxato u geeyay?

Ma damiirki baa idin ka tagay xumaha diidaayay?

Duqaydiyo suldaan duub leh iyo duluc abwaaneedka

Wadaadada digniintiyo wacdiga waano damin waayay

Intaas oo dardaarana maxaa loogu daba jeedshay?

Dawarsiga Nasaarada maxaa derajo loo mooday?

Faranjiga dugaagga ah maxaa looga daba yaacay?

Duleedada kufaartiyo maxaa dibad idiin yaalla?

Iyagaa faqrigu daashadoo daaqad loo sudhaye

Waa waxaan Ilaah Daa’imiyo diinta aaminine

Doolar kay ku siiyaanna waa sun iyo deebaaqe

Dacwadduu wataa baa ka wayn deeqo bixin taase

Ilaah deeqsiyaan leenahoo khayr ka dalabnaaye

Derajada Islaam kaa is ka leh labada daarood e

Idinkoo haldoor ka ah maxaa idin dullaynaaya?

Risqigaad u dalandoolaysee daliga kaa tuuray

Risqigaad naftiinna u disheen waa mid daabacane

Dunidaba adaan joogin baa Daa’im kuu qoraye

Hal daqiiqo kuma seegi karo deeq laguu wacaye

Daacigii Rasuulkaa yidhoo diinta lagu sheegye

Ilaah baa diyaarshoo dimmada saaray waa hore e

Ciddii dux iyo iimaan lahey galiya duunkiinna !