Inta badan gabdhaha fanaaniinta ah waxa lagu xantaa in ay dhaqaalahooda iyo wakhtigooga inta badan ku bixiyaan is qurxinta taas oo ah sabab la fahmi karo maadaama ay tiro dad ah oo badan hor imanayaan doonayaana in ay kasbadaan taageerayaal badan isla markaana tartan kula jiraan hablaha fanaaniinta ah ee kale.
Laakiin isqurxinta qaarkeed ayaa noqota mid rasmi ah oo lagu dhalan guurinayo midabka asalka ah ee quruxda badan ee uu qofku u dhashay ayna ahayd in uu ku faano. Way yar tahay in aad aragtid gabadh fanaanad ah oo aan midabkeedii wax ka badalin ama aan wax ku darin taaso kalsooni darro muujinaysa.
Gabdhaha Somaaliyeed ee kalaba dhaliishan way la wadaagaan laakin sababta aan gabdhaha fannaaniinta ah u soo qaatay waxay tahay iyagu way ka duwan dadka caadiga ah oo WAA LAGU DAYDAA.
Haddaba haddii ay hablaha fanaaniintu sida Salma haysan lahaayeen midabkooda gabdhaha kale ee Soomaaliduna way ku dayan lahaayeen. Dayso midabkaaga oo ku dayo SALMA si ay taageereyaashaada iyo gabdhaha kalena kuugu daydaan.
Hoos ka daawo muqaal ka mid ah heesaha Salma oo muujinaya midabkeedii dhaladka ahaa.
By Ina Siciid