Gadhwaynaa sheegay Jamaal waa Kulmiye, Waddani yaanu ku daalin (Drs. Hoodo Yuusuf)

Xasan Gadhwayne wuxuu ahaa Wasiirkii Hore ee Wasaarada Waxbarashada, waxaanu haatan  u xuub siibtay “Kaabo Qabiil”. Wuxuu Guddoomiye u yahay  koox u ololaysa  Kornayl Muuse. Waa mahadho taariikha ah  in EX- Wasiir Waxbarasho  u dego rogto  Kaabo Qabiil.sida ay xaqiijiyeen  saaxiibadiisi Dugsiga dhexe “ Intermediate  School “, Xasan kamuu gudbin Imtixaankii Shahaadiga “Leaving Examination”  waxaanu qaatay  “Un-Certificate”. Markaa la yaab malaha in garaadkiisu hoos ugu  celiyo Qabyaalad. Oday  Gadhwayne  ayaa dhawaan Gabilay kaga tiraabay erayadan soo socda isaga oo taageero ka doonaaya beesha Akashida:

Beeshayadu way la hadhashay yarka Jamaal, waxaanu u sheegnay  in uu u tanaasulo inaadeerki Muj. Muuse, isagana  magdhow la siiyo, arrinkaasina wuu naga aqbalay. “

Sida war xogogaal ahi sheegayaan Ololahan wax ka danbeeya ‘Ma Gafe  Maxamed Aw Saciid “,   waxaana ujeeddoyinkiisa ugu waawayn:

1). In garabka uu hoggaaminaayo Jamaal Cali Xuseen ku biiro Xisbigga Kulmiye.

  1. In la joojiyo dacwadda ka dhanka ah Eng Faysal Cali Waraabe.

3). In waxii kharash ka baxay iyo mag-dhaw dheeraada loo celiyo Jamaal Cali Xuseen, magdhowgaas qiimaynteeda  waxa  loo saari doono Guddi Farsamo, waxaana lagu qiyaasay ugu yaraan $ 1 Milyan.

4). Heshiiska  waxa damaanad qaadi doona Ganacsato iyo Madhax-dhaqameed  kasoo kala jeeda labada dhinac ee Jamaal iyo Kornayl Muuse.

Haddaba dad badani waxay iswaydiinayaan sababta uu Jamaal Cali Xuseen u jah-wareerinaayo taageeryaashi u badnaa dhallinyarada ee kasoo jeeday dhammaan Goboladda Somaliland. Jamaal waxuu siyaasada ku soo galay, “Aqoonyahan” bulshadana u shaqaynaaya  laakinse aan u soo shaqo tegin. Maanta waxa muuqata in uu yahay dilaal “Political broker” u soo shaqo tegay Somaliland. Wuxuu yidhi Cigaal Shidaad :

Jamaalow ma waxaan ku moodaay; Mise waxaad noqotay; Waxaan ku moodaayay  Aqoonyahan; Laakinse waxaad noqotay cagabaruur Siyaasadeed”

Drs Hoodo Yusuf , London, UK.

yhoodo@yahoo.com.