Waxyaabaha dhaawacay gooni-isu-taagga Somaliland (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Dib u milicsiga ku-dhawaaqistii Gooni-isu-taagga ee 18/5/1991

Shirka Walaalaynta Beelaha Waqooyi, kaasi oo qabsoomay muddadii u dhaxaysay 27/Abril/1991 ilaa 05/June/1991-kii, waxaanu ahaa mid gaar u ah Guurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar AHN. 

Qodobadii shirkan ka soo baxay oo ahaa lix qodob:
1. In Woqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur
2. In lagu dhaqmo shareecada Islaamka
3. In la sugo nabadgelyada Woqooyi
4. In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Woqooyi
5. In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi
6. Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah.

Iyada oo ay Guurtidu soo saarta lixdaa qodob ayuu furmay Shirkii ku dhawaaqistu, wuxuunu bilaabmay goor casar ah, xaafada shacabka ee Burco. Shirkan oo ay gadhwadeen ka ahaayeen jabhadii SNM waxa guddoominayey, guddoomiye ku xigeenkii SNM  Xasan Ciise Jaamac, wuxuu sheegay in shirkani yahay mid lagu walaalaynayo shacabkii Soomaalilaan ee taliskii Max’ed Siyaad hubka isugu dhiibay. Halkan waxaynu isgu nimid inaynu beelaha reer waqooyi (somaliland) isku turxaan bixiyaan.

Iyadoo la tixgalinayo go’aamadii shir beeleedkii Burco ayuu golihii dhexe ee SNM ku dhawaaqay in somaliland tahay Qaran madax banaan 18/5/1991. Muddo yar ka dib waxa la dhisay dawladii ugu horaysay ee somaliland yeelato. Dawladaasi waxa ragaadiyey khilaafaadkii jabhadii SNM oo toban sanno huursanaa, hawlihii loo xilsaaray way gudan kari waayeen, markii dagaallo hoose ka dhex-qarxeen. Golohoodii wakiiladanu waxa u qabsoomi waayey shirkoodii caadi ahaa, ka dib markii Prof. Ibraahin maygaag samatar AHN oo guddoomaha ahaa isugu yeedhay dhawr jeer.

Arrimahan soo socda ayaa dhaawacay qadiyada Gooni-isu-taagga Soomaalilan

  • Wadahadaladii dhexmaray Soomaalilaan iyo Soomaaliya: ugu horayn dawladda Turkigu dhawr jeer ayey caddaysay mowqifkeeda oo ay tidhi, waxa aanu ka shaqaynaynaa midnimada Soomaaliya, iyada oo halkaasi ka taagan gooni-isu-taagga Soomaalilaan, ayuu dalkooda dhawr ay ku wada hadleen Soomaalilaan iyo Soomaaliya, balse madaxdii Soomaalilaan marna ismay weddiin sidee loogu wadahadli karaa dal aan dhex ka ahayn arrimaha ka dhexeeya labada dal?. bilowgii sannadkii 2011-kii, wuxuu ahaa mid dhawr jeer ay kulmeen labada dawladood, balse aan wax midho ahi ka soo bixin. Wadahadalkaasi wuxuu keenay dabac weyn oo ka yimid dhinaca xukuumada talada dalka haysa, kaasi oo meesha ka saaray sharciyadii ay hore ugu dhaqmi jireen xukuumadihii hore ee soo maray dalku.  Xukuumadihii Cigaal iyo Riyaale  dhamaantood, waxa sharci ahaa in aan laga qaybgelin shir ay yeeshaan kooxaha soomaaliya isku hayaa, ilaa inta laga helayo xukuumada dhamaan metesha wixii la odhan jiray Soomaaliya. Siyaasiyiintii hunguri-raaca ahaa ee fadhigoodku Muqdisho ahaa ee reer Soomaalillan ayaa hal-mar hanqalka la soo kacay, iyaga oo ka faa’iidaysanaya wadahadalada ayey si fudud ugu soo socdaali jireen Soomaalilaan,halka markii hore ay ka caageen inay cagaha soo dhigaan dalkan aanay aaminsanayn. Qaarkood markay si qarsoodi ah u soo galaan waa la mastaafurin jiray. Waa taa maanta faramadhan laga taagan yahay wadahadaladii
  • Cafiska joogtada ah ee loo fidinaayo xubnaha reer Soomaalilaan ee nidaamka qawlaystada ah ugu shaqo tegay Muqdisho: Marka la eego nidaamkii ay ku dhaqmi jireen dawladihii hore Soomaalilaan way yaraday in si fudud loo cafiyo shakhsiyaadka ka horyimaada gooni-isu-taagga Soomaalilaan, balse wixii ka dambeeyey Sannadkii 2011-kii, waxa ay noqotay tusbax furtay, sida fudud ee loo cafinaayo dadkaasi. Arrintaasi waxa ay dhiirogelisay in si dhib yar dalka ugu soo laabtaab qawlaystadii Muqdisho fadhiday, waxa kale oo ay dhiirogelisay inay Muqdisho tagaan masuuliyiin xilal ka haysay Soomaalilaan. Waxa la yidh” meyd waxa u dambeeyey kaa la sii sido”, wiigii hore waxa Muqdisho ka degay masuulkii ugu dambeeyey xil ka hayey xukuumadda Soomaalilaan.
  • Ogolaanshihii xeerkii isu-socodka ee Baarlamaanka Soomaalilaan ansixiyey: Xeerkani wuxuu sidoo kale inagu furay waddo cusub, oo ay soo qaadaan qawlaystadii Muqdisho inaga joogtay. Sidii hore oo kale waxa xeerkan ka faa’iidaystay masuuliyiin xilal ka haya dawladda Soomaaliya, oo qaarkood ay haatan ku sugan yihiin Hargaysa, kuna doodayaan inay xeerkan daliishanayaan, oo aan la xidhi Karin ama la mastaafurin Karin.
  • Xidhis la’aan shakhsiyaadka ka qaybgala shirarka Soomaaliya loo qabto: Waxa beryahan dambe sare u sii kacayey shakhsiyaad u lacag doonta shirarka loo qabanaayo Soomaaliya, iyaga oo sheega inay metelayaan Soomaalilaan. Shakhsiyaadkana ayaa markay soo fushadaan dahahooda ku salaysan huguriga ayaa toos ugu soo laabta dalka, iyaga oo aan cidna waxba isaga tirinayn
  • Ogolaanshaha siyaasiyiinta Soomaaliya ee sida dhibta yarta yar u soo geliya Soomaalilaan: Wixii ka dambeeyey sannadkii 2011-kii, waxa dalka booqashooyiin kala duwan ku iman jiray siyaasiyiin reer Soomaaliya ah, oo intooda badani ka soo horjeeda Gooni-isu-taagga Soomaalilaan, waxa aan ka xusi karnaa, Cismaan Caato, Maxamed Cali Ameerika, Faroole iyo Gen. Galaal oo ka mid ah kuwii ugu dambeeyey. Waxa weliba ugu sii darnaa Gen. Galaal oo ay waraystay Idaacadda BBC-du, in uu si badheedha ah Hargaysa uga dhexyidhi, “waxa aaminsahay Midnimada Soomaaliya iyo in aan la kala tegin” waa ayaandaro weyn in ay arrintaasi dhacdo, waxaana sababteeda leh kuwa ummaddu amaanada u dhiibtay. Siyaasiyiintani marka ay la kulmaan dadka reer Soomaalilaan kama gabbadaan inay soomaalilaan gudaheeda kaga doodaan midnimadii Soomaaliya iyo Soomaalilaan  ay habboon ta in la soo celiyo.
  • Aqoonyahanno reer Soomaalilaan ah oo Muqdisho loo geeo qaab siyaasi ah, oo shaqodoon ku salaysan: Dhalinyaro badan oo isugu jira aqoonyahanno, abwaano, suxufiyiin iyo qorayaal ayaa qaab hoose loogu shaqo geeyaa Muqdisho, haddii ay waayaan shaqada si dhib yar oo aan cidna waxba odhanayn ayey dalka ugu soo laabtaan. Isku furankaasi wuxuu keenay in ay Soomaalilaan si dadban noqoto mid ka mid ah Maamul-goboleedyada Soomaaliya.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@hotmail.com