Galbashada Ilayskii Ifka Q.2aad (WQ: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”)

Muddo kaddib, kolkii ay Baxsan noqotey toban jir waxa maalin maalmaha kamid ah booqasho ku timid deegaanka habaryarteed oo degan Beled Weyne. Markay aragtay Baxsan, oo kortay waxa ay walaasheed Batuulo iyo seeddigeed Samatar ka codsatey in loo oggolaado in magaalada Beled Weyne ay la degto, oo halkaas dugsi kaga darto iyadana lagu ogaado. Samatar iyo Batuulo markay arrintaas ka fikireen, oo isla kaashadeen waxa ay go’aan ku gaadheen in taladaas ay oggolaadaan. Sidaasna Baxsan ay ku raacdo habaryarteed.

Habeen madow, oo saq dhexe ah ayaa Baxsan habaryarteed iyadoo cabsaneysa la baxsatey. Deegaanka kolkaas waxa ku dul loollamayey labada garab ee Al-Shabaab iyo Amisom, lagumana kala bixin. Balse, labada dhinacba tiro koob ayay leeyihiin dadka ku dhaqan deegaanka. Gabarta yar ee Samatar dhaleyna, duqey iyo da’yarba waa la ogaa, oo aqooni uguma laabneyn. Dhawr jeer oo Samatar la weyddiiyey halka ay aadday gabartiisii Baxsanna, waxa uu kaga gaabsadey “Habaryarteed ayay bilo usoo shaqeynaysaa”.

Kolkii Baxsan la geeyey magaaladii Beled Weyne, iyada lafteeda waxa jooga ciidamada Amisom, iyo ciidamo waxoogaa ah oo ka socda dawladda dhexe. Muddo dhawr bil ah ayuun baa laga haystaa Al-Shabaab, balse dad aan la aqoonsan karin oo ururka kamid ah waa dhex joogaan. Garabkii hubeysnaa baa laga saarey keliya, balse fikrad ahaan waa u joogaan. Baxsan waxa lagu darey dugsi hoose, oo magaalada ku yaalla. Waxa ay noqotey ardayad aad ugu wanaagsan dhanka waxbarashada, dadaal badan, oo aan seeg-seeg lagu arag kolnaba.

Muddo labo sanno ah kolkii ay dhiganeysay dugsigii, waxa ay labadii sannaba u gashey kaalintaa koowaad. Taas oo gabdho iyo wiilalba u riyaaqeen dadaalkeeda aan kala go’a lahayn. Waxa ayna arrintaasi horseedday in loo gudbiyo fasalka afraad, oo laga boodsiiyo fasalka saddexaad. Fasalkii afraad ayay u gudubtey waxa ayna noqotey ardayda ugu horreeya ee fasalkeedaas cusub. Markii uu dhammaadey sannad dugsiyeedkii, oo ayna dhammeystay dugsigii hoose, una gudbi rabto dugsi dhexe ayaa waxa ay damacday in deegaankeedi ay booqato, waalidkiina soo aragto, oo ku soo indho doogsato.

Habaryarteed walow ay arrintaas diidaneyd, haddana Baxsan waa ku adkeysatey in mar uun ay dhaayaha soo saarto waalidkeed oo ay aad u jeclayd. Waana ay u oggolaatey, sidaas ayayna ku ambabaxday oo ku aadday deegaankii Far libaax. Deegaanku sidii hore ma aha, hadda waxa gacanta ku haysa kooxda Al-Shabaab. Baxsan hablihii faceeda ahaa ee ay jabadaanta wada dheelli jireen oo dhan waxa lagu wada darey ragg ka tirsan ururka iyo wiilal ay dhaleen oo dhallinyaro ah.

Markii ay tagtey gurigoodii, aabbeheed iyo hooyadeed si lama filaan ah ayay ugu farxeen aragga gabadhooda. Laabta ayay si wadajir ah u geliyeen, dhunkashana ugu dareen. Wareysi dheer kaddib, waxa ay u sheegtay in ay la joogeyso muddo dhowr mooggan ah. Kaddibna loo furi doono dugsigii, oo ay laaban doonto. Aabbaheed aad buu u argagaxey waxa uuna uga warramay sida xaalku yahay deegaanka, iyo in aan gabadh la dhaafeyn oo nikaax iyo jujuub dhakab lagu siinayo. Arrinkaasi filan waa ayuu ku noqdey Baxsan, cabsi badan ayaa soo waajahday!

Qalinkii: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: abdifatahbarawani@hotmail.com