Gobolka Sanaag Wuxu kamid yahay Dhulka loo aqoonsanyahay (Dispute area) dhul lagu muransanyahay iyadoo ay Somaliland Iyo Puntlandba kula shaqeeyan Hayada Caalamiga ah, hadana mid kastaa wuxu sheegta inay kamid tahay oo uu xukumo.
Hadaan Suaashayda Usoo dhaadhaco oo aan isku da’ayo inaan maskaxdayda yar lakaashado kana jawaabo, intaanan su’aasha hore ka jawaabin waxaan jeclahay inaan bal horta qodobo kale taatabto kuwaaso ah Horumarka, isbedelada Iyo Waliba Siyaasada ka dhex socota guud ahaan deegaanka wakhtigan.
Gobolku Mudooyinki lasoo dhaafay waxaad mooda inuu ka dhaqdhaqaaq badan yahay sidi hore ee uu ahaa oo waxaa jirtay awal inaad bishiiba aad Mar saxaafada ka maqasho xaalada Gobolka, maantase way ka Duwan tahay sidii hore waxaad arkaysa maalintii in ugu yaraan aad aragto toboneeyo war oo lagaso sheegayo gobolki kuwaaso badankoodu dhiilo ubadan yihiin galbeedka gobolka waxaa kajirta runtii arin aanay dhamaan bulshada Somaliyed jeclaysan Colaad soo noqnoqtay oo daba dheeratay inkastoo iminka ilahay kala qaboojiyey in ay sidaa usii kala qaboobaatana aan eebe ka baryeyno.
Hadaba gobolka badankiisa waxaad mooda in lagu kala adkaaday oo uu uxuubsiibtay dhanka Puntland taaso keentay isfahan waa ka dhashay arinkii Ciidama Yube tagitaankoodi oo dadka deeganka dagaa ay aad ugaso horjeesteen balse madaxwaynaha Iyo taliska ciidanka Somaliland ku adkaysteen, isla maalintiba Puntland waxay bilowday inay ka faaidayso jaaniska iyadoo dardar aan hore looga baran lasoo baxday gaarsiisayna inay lawareegto ciidamo Iyo deegaano badan oo Somaliland ahaa ay gacanta ku dhigto ugu danbayna ay gaaran in taliyihii ugu wakhtiga dheera uguna danbeeyey ay gacanta ku dhigaan taaso si buuxda ugu sahashay inay deeganka ula wareegan.
Halkaa Marka aynu maraynu Waxaa Wanaagsan inaynu Su’aal kale iswaydiino Akhriste ” Gobolku inuu laba gardaaqleyo Iyo inuu dhinac raaco kee uwacan? si wadajira aynu uga jawaabno suaashan aniguna aan tayda ku horeeyo, anigu ka Maxamed ahaan waxaan qabaa in gobolka Horumarkisa iyo hore usocodkisuba uu kujiro in uu hal dhinac noqdo oo salaada hal jiho loo tukado sababto ah Sodonki sano ee somali is eryeynaysay gobolku meel kastaa wuu u orday wax laga faaidayna majirto ashkhaas gaara oo magacaantoda labartay Maahane, Meesha laraacayo waa ka jawaabi kartaa adoo sababta raacinaya.
Waxaa iyana jirta Mashruuc uu hormuud ka ahaa Madaxwaynihi hore ee Puntland Abdiwali gaas kaaso ahaa dhisamaha wadada ceeldaahir-badhan oo mudo sanad kahor ah wajigiisi koowad (face one) lasoo gabagabeeyey wali aan labilaahin wajigii labaad (face two) isagana waxbaynu iska waydin ana intan xog ka hayo ayaan idinla wadaagi. Intaan ka warqabo laba qodob ayey waadadu utaagan tahay (B) Dhaqaale, mashruuca markii labilaabayey waxaa lagu bilaabay hab qaaran ururin ah oo cid walba oo reer Puntland ah ay ka qayb qaadatay (Contribution) Marka laga reebo bulshada reer sanaag, ardayda, shaqaalaha dawlada Iyo Waliba ganacsata ayaa qaadhan lagaso ururiyey intaaso dhan reer sanaag waxba kumay darsan iyagoo qabay In aanay suurtagal ahayn inuu mashruuca Puntland ka dhab yahay nasiib wadaan waxaa dhacday in mashruuci bilowdo filashadi tabnayd ee reer sanaagna meesha ka baxdo talona ay dib isugula noqdaan, mudo kadib waxay balanqaaden inay ka qayb qaadanayan mashruuca waliba qaab qabiilo oo reer Waliba qaadhan lagu xukumo, nasiib xumada dhacday ayaa ah in waxaan sadex ama afar reerod dhaafin ay lacagti bixiyeen iyadoo intii kale wali lasugayo waxaan war kuhaya in beelaha badankoodu lacagihi hayaan balse ay diidayan wixi lagu xukumay oo kala dhan inay dhiiban.
(T) Khilaaf, waxaa jira khilaaf hoose oo udhaxeeya maamulka cusub ee yimid Puntland Iyo gudidi mashruuca waday kaaso salka kuhaya Khilaaf xisbi diimedayo ah una dhexeeya Al-islaax Iyo Al-ictisaam, lamana garanayo meesha uu ku danbayn doono khilaafkaasi.
Waxaa iyana jira Mashruuc aad uwayn oo ay dawlada kuwayd siisay gobolka sanaag gaar ahaan dagmada badhan ahaana dhisamaha wayn ee Jaamacada Maakhir loonaso mariyey Puntland mudo laba sano kahor qiyaasti ayaa ladhameeyey dhismahaa ilaa maantana wali wuu xiran yahay oo cumpuski hore wali ardaydi lagama soo rarin walow wasiirka waxbarashada Puntland mr Agaf ka sheegay xafladi qalinjabinta dufcadi lixaad ee Jaamacada Maakhir in Dhismaha Cusub looso wareegayo sanad dugsiyeedkan, hadana waxaa jira iyana Khilaaf hoose oo udhaxeeya isla labadii xisbi diineed oo ay ugu hardamayaan hogaaminta Jaamacada.
Qodobka Udanbeeya ee aan taabanayo Waa golihi deeganka ee dhawaan badhan laga dhisay kaaso ka koobna 28 xubnood oo isaga laftigiisa ay ku hardamayeen labada xisbi diimed inkastoo ay isaga Xaga reeruhu aad ugu awood badnaayen Marka loo eego labada xisbi waxaana dhacday in team cusub uu lawareegay hogaanka dagmada xubnuhuna ay ubadan yihiin, xiabiga Al-islaax oo runtii todobadi sano udanbaysay badhan hogaanka uhayey waxaad mooda inuu la kulmay guuldaro wayn Al-ictisaam laftigiisu isku daygoodi wuu guuldaraystay.
Waxaan aragti ahaan anigu qabaa in iyadoon jacayl iga ahayn hadana aan u arkay in maslaxada deeganka Iyo dadku ku jirto in Xisbiga Al-islaax loo dhiibo Maamulka Jaamacada Maakhir Iyo Waliba Dhismaha wadada ceeldaahir-badhan, sababta hay waydin.
Suaashi aynu xaga hore iskuso waydinay oo kooban badhan hadii run ladoonayo oo aan Indha lays qabanayn kii kunaxaya am ku farxaya Puntland bay aaday badhani.
06-09-2019
Alla Mahadle
W/Q Mohamed Abdirashid Kastaro