Galbashada Ilayskii Ifka Q.3aad (WQ: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”)

Kolkii cadceeddii galbatey, dharaartiina habeen isu beddeshay ee la jiifsadey, oo dhegaha iyo tagoogada la is gashadey ayaa tiro koobkii ururka Al-Shabaab soo istaageen ardaaga hortiisii, una yeedheen xaajigii Samatar ahaa. Hurdadii ayaa reerkii ka wada salaley, waxa uuna u sheegay raggii in gabadh uu dhaley ay Beledweyne ka soo booqatey, oo dhawr toddobaad la joogeyso. Iyagoo xanaaqsan, oo ka cadhoodey beenta uu doorkii hore u sheegay iyo sida uu uga qariyey gabadhiisa ayay ku dhaheen:

Raggii: War Samatar illayn gabadha waad naga qarineysay, oo mujaahidiintu yaysan kaa nikaaxsan baad is lahayd sow maaha?

Samatar: May, wallaahi adeerrayaal gabadhu magaalada ayay ka gashey dugsi, markaa waan soo celin kari waayey ee iga raalli noqda!

Raggii: Annagaad been noo sheegaysaa! Ma gabadha dhawrka sanno maqneyd baad na leedahay waan soo celin kari waayey iyo dugsi baa lagu darey? Dugsiga xunkaa ee gaaladu maalgeliso iyo in nin mujaahid ah oorridiisa ay noqoto iyamaa wanaagsan?

Samatar: Wallaahi… … h… …k…f… Gaba…dhu way waxbarasho….j.hg….jeceshay,…. Een… markaa…. Mujaa… guurkuna waa… k. h…… gf.ukaar…. wax wacan.. eee… balse…!!

Raggii: Caadi u hadal xaaji, cidna wax kugu sameyn maysee, maxaad la cabsooneysaa? Immikana waa xilli dambee iska seexo waa inoo berri. Waxa lagaa rabaa inaad timaaddo majliska shuurada ee wilaayada Islaamiga ah ee Far libaax. Allah yaxfidak wa racaak!!!!

Samatar isagoo naxsan, oo anfariirsan misena jareyanaya ayuu ku hoyday ardaagiisii. Aroortiina waxa uu u sheegay gabadhiisa in aysan u soo bixin bannaanka, oo aaanay dhacanta soo dhaafin. Wuxuuna u sheegay in uu u hayaamayo halkaas iyo maqaaxiyii tolka. Balse, uma uusan sheegin halka uu tegayo iyo  in raggii ururku ay ballamiyeen. Duqii waxa uu tagey kobtii lagu lahaa kaaley ee shuuro iyo wilaayada lagu sheegayey. Reerkiisii ayaa dib loo diwaangeliyey,waxaana liiska lagu darey gabadhiisa Baxsan ee u timid. Waxaana Samatar loo sheegay in amiirka guud ee wilaayada qeybtan Far libaax uu damcey guurka Baxsan, sidaas darteed salaadda duhur in uu ku soo tukado masjidka. Halkaasna looga wada xaajoon doono arrinka guurka.

Samatar waxa uu kobtii kala dhaqaaqay rejo xumo, cabsi, naxdin iyo anfariir ku habsadey ilayskii ifka ee u bidhaamay, taas oo ahayd gabdhiisa mustaqbalka ifaya uu la rabey. Ardaagiisii kolkii uu ku noqdey, goor barqo ah waa ku dhici waayey in uu xaaskiisii Batuulo iyo gabdhiisii yareyd ee Baxsan uu arrinka la wadaago. Aamusni, gacmaha iyo dhabannada oo isku dhega ayaa salaaddii duhur loogu eedaamay. Dabadeedna, isla duhurkiiba waxa deegaankii ka da’ay roob geel dooje ah. Markii uu qaadayna, ee reerkiina hadhimeystay ayaa uu Samatar dhinaca yara dhigay ardaaga. Isagoo ka fikiraya hoogga iyo hagardaamada ku soo food leh gabadhiisa qaryadda ah, ee aan loo quudhi karin bahalladan afka duubtay.

Isaga oo sidii u jiifa, ayaa uu ku war helay eedaanka salaadda casar. Naxdin ayuu la jareeyey, dhidid waaweynna waa ka soo yaacay. Illayn waxa la gaadhay xilligii ballantee, intuu weyseystay ayuu hore uga jaqaafiyey. Kuna gaadhay iyadoo la aqiimayo salaaddii casar. Waxa tujiyey ninkii amiirka ahaa ee ay wada ballansanaayeen. Samatar waxa uu intii uu salaadda ku jirey ku ducaysanayey “ Ilaahow mar uun Amisom soo gashaa tuulada, si uu dagaal u dhaco, oo aan gabarteyda ula baxsado.. ilaahow dhintaa amiir baaskani… ilaahow…. !!“.