Laga soo bilaabo 2010 waxay dawladda Somalia geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay hawada (Airspace) Somalia ugu soo celin lahayd gacanta dawladda, taas oo ay u arkaysay:
1. Mid carqalad ku ah sharafta iyo hannaanka dawladnimo, maadaama aanay hawadu gacantooda ku jirin.
2. In ay tahay revenue ka soo xarooda hawada Somalia oo ka maqan oo aan waxba ka soo gaadhin.
3. In ay noqon karto awood dheeraad ah oo ay helayso haddii ay hawada gacanta ku qabato, marka la eego khilaafka u dhexeeya iyaga Somaliland.
Waxaase dhibaato weyn ku noqotay in ay ICAO ku qanciyaan in hawadu lagu soo wareejiyo, iyagoo cuskanaya xeerka 1aad ee Article 1 ee Chicago Convention oo sidii aynu hore ugu soo sheegnay qabtii koowaad ee maqaalkan, dhigaya in waddan kastaa xaq iyo xorriyad buuxda u leeyahay hawada ka sarraysa dhulkiisa iyo baddiisaba.
Waxay ahayd 2010-kii markii uu Ra’iisal wasaarahii dawaladdii Ku meel gaadhka ahayd ee Sheikh Shariif oo la odhan jiray Omer Abdirashid A Sharmarke codsi u diray United Nations-ka kana codsaday in dib loogu soo celiyo hawada Somalia, laakiinse aan codsigaa laga aqbalin.
Sannad ka dib 2011 markii Mohamed A Farmaajo uu noqday Ra’iisal wasaarihii dawladda federaalka Somalia (TFG) ayuu isuguna ballan ku qaaday in hawada Somalia uu ku soo celin doono gacanta dawladda, maadaama ay xaq u leeyihiin hawadooda, isagoo sharciga maraya. Laakiin nasiib darro waxa uu iskudaygaasina noqday hal bacaad lagu lisay.
Caraqaladaha ugu waaweyn ee hor istaagay ee u suurto gelin waayey in ay ku guuleystaan ayaa waxay kala ahaayeen:
1. In ay markii ay hawada Somalia la wareegtay Ha’adda ICAO maadaama ay burburtay xukuumaddii dhexe ee Somalia ay iyadu masuul ka tahay nabadgelyada hawada Somalia, ayna gacanta ku hayso ilaa inta la helo dawlad Soomaaliyeed oo la aqoonsan yahay.
2. In aanay buuxin xeerka Article 28 ee Chicago Convention qodobadiisa (Paragraph (a), (b) iyo (c))oo dhigaya:
Article 28: in waddanku buuxiyo shuruudo aasaasi u ah hawada, taasoo ay ka mid tahay in waddanku uu caddeeyo ;
a). Jiritaanka xuduudiisa, garoomo diyaaradeed (Airports), raadiyayaal (Radio services), saadaasha hawada (Meteorological services), qalabka hagidda diyaaradaha (Navigation facilities) iyo qalabka hagidda hawada caalamiga ah (International air nagivation equipments) oo buuxinaya dhammaan shuruudaha SARPs (Standards and Recommended practices) ee Chicago Convention.
Sharcigan Article 28 ayaa dawladda Federaalka ee Ku-meel Gaadhka ah ku keenay laba carqaladoo oo kala ah:
▪In dawladda markaa jirtay aanay ahayn mid buuxin karta shuruudda uu xeerkani dalbanayo maadaama ay markaa ahayd KU-MEEL-GAADH.
▪Iyadoo xag farsamo (Technical aspect) ahaanna aanay buuxin karin, maadaama aanay jirin shaqaale ahaan iyo qalab ahaanna diyaar u ahayn markaa, kuwaas oo noqon kara heerka ICAO standard. Sidaa daraadeed aanay ICAO aqbali karin wareejinta.
b). In ay diyaar u yihiin sharciyada hawada sare iyo ka garoomadaba iyagoo dhamaanba habraaca (procedures), calaamada (Markings), Ishaarooyinka (Signals), laydhadhka garoonka iyo dhabaha (Airport and runway lightings) ay noqdaan kuwa taabacaya habka sharciga hawlaha iyo hanaan socodka (operational practices and rules) ee convention-ka.
c). In iyagoo la xidhiidhinayo khariiradaha hawada caalamiga ah daabacato khariiradaha hawo marista (Aeronautical maps & charts) kaasoo taabacsan standard-ka Chicago Convention.
3. Waxaa kale oo iyana ugu danbeyn laf dhuun taagan ku noqotay khilaafka ah in ay Somalia iyo Somaliland ku heshiiyaan iyadoo ay ICAO kula talisay in labada daraf is hor fadhiistaan oo ka wada hadlaan, samaystaanna guddi labada dhinac ah oo loogu yeedhay “Steering Committee”, kuwaasoo dardar gelinaya habka tababarada shaqaalaha hawada ee uga socda Xarunta Hay’adda ee Nairobi, iyo in la xidhiidhka iyagu metelaan inta ay heshiisyadu socdaan. Qodobkan oo taabacaya xeerarka Articles 84, 85 and 86 ee khilaafaadka hawada sare (Airspace disputes and default) ee Chicago Convention 1944.
Qodobadan kor ku xusan ayaa noqday kuwo ah caqabad hortaagan oo aan ahayn mid si sahal lagula wareegi karin hawada. Arrintaa ka dib waxa xal aan la dhaafi karin ku noqotay Dawladdii uu Sheikh Shariif madaxweynaha ka ahaa in ay maraan dariiq ka duwan dhabbihii hore oo ay wada hadlaan Somaliland si arrinta hawadu uga soo dhawaato geedka dheer ee ay saaran tahay.
Hadaba, taariikhdu markii ay ahayd 23kii February 2012 ayuu ingriisku ku casuumay Somalia iyo Somaliland in ay ku kulmaan magaaladda London ee dalka UK ka dib markii uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Ingriiska William Hague booqasho ku tegay Somalia 2dii February 2012-kii .
Shirkaas oo loogu magac daray The Conference on Somalia, laguna qabtay Lancaster House. Aqalkaas oo uu maamulo Foreign and Commonwealth Office.
Arrintaasi waxay Somaliland keliftay in wax laga bedelo constitution-ka Somaliland oo aan markaa ogolayn in laga qayb galo shirarka Somalia.
Sidaa daraadeed 5 tii February 2012 kii ayaa labada gole ee Somaliland cod aqlabiyad ah oo 101 u codeeyeen, 3 diiday iyo 4 ka aamusay, lagu ansixiyey, in wax laga bedelo xeerkii ka qayb galka shirarka Somalia 2003, oo lagu daro labada qodob ee hoos ku qoran:
1. In Xukuumadu ka qayb gasho shirarka loo arko in dani ku jirto, kana hor imanaynin
jiritaanka qaranimada iyo Dastuurka Somaliland.
2. Maadaama Xukuumaddu codsatay in labada Gole ku taageeraan in shirka London
laga qayb galo in labada golle ay ku taageeraan
Sidaana ay dawladda Somaliland kaga qayb gashay shirkii London ka dhacayey 23kii February 2012 kii . Shirka ayaa waxaa dhinaca Somaliland ka socday Madaweynahii hore Jahmuuriyadda Somaliland Mud. Ahmed Mohamed Mohamoud “Siilaanyo”, Wasiirkii Arrimaha Dibedda Dr Mohamed Abdullahi Omer iyo wafti kale. Dhinaca kale ee Dowladda TFG ee Somalia waxaa ka socday Ra’iisul Wasaarihii Dr Abdi Weli Gaas, Guddoomiyihii Parliament-ka TFG Shariif Hassan Sh Adan iyo xubno kale. Waxaa iyaga lagu soo caduumay inay kasoo qayb galaan Puntland State of Somalia, Galmudug State iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca.
LA SOCO QAYBTA 4AAD
WAAD MAHADSAN TIHIIN