Kolkii salaaddii laga salaamo naqsadey, ee sunnihiina la daba dhigay. Ayaa duqii Samatar ahaa loo sheegay in amiirkii ku sugayo masjidka daaraddiisa, shaahna loogu diyaariyey halkaas. Samatar oo cagaha jiidaya ayaa amiirkii u tagey lana fadhiistay
Amiirkiii: Allaahu Akbar! Allaahu Akbar! Waa Xaaji Samatar, Maasha Allaah. Tafaddal, Tafaddal. Ha is martiyeyn Xaaji. Waa beydkii Alle iyo Amiirkii Wilaayada Islaamiga ah ee Far libaax!
Samatar isagoo naxsan, kana cabsanaya dad qalkan gacan qaadaya, ee wanaagga u muujinaya isagoo ogaa waxa uu gabadh da’yar tartarrada ku dhegay, ee uu derinta ku fuulay. Iyadoo oohin iyo cataabba dhammeystay. Ayuu si baqasho aad u badani ka muuqato ku yidhi:
Samatar: Waan dhawahay adeer!
Amiirkii: Horta adeer Samatarow dad Muslimiin ah ayaynnu nahay. Ilaahayna waxa uu ina faray wanaagga bulshada Muslimka in laga taliyo mar walba. Guurkuna wanaagga bulshada waa kuwa ugu horreeya. Waa raxmad, waa risiq, waa nimco, waa mawadda, waa waa….!! Sidaas oo ay tahay, gabadhaa qaryadda ah ee karti iyo wanaagba meeshii ugu sarreysay Eebbe ku manneystay ayaad iga qarisey. Waa dembi weyn oo aad ka gashey amiirka! Ciqaab ayaa kugu waajibi lahayd, haddaanan kuu tudheyn. Balse, waan kaa xishooday. Dharka oo lagaa siibo, bulshadana la isugu yeedho deedna hortooda shaabbuug lagula dhaco ayay ahayd. Waan se ku cafiyey dar Alle Xaajiyow. Immikana, waxaan rabey inaad gabadhaada Baxsan i siisid, hadalna adoon ka soo celinin. Sidaasna ay ku noqoto sawjatii al xalaala bi nikaaxin muwaafaqu bi shariicatil Islaam lil amiir!!
Samatar: Adeer …. Waa run…. Oo waa… k …h… een … haddana… guu.. urku waa.. balse,…!!
Amiirkii: Maxaa ku daaray?! Hadal adeer. MIYAAD II DIIDEYSAA GABADHAADA?
Samatar: May! May! Walllaahi kuuma diidin adeer!! Balse, miyaanay ahayn in gabadha aan la soo shawro iyo hooyadeedba?
Amiirkii: Billaahi Caleyk!! Ma maato ayaa go’aankeeda lagala tashadaa? Waa ku sidee adeer!! Naag waa loo taliyaa, Alle iyo Rasuulna sidaas bay fareen!! Arrijaalu qawaamuuna cala-nisaa’i miyaanayd akhrin aayadda tidhaahda?!! Caqli iyo garasho ku filan ma leh dumarku, talana waa tii ina ragg u gooyo uun!
Samatar: Adeer waa run… oo aayaddu waa sidaas. Haddana yaynaan maroojine, sow qoysku in uu isku tashto ma aha intii wax la qabsi lahaa, oo dhibaato ka iman lahayd… ya..ee.. ya.. ?
Amiirkii: Laa, Laa!! Cammii caqligaaga liita ee jahligu ka buuxo Qur’aanka halla doonane. Sidii aabbayaasheen iyo awowyadeen ugu dhaqmeen ayaa innagu waajib ah. Uunkii diinta innooga horreeyayna sidaas ayay ugu dhaqmeen. Adigoo aan ka labba labbeyn miyaad ii diiday mise waad i siisey?
Samatar: HAA! HAA! Waan ku siiyey amiir. Waan ku siiyey. Bilaa meher weliba ayaan kugu siiyey, ee fadlan mar uun i fasax, shaahiin hore ayuu ka fuuqsadey.
Amiirkii: Baarakallaah Xaaji Samatar! Waa sidii lagaa rabey hadalkaasi. Berri galab salaadda casar ayaa lagaa rabaa inaad masjidka timaadid, si aad farjiga Baxsan iigu xalaaleysid. Alxamdulilaah, immikana waad fasaxantahay. Nabaaddiino!!
Qalinkii: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: abdifatahbarawani@hotmail.com