Gar-gaarkii Faqiirka Iyo Garashadii Taajirka: Sawirkii Saamaynta Yeeshay Ee Bedelay Nolosha Islaantii Faqiirka Ahayd (WQ: Fadxi Greenford)

“Gar-gaarkii Faqiirka Iyo Garashadii Taajirka”

Sawirkii Saamaynta Yeeshay Ee Bedelay Nolosha Islaantii Faqiirka Ahayd

•~Gar-gaarkii Faqiirka

Plaxedes Dilon’ Waa Ayeeyo 71-Jira Oo U Dhalatay Dalka Zimbabwe 🇿🇼’.

Waa Ayeeyo Ku Nool Nolol Hoosaysa Oo Fakhri-Hadheeyey, Waxay Nolol-Maalmeedkeeda Kala Soo Baxdaa, Dharka Mustacmalka Ah’ Ayay Ku Iibisaa Wadooyinka Suuq-Yada Waa Weyn Ee Dalkaasi’.

Waxay Ku Korisaa Ubad Noloshuna Aad Bay Ugu Adkayd Maadama Ay Tahay Waayeel’ Oo Ay Gaadhay Da’ dii Daryeelka Iyo Xanaanaynta.

Hadaba Islaantan Ayaa Waxay Soo Jiidatay Indhaha Iyo Quluubta Shucuubta Caaalamka Kadib Markii Ay Samaysay Arin Aad U Cajiiba.

Dalkeeda Zimbabwe 🇿🇼’ Waxaa Ku Dhuftay Bishii March’ Duufaan ( Cyclone)’ aad U daran Oo Samayn Laxadleh U Gaystay’ Dadka Dalkaasi.
Hadaba Waxaa Jiray Gurmad Dadkaasi Loo Fidinayey Oo Aan Loo Kala Hadhin Shacab Iyo Dawladba. Gurmadku Wuxuu Ahaa (Karaankaaga Keen).

Dilon Waxay Radio 📻ga Ka Dhagaysatay Masiibada Ka Dhacday Dalkeeda’, Aad Ayayna Ugu Damqatay Dadkeedaa Dhibaatadu Soo Food-Saartay’ Waxaanay Go’aansatay Inay Caawiso.

Hadaba Islaantan Aya Ku Noolayd Caasimada Harare Iyadoo Masaafo 10-Mayl Ah’ La Soo Lugaysay Jawaan Culus Oo Ay Ka Buuxaan Maacuuntii ( Agab-Guri) Gurigeeda Ay Ku Isicmaalaysay’ Iyo Dharkii Ay Iibinaysay Maalintaa Oo Dhan’ Waxaanay Keentay Goobtii Deeqda Gurmadka Lagu Ururinaayey, Iyadoo Madaxa Ku Siday Jawaanka.

Iyadoo Aad U Daalan Oo Wixii Ay Dhamaan Hanti Haystayna Goobta Keentay Ayaa Saxafiyiintii Ku Sugnaa Goobta Ka Qaadeen Sawir Saamayn Weyn Yeeshay٠ Isla Markaana Nolosheediina Is Bedel Weyn Ku Sameeyey.

•~Garashadii Taajirka

Intaas Kadib Ayaa Waxaa Baraha Bulshada Iyo indhaha Saxaafadaba Qabsaday Sawirkii Iyo Dhacdadii Islaantii Faqiirka Ahayd Ee deeqsiyada Ahayd.

Waxa Uu Warkii Fidaba Waxa Uu Gaadhay Billionair’ka Kaalinta Sideedaad Kaga Jira Maal-Qabeenada Qaarada Afrika Ee U dhashay Dalka Zimbabwe 🇿🇼’ Ee Lagu Magacaabo’ “ Strive Masiwiya” .
Aad Ayaa Uu Ula Dhacay Damiir U Damqashada Islaantaa Waayeelka Ah’ Ee Ku Deeqday Wixii Gosheeda Iyo Gacanteeda Ku Jiray.

Maal-Qabeenka Ayaa Waxa Uu Kusoo Qoray Bartiisa Facebook “ Waxay Samaysay Mid Kamida Falalka Ugu Qaalisan Ee Naxariseed Ee Dunida Ka Dhacay”

Waxa Uu Go’aansaday Inuu Caawiyo Islaantan Oo Ah’ Qof Dahab Ah’ Waxa Uu U Sameeyey Maal-Qabeenku Islaantii:-

1- Inay Bil-Kasta Qaadato $1000- Oo Mushahara’ Intay Nooshahay

2- Inuu Uga Dhisayo Guri Bangalo’ Ah Meel Kasta Oo Ay Dalbato’ Gurigaas Oo Leh Biyo Iyo Laydh Hab-Casriya U Soo Baxaya.

3- Waxa Uu U Sheegay Inuu Siinayo Lacag Fara-Qabsiya.

4- Inuu La Kulmayo Hadii Ay Iyadu Raali Ka Tahay’ Una Mahad-celinayo.

5- Waxa Uu Sheegay Inay Siinayaan Abaal-marin Gaara Oo Ay Mutaysatay.

6- Waxa Uu Sheegay In Shirkadiisa Oo ahayd Tii Gurmadkan Gacanta Ku Haysay Oo Bixisay Deeqo Badan Inay Ka Qiimo Badantahay Intay Hooyadani Ku Deeqday’

“Waayo Anigu Hantidaydii Qayb-Yar Ayaan Ku Deeqay Se Iyadu Wixii Ay Haysatay Dhamaan Hanti Way Bixisay Oo Midh Kamay Soo Tegin”

Fadxi Greenford