Maalgashiga denbiyada! (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Bederi)

Gefku waa camal aan Aadmiga ka fuqin, dadka se waxa ugu qiimo badan qofka gefafkiisa la tirin karo.

Waxana ugu ayaandaran kuwa waxtarkooduba yahay tirinta, weynaynta iyo faafinta khaladaadka kuwa gefafkooduba tirsan yihiin!

Waxa aad arkaysaa mid hal kelmad oo isaga gef ugu muuqatay kala soo dhex baxay hadal nin caalim ahi yidhi, caalimkaas oo khayrkiisu baahay, waxtarkiisa iyo islaaxintiisu faaftay, cumrigiisa iyo cilmigiisaba geliyey toosinta bulshadiisa.

Kan caalimka muslixa ah kelmadda gefka ka soo qaadanayaa weligii caalimkaas wanaag kama sheegin.

Nasiib darro qofka noocan ahi waxa uu leeyahay dabciga dukhsiga oo ma arki karo wax aan meel bugta ahayn, maya, dukhsigu denbi ma laha dabcigiisaa sidaas ah, kani waa xume doon, waa shar faafiye khayr qariye ah!

Hambalyo ayaan leeyahay dadka samaha ku caan baxay ee gefafkooda xasanaadka loogu maalgelinayo, waxa aan is leeyahay gefafka yaryar ee idinka dhaca denbiga idinka soo gaadha waxa ka badan xasanaadka aad ka helaysaan kuwa gefafkaa aflagaaddooyinka ku dara ee sii baahiya.

Walaalayaal aynnu nafaheenna u tudhno oo yeynaan abaal la’aan xasanaadkeenna dib u cunin.

{أَتَوَاصَوْا بِهِ ۚ بَلْ هُمْ قَوْمٌ طَاغُونَ -53- فَتَوَلَّ عَنْهُمْ فَمَا أَنتَ بِمَلُومٍ -54- وَذَكِّرْ فَإِنَّ الذِّكْرَىٰ تَنفَعُ الْمُؤْمِنِينَ-55}الذاريات.

Waa iga waano midhkaasi.

Dr-Abdulqani Hussein Bederi