Garaad badnaanta guud (IQ), waa midd sababta in ardaydu ay waxbarashada ku kala fiican yihiin, iyo in shaqaaluhu ay hawlgudashada iyo hal abuurka shaqo ku kala horreeyaan. Laakiin sida uu buugga โ๐๐ฆ๐จ๐ญ๐ข๐จ๐ง๐๐ฅ ๐๐ง๐ญ๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ ๐๐ง๐๐โ ku doodayo, garaad badnaantu ma aha waxa kuu fududaynaya in aad nolosha guulo ka gaadho, tusaale ahaan kaama caawinayso in aad guulo ka gaadho shaqada. Halka fariidnimada dareenku (Emotional intelligence) ay kaa caawin karto guusha, maadaama oo ay kuu furayso kartida aad xidhiidh fiican ku abuuri karto, ama naftaada sida ugu qumman bulshada uga iibin karto.
Malaha waa sababta aynnu u aragno qofkii in isaga oo waxbarashada kaalmaha ugu sarreeya ka gala, haddana aanu awood u yeelan in uu la yimaaddo hal-abuur ama uu kaalin muuqata ka galo bulshada. Waxaaba dhacda in uu marti u noqdo ama u shaqeeyo, dad xilligii waxbarashada kaalmaha hoose ku jiray, balse fariidnimadooda dareenku sarraysay oo la yimid hal abuur iyo galaangal bulsho oo tiisa ka fiican.
3. Maskaxda qaybteeda qiirada / caadifadda
Maskaxda qaybteeda sare ee bannaanka soo xigta ayaa ka masuul ah qaadashada goโaamada maangalka ah, halka qaybta hoose ee maskaxdu ay ka masuul tahay goโaamada qiirada ama caadifadda ku dhisan.
Hadba qayb ayaa awood badan ama qofku ka faaโideeyaa isticmaalkeeda. Laakiin haddana waxaa marar badan dhacda in ay ina sirto maskaxda qaybteeda qiiradu oo aynu si fudud u qaadanno goโaamo caadifadeed. Xitaa iyada oo laga yaabo in aynnu ka mid nahay dadka ay ku badan tahay in aanay arrimaha dareen caadifadeed ku eegin.
Arrintani waxa ay ina tusaysaa in labada dareen ay mararka qaarkood is weydaaran karaan, oo qofku dareenkii lagu yaqaannay mid aan ahayn adeegsado.
4. Dareenka dadka kale
Dareenkeenna caadifadeed ayaa inoo suurtageliya in aynnu fahamno ama akhrisanno shucuurta qofka kale. Haddii aad is aragto in aanad kala saari karin dareenka qofka kula hadlayaa cadho iyo farxad, caloolyow iyo niyadwanaag midda uu qarsanayo, waxaa run ah in xidhiidhkaaga bulsho uu halis u yahay fawdo iyo xaalad aan fiicnayn.
Ku dadaal in aad isku tababarto dareenka caadifadeed ee dhinaca xidhiidhka bulshada, waayo waa dareen aynnu maskaxdeenna ku tababari karno.
5. Dhiirrigelin
Dhiirrigelinta nafsadeed ee aynnu qabnaa waa midda inoo suurtagelinaysa in aynnu muddo dheer u dulqaadan karno dhibaatooyinka innaga horyimaadda. Dhiirrigelintaasina waxa ay dadka ugu kala badan tahay sida ay u kala fariidnimo badan yihiin dhinaca dareenka (Emotional Intelligence).
Garaadbadnaanta dareenka ayaa innagu abuuraysa dareen ah in aynnu isku qancinno in dhibaatada ina haysata aynnu xal u heli karno. Waa sababta aad u arkayso qof badweyn dhibaato ah dhex dabbaalanaya oo haddana niyad fiican, rejo wanaagsanna mustaqbalka ku qaba.
6. Xidhiidhada
Xidhiidhada lama jaro ee waa la maareeyaa. Waxa ay u baahanyihiin isu dulqaadasho labada dhanba ka imanaysa. Laakiin haddana dhinac keliya ayaa maamuli kara, se haddii uu yahay qof xariif ku ah xallinta khilaafaadka, waana faaโidooyinka laga helo fariidnimada dhinaca caadifadda.
7. Dareennada togan iyo kuwa taban
Dareennadeennu ilbidhiqsi kasta waa ay is beddelaan, laakiin khatartu waa marka dareenka tabani uu muddo dheer wehel inoo noqdo, waxa uu saamayn taban ku yeeshaa nolosheenna. Waxa uu innaga hor istaagaa in aynnu guul ka gaadhno shaqada iyo xidhiidhada aynnu leennahay. In aynnu dareen togan ama mid taban la noolaanno duruufaha keena laakiin waxaa loo kala maarayn ogyahay sida loo kala fariidnimo badanyahay dhinaca caadifadda.
Waxaana nasiibwanaag ah in dareennadaasi ay yihiin kuwo aynnu beddeli karno, oo aynnu baran karno sida dareenka taban loogu beddelo mid togan.
W.Turjumay :Kamaal Marjaan
Bandhige@gmail.com