Garaadada Sool: Ma Xabbad Joojin Ayey Ku Dhawaaqeen Mise Xeeladaysi Dagaal? W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Nimanka saddexda bilood laga baryayey xabbada joojiya oo nabad qaata, ayaa maanta si fudud u yidhi xabbad joojintii kooxdii Muqdisho ka timid ee Farmaajo u fataali jirtay ayaanu aqbalnay. Waxa lagu micneyn karaa xigmadii Soomaalida ee ahayd” Ciyi waa ka baryey”. Hadalkaasi dhab maaha ee waa dhalanteed.

= Waxa ay xabbad joojinta ugu dan leeyihiin inay sameeyaan xeelado ay magaaladda gudaheeda ay dhufaysyo kaga qotaan oo ay guryaha isku wada dallooliyaan si ay ugu dagaalamaan magaaladooda oo ay u burburiyaan. Nuxur ahaana waa diyaargarow xeelad dagaal ee maaha nabad ay qaateen.

= Waxa dhulgariir ku riday hadalkii afhayeenka ciidanka qaranka Soomaalilaan ee uu ku sheegay inay wax ka beddeleen qorshihii dagaalka oo ay iyagu weerar qaadi doonaan, halkii ay saddexdii bilood ee la soo dhaafay ay difaac tudhaale ah kaga jireen fadhiisimadooda.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com