ASKARI:……
Waxaan ahay Madaale aan lagu Tashan, Waxa Wehel ii ah Qorigeyga, Dhirta iyo Huga aan Gashanahay, Waxaan Habeen iyo Maalinba Ku Seexdaa Kunasoo Toosaa Direyska iyo Tuutaha aan u Xidhanahay illaalinta Nabadda iyo Jiritaanka Qaranka, Waxa Quud ii ah Cunto Adag oo aan Nafaqo lahayn, Waxaan 6:00am Subaxnimo ku Quraacdaa 1 Xabbo oo Roodhi ah iyo Koob Shaah bigeys ah oo aan maalinka Dhan ku joogo illaa Waqtiga Qadadeyda Lagaadhaayo abaaro 11:30am, Anigoo Quudkeygu Yahay BARIIS billaa Dux ah iyo BIYO Cad, Anigoo Gudanaaya Waajibaadkeygii Shaqo ee Maalinlaha ahaa Kuna jira Heegan Waxa iisoo Gaadha Waqtigii Cashada Goorsheegtuna waa 4:30pm, Waa Waqtiga iigu Dambeysa Wax Cunitaan illaa Subaxnimo laga gaadhaayo. Waxaan ku taaganahay Xaq kuna Shaqeeyaa Daacad, Ma helo Adeeg ii Gaara oo aan Meel iyo Magaalo Aan Wax kaga Doonto Waayo Waxaan Sugaa Muddo 30cisho ah Mushahar dhan 500,000Sl ah. Kii xaasleh ee Caruuri u Joogto Warkiisa Xaalkiisa u Dheer. Waxaad Ogtihiin in noloshu Qaali tahay oo kii Ubadlehi ay ubadkii Waxbarasho iyo waxey ku Noolaadaan ay U baahanyihiin. Iyadoo aad Kawrqabtaan ASKARI iyo Xaaladda Ku Gedaaman Waayihiisa Waxaa ii Dheer Waxaan jooga oo aan Ku Noolahay Jiid iyo Furin NUUGAAL iyo GUBAN Ah oo ay Colaadi ii Dheertahay, Waxa Kugu Yaraaneysa Hurdo Iyadoo aaney Jirin Nafaqeyn Haba Yaraatee. Waxaan ahay Muwaadin ay Waddaniyadu Dhab Ka tahay Markaad eegto Xaaladahaas aan kor ku xussey Ee aan U leeyahay Dulqaad iyo Adkeysi Kuna Qanacsanahay.. Maanta oo Ay Bishu Tahay 30.08.2017 Waxaan Fikirkeyga Iyo Xog wadaag Lajecleystey inta Samaha jecel ee Muwaadinimadu Dhab ka tahay.
SHICIBKA IYO DAWLADDA:-
Mudanayaal iyo Marwooyin Ma Ogtihiin in 6dii Billood ee u Dambeysey Ay innaga baxeen 12Sarkaal oo kamid ahaa Ciidanka Qaranka Jsl. oo isugu Jira ”Gaanshaale Sare. G. Dhexe, Gaashasnle, Dhamme, iyo 2xidigle.”
Badankoodu Waxey U dhinteen WADNE XANUUN.
Mudanayaal iyo Marwooyin Ma ogtihiin in Maanta Ugu Yaraan 8 Sarkaal oo Kamid ah Madaxda Ciidanka Qaranka Jsl, CEERIGAABO, BURCO iyo HARGEYSA oo ay Qoysaskoodu ku kala Noolyihiin ay Xaalado Caafimaad Darro u jiifaan Guryahooda, Iyadoo aaney Madaxdii Dawlada iyo Qarankii ay illaalinta Nabaddiisa Dhiigooda u Huraayeen Aaney War kaheynin.
Mudanayaal iyo Marwooyin Ma Ogtihiin in Dayac weyni uu Heysto Ciidankeenii Qaranka oo Maalinba Maalinta kadambeysa Laga Deyrinaayo Xaaladoodii Caafimaad oo khatar ah. Sida Maskax iyo Madax Xanuun oo ay Tayfoodhi Weheliso, Dhiigkar iyo Macaan oo uu Badhkood WADNE Xanuun Weheliyo, Gaasteri iyo Calool olol Iyo Kuwo kaloo Badan.
Waxaad Moodaa in aanu illaalinayno Hanti iyo Dhulkii Qaranka oo Niman Shaadh Madaxnimo Gashan ay iska Xalaashadeen oo aanan Waxba Ka ogeyn Waxna la noogu Qabanaheynin……………..Wallee Cidina Nooma Maqna Ceelna Nooma Qodna…….(”Illaahow Ka Qabo ka U fulinaaya iyo ka Hungureynaayaba Dhulka iyo Lunsiga Hantida ay Dhiigoooda u Qubayaan” Inkaari Haku Dhacdee)…….Aamiin Aamiin…..
Xogtaa kadib Waxaan CODSI iyo TALO Usoo jeedin Lahaa Madaxweynaha Qaranka JSL.
Mudane Madaxweyne:-
1. Mar Hadiiba Hantidii Maguurtada ahayd ee Qaranka la iibinaayo Hadhka Cad, In Saraakiisha Ciidamada Ee Xannuunada Hadda Wax laga Qaban karo Lawada Jiifta Wax halloogu Qabto iyagaa Uga Xaq Mudan inkaar ku dhacdeygan Xilka Dawladda u Haya ee Dillaalka iyo Dabadhilifka ah…….
2. In Lacagtii Dillaalista Dekedda BERBERA iyo Xaqoodaba ay Ku hellaan Adeeg Degdeg ah iyo Daryeel Caafimaad oo Buuxa Ciidamaddan Dulmani.
3. In Dibu Habeyn Iyo Qalabeyn Lagu Sameeyo CUSBITAALKA MILLITERYGA. Si ay Adeeg Caafimaad oo Buuxa Maruun u Helaan kuwa Bukaan Socodka ah ee Dalka Gudihiisa Wax loogu Qaban karo, Waayo Waxaad Arkeysaa in Cusbitaalladii Privateka ahaa ay 100% ka Adeeg iyo Daryeel Fiicanyihiin Kuwii Ciidamada. Tallow Xaq Miyaaney Wadanka ku lahayn.
4. In WAREEGTO Warqad Aad noogu AmartoMassuuliyiinta WASAARADDA CAAFIMAADKA Sidii Amar Gacansiin ah Loogusoo Rogi lahaa Dhammaanba Xarumaha iyo Cusbitaallada Gaarka loo leeyahay inay Adeeg Gaar ah U Qabtaan Mudnaanna siiyaan Ninka Sarkaalka ah illaa Ninka Askariga in Loogu shaqeeyo Xaalad DegDeg ah oo bilaa Kayuu ah. Waayo Annagu Shacabka iyo Dhakhaatiirtaba Waxaanu Siinnaa Ixtiraam, Mana noo fuliyaan Abaalka aanu Ugalno.
La soco…….
WABILLAAHI TAWFIIQ.
ALLAA MAHAD OO DHAMI USUGNAATEY..