Siyaasi Xume (WQ: Cabdimajiid Iid Aaden “Dhinbiil”)

 

Kolkasta oo ay soo dhawaato wakhtiga la qabto doorashada dalkeenan Soomaalilaan waxa soo ifbaxa siyaasiyiinta kuwa ugu xun ee waliba ugu daran haday yihiin kuwo umadda hantideedii cunay , kuwo intay joogaan aan waxba arag ee markay meelkale u kicitimaan dhaliil oodda ka soo qaadaya, iyo kuwo kaleetoo intay laba shaadh kuu soo xidhaan kolba mid kuugu soo qadhaab doonanaya i.w.m.  .

Haddaba waxa is weydiin leh maxaa sababay in ay arintani dhacdo sannad walba oo doorasho laqabanayo marka xilligan oo kale la gaadho ?

Jawaabtu waxay tahay dadkeena ayaa ah kuwo dulmiga , cadaalad-darada, khiyaanada , boobka iyo qof-jeclaysigaba  jecel oo kii ay ogaayeen inuu shalay soo liqay hantidoodii iyo tii umadda kaleetaba maanta marka uu markaleeto soo noqdo iyaga uun weeyi kuwa u sacaba tumaya ee soo dhawoow masuul taa haye ,markaa miyaynaan innagu sababteeda lahayn in wax-walba oo xun oo aynu hadhow ka cabanaaba inay inagu dhacan.

Jawaabtu waa haa, waayo mar hadaynaan waxna doonaynin waxna diidaynin ma inagaa dad noolba ah.

Intaa hadaan halkaa kaga imaado waxa kaleeto oo jirta in dadka intooda badani ay indho ku garaadle yihiin oon caqligoodu shaqaynin, marka ay wax dooranayaan iyo marka ay wax ka falcelinayaanba iyagoo mabda’oodu ku salaysan-yahay reernimo iyo tolnimo , taasina waxay keentay in ninka siyaasiga sheeganayaa isagoon aqoon buuranba u lahayn siyaasadan uu ku dhex jiro ee uu sheeganayo inuu ku xeeldheeryahay uu ugu soo gabbado xaga tolnimada iyo reernimada oo tollaay yaa tolkayaay waar ii kacaay , hala I doortooy soo odhanayo intaa kabacdina dhalin iyo cirroolaba mar qudha lawada boodayo balse aan la odhanaynin maxaad aqoon leedahay, maxaad qaban kartaa, shahaado nooceeya ayaad sidataa iyo maxaad baratayba, balse reernimo ay ina madax-martay kudarsoo walibana reer waliba kuu u taagi waayay ayuu shaqo dawladeed  soo qoorayaa haday tahay Xildhibaan , Askari , Gudoomiye , wasiir  i.w.m.

Guntii iyo gunaanadkii waxaan odhan-lahaa ama ku talinlaa inta garaadkaya waar aynu noqono ummad ka madaxbanaan qabyaaladda iyo qof jeclaysiga oo aan noqona kuwo qalinkooda ku meelmara oo horumar ku gaadha.

Waxa qorey: Cabdimajiid Iid Aaden – Dhinbiil

Eemail:Cabdimajiidiid@gmail.com