Garnaqsi Haween (WQ:Cabdiqaadir Dayib Askar)

“ Haddaan Gari Kula Jirin, Illayn Noloshu Guul Ma Leh.” – Hadraawi

Gogol dhig:

Haweenku waa udub dhexaadka nolosha. Waana lafdhabarta jiritaanka iyo waaridda bini-aadmiga. Macnaha dahsoon ee ragga loogu lammaaneeyey, ka sokow in la tarmo, waa in ay noloshu dhadhan yeelato. Haweenku waa warshad wax soo saar . Waxa ay ababisaa hooyadii iyo aabbihii berrito. Siduu wax soo saarku ugu kala duwan yahay tayada iyo tiradaba, ayuun bay haweenkuna kala siman yihiin. Haweenku waa baadi sooca bulsho ku dhaadato. Hagaagiddoodu waa bulsho horumarkeeda. Hallawgooduna waa heermid bulsho idil. Taasaana keenaysa in dumarku saamayn ku yeeshaan doc kasta oo nolosha ah.

Dhanka kale, haweenku waxa ay door lama ilaawaan ah ka ciyaaraan ababinta, kool-koolinta iyo tusmaynta ubadka. Waxa ay jaro-baraan ubadkooda sidii ay u noqon lahaayeen kuwo himilo dheer, oo hilinka toosan qaada, hantana mustaqbalka sugaya. Dumarku waa garabka ninka, siduu isaguba u yahay gaashaankooda. Waxa ay hareeraha la qabataa hawlaha adduunyadda, lanna handaafisaa si hagaagsan ilaa inta u hadhsan. Xisaab ahaan, dumarku waxa ay saamigal qumman la yihiin ragga. Inta ka dhiman raggana ,iyagaa dheellitira. Doorkoogaasi toolmoon, ee taabanayaa dhinac walba oo nolosha ah, ayaa ka dhigay kuwo halhays laga dhigto si qof iyo kooxba, midba sidii uu doonayo ugu muraad qunsado.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo intaa kor ku xusan laba Cali ku murmayn, ayaa haweenka laga dhigtaa abbaar laga duulo, oo si fool xun loogu tagri falo, iyadoo looga gol leeyahay in bini aadminnimadda dhabarka laga jebiyo, noloshana lagu macno tiro. Hore iyo dambeetaba, inta dadka qaar dunida horumarkeeda hindiwaasayeen, ayey in kalena hoos u dhicideeda hadafkoogu ahaa. In kasta oo ayna tani la yaab lahayn, la odhan karana waa mid ku lammaan wacdaraha waayaha sanku neefluhu leeyahay, ayaa waxa hadanna xusid mudan inta afkaarta qarriban, ee wada qalloocan dabada ka riixaysa ee dumarka marin habaabinaysa. Dawga toosanna ka duwaya.

“Dheddigaynta” amma afka qalaad sida loo yaqaan “Feminism” waa aragti-falsafadeed, oo salka ku haysa is-barbar bulsheed, oo looga gol leeyahay in sinnaan si walba ah looga dhex abbuuro ragga iyo dumarka. Waa in fal iyo fakar kasta oo la sameeyo, laga eego in ragga iyo dummarku si siman qayb uga yihiin.

Arragtidan, oo haddii hal-abuurkeeda diinta lagu sidki lahaa, noqon lahayd mid korniinka garaad iyo wada-noolaanshaha bini-aadmiga danni ugu jiri lahayd, ayaa u muuqata in lagu curinayo iska-horimaad nololeed, oo ina faraya in dib loo qaabeeyo, loona qeexo doorka diimeed ee ninka iyo naagta. Waa araggti-bulsheed oo weydiin gelinaysa habka diimaha samaawiga ahi uga hadlaan ‘doorka gabadha ee bulshada dhexdeeda’.

Maanta, si ba’an ayey saamaynteedu inoo soo gaadhay [Geyiga Soomaalida], fasirkeeda khaldan ee raggga iyo dumarka goradda layskugu gelinayona, wuxu in oo horseedi karaa burbur bulsheed iyo macno- beel ku yimaad qiyamkeena suubban ee diinta Islaamka saldhigga u tahay.

Bal in yar u fiirso, siday guryaheenna uga heesayso, dhaantadana ugu ciyaarayso? Qoys burbura ayuun baana qaran qalloocda keena. Arrintani in ay dunida surbacaadiso ku dhaw ayaa in la daraasadeeyaa mudan, si bal dadkani u heesaya uga digno khatarteeda iyo mustaqabalka meeshay ina gayn karto.

Yaa ku gaasiray, gabadhyahay?

Waa weydiin kal sugan, sidoo kalena jawaab u qalanta leh. Ka hor soo ifbixii Islaamka, markaad taariikhda dhankan iyo dhinacaasba u jeedaalisid, waxaa ku soo hormaraya ilbaxnimooyin guun ah, oo goortii ay lahaayeen laastay. Uma dan lihin, siday u dhasheen iyo dhimashadoodii midna, bal se waxaa aynu wax ka bilaadhsanaynaa hab-nololeedkoodii guud, gaar ahaan dumarka siday ula dhaqmi jireen. Xaddaaradii Baabiloon, tusaale ahaan, haddii nin gabadh dilo, halkii isaga in laga gooyo ay ahayd, ooridiisaa birta laga asli jiray si loogu aaro midda la dilay. Sidoo kale, tii Giriigu waxa ay dumarka u haysteen in aanay bini aadmiba ahayn, loona adeegsan karo sidii kolba la doono. Ka ganacsiga haweenayda jidhkeeduna waxa ay ahayd mid laga wada raalli ahaa dhamaan qaybaha bulshadu. Roomaanku iyagu waabay ka sii xag jireenoo, ninku naagtiisa xaq buu u lahaa goortuu doono in mindida mariyo, ha ahaato marka ay qurux beesho, gabaw la darso iyo haddii kaleba. Carabtii horena dumarka waxa ay gaadhsiiyeen, heerkii ugu xumaa ee nolosha, iyagoo dumarka xabaal ololin jiray. Adoon siday doonaan ugu danaystaana u ahayd.

Kaba soo gudub kuwaas, waxaa lagu doodi karaa dunidu waa giraan wareegaysee, maxaad maanta shalay uga door biday? Sida hore loo yidhi, taariikhdu way isa soo celisaa. Dhib iyo dheefteedana dib baa loo dhaadaa. Ammintu tii shalay way ka duwan tahay si kastaba, waxaase is weydiin mudan, tolow dunidani tanaaday, ee tiknoolajiyadu hadlayso, maxaa qiimihii dadku lahaa heeray? Dabcan, Galbeedkani ina hor yaacaya, ee indho la’aanta ay dad badani ka daba ambadeen, iyaga qudhoodubu bal maxay kuwaasi kor aynu ku soo sheegnay kaga duwan yihiin? Hadaanay kuwaasi kaba liidan, waa la siman yihiin. Waxa ay ku doodaan dumarkaanu xoraynaynaa. “Baraarugii Dumarka” ayey halheys ka dhigtaan. ‘Xoraynta’ ay hadal hayaan maaha wax sii dhafsiisan, liidida gabadha dabcigeeda, ka xayuubinta xurmadeeda dumarnimo, iyo u adeegsiga sidii aalad lagu raaxaysto. Waxaan shaki ku jirin in gabadha reer Galbeed la gaadhsiiyey heer ay iyadu ummado dhan mindida daabkeeda u qaban karto, taasoo ay u soo mareen halgan dheer oo qadhaadhaa, in ka badan 200 sannona socday. Haba yeeleen sidaase, sow dharaarta kama cadda in noloshii qoyskeeda lumisay, xasilloonidii ka dheelmatay, sharafteediina sida dharka uga siibantay, furniinkii faraha ka baxay, dhalmadii yaraatay, dambiyadii carruurta soo koraysayna libinlaabmeen? Ma madax aan noqdo, ayey gabadhaasi bulsho idil hoosta xadhkaha ugu goynaysaa, si ay u qarqoomaan? Haa haddii ay tahay, haba sameeyeen, la arki doonee waxa ay ku dambeeyaan’ e.

Haddaba, Islaamku wuxuu horseeday kacaankii abid “ Dunida Ilbaxday” soo mara. Wuxuu daaha ka rogay xuquuqdii aasnayd ee dumarka. Wuxuu Islaamku dumarka ka dhigay marwooyin lagu majeerto xurmada iyo xishoodka. Wuxuu saaray heenso qurux badan oo meesha ka saaray dumarkii hoosta loo eegi jiray, lana addoonsan jiray. Hooyada ayaa aabaha laga fadilay. Ma soo koobi karo qiimaha iyo qaayaha uu Islaamku dumarka gaadhsiiyey. Ka dheeho taariikhdaynu lahayn, haddaynu muslim nahay. Sow cibro iyo shay wax lagu qaato ma ah? Islaamku wuxuu dumarka gaadhsiiyey maqaan sare oo sugan. ‘Haddii jannada hooyada gondaheeda laga helayo’. Ma meel dheer bay jirtaaba? Wallaahi mayee, innagaa is gabnay. Waa taas diinteenna suubaniye, iyagu ha keeneen maqaan kaasi ka sareeya, haddii ay jinni iyo insiba madal isugu keenaan? Xaasha! Ha ka yaabin.

Garwaaqso Xaqaaga:

Aalaaba sida dhacda, dadku waxa ay isu qaldaan diinta iyo dhaqankeena Soomaaliga ah, waxa ay moodaan in ay ul iyo diirkeed yihiin. Xaqiiqaduse taas ka dheer. U soo noqo Soomaalida, waxaa lagu tilmaamaa bulsho 100% Islaam ah, waxaase inagu dheer dhaqankeena marka la barbardhigo diinteenna. Dhaqankeennu waa wanaag iyo xumaan, labadaba, mid la saaxiib ah. Diintuse waa u waxtar iyo toosin aadmiga intuu ifka ku sugan yahay. Dhinaca kale, meelaha qaar, gaar ahaan arrimaha dumarka ku saabsan, waxaad is odhanaysaa show illayn Soomaalidu “Casrigii Aqoondarrada” ayey dhex guur guuranayaan? Gabadha isir ahaan Soomaaliyadda ahi, Islaamkana ku abtirsataa, sida marar badan dhacda in labadaasi kor ku xusani isaga eekaadaan. Halkaasi oo ah meesha wax weliba ka qalloocdo, ee maanta rag iyo dumarba laysku xifaalaynayo. Gabadhaheennu yay u macnaysan in Islaamku wax ka dhiman yahay, ee dhaqankaas abaaday baan dheelitirinay oo sinnaantu ka dheer tahay. Maankanna geli in Alle yahay ka sargooya xuquuqda rag iyo dumarkaba, ee nooluhu waxba kala asoori karin, awoodna aanay u lahayn taas.

Gabadhyahay diintu waxa ay xaq kuu siisay in aad wax bartid, adigoo dhawraya wax kasta oo diinteenu ina fartay, ka dheeranayna taasi lidigeeda. Waxaan mugdi saarnayn, in marwada garashada dheeri, aqoonta diimeedna lehi, in aanay keliya ahayn muftaaxa guusha qoyska, waxa ayse ka turjuntaa ta qaranka ee guud. Marag ma doontuna waa in marwadaasi soo saarto dad waxtar badan oo bulsho dhan horumar u hor kaca. Horaa loo yidhi, ‘gabadh waxa baratay waa ummad wax baratay’.

Gabadhyahay waxaad xaq u leedahay inaad hanti gaar ah si xalaal ah u kasban kartid, xilligaad doonto korodhsan kartid ammase aad kala daadin kartid, adigoon weliba cidna kala arrinsanayn, amma ahow marwo la qabo amma gashaanti gayaankeed goobaane. Waad shaqaysan kartaa adigoo waafajinaya waxa ay diinteenu ka qabto nooca shaqadu ay tahay. Shaqaddu waa in aanay ahayn mid la xaaraan timeeyey ka shaqaynteeda, tusaale ahaan khamri iibinta iwm. Mid aan ragga iyo dumarku is dhex yaacayn, xad kala soocaana jirin. Waa in gabadhu aynigay doontaba ha ahaatee dhawrtaa hubqaadkeeda dhar xidhasho sida diinteenu ina farayso. Dhaxal waxaad u heshona ee Mawlahu kuu gooyayna adigay kuu gaar tahay, go’aankeedanna adigaa leh.

Gabadhyahay waxaad xaq u leedahay ka badan wax halkani lagu soo wada bandhigi karo. Waa mid ku faran inaad si asluub Islaameed huwan u baadi goobtaa. Ha u habran in aad cid kale ka sugtid. Aqoontaad yeelanaysaana waa inay kuu hagtaa sidaad taasi daaha uga faydi lahayd. Ogsoonow inaad wax dooran kartid, kanna qayb qaadin kartid xeer dajinta iyo is dhaafsiyadda aaradda togan. Inta kor ku xusan ka sokow, intaanu qallinku soo gudbin baa ka badan. Baraarugsanow , baadi goob, bayaami, kalana baadhee xaquuqdaada aasaasiga ah.

Ma gudhin, mana gaagixin, kaalintaydiina maan gabin:

Qallin caardiisa lagagama bogan karo doorka iyo kaalinta haweenku mujtamaca ku dhex leeyihiin. Sidoo kalena ka mug weyn wax qoraal lagu soo wada bandhigi karo. Bal aan soo ergisto, hawraartii qiimaha lahayd ee Abwaan Axmed Aw-geedi.

“ Nin kastoo dul qaataba,

Dumar baa bar-baarshoo,

Nin kastoo dadnimo leba,

Dumar baa kabaayoo,

Nin kastoo bah deeqaba,

Dumar baa kal-kaaloo,

Nin kastoo la doortaba,

Dumar baa u hiishoo,

Nin kastoo hal-dooraba,

Dumar baa u hiil galay,”
-Dumar Waa Ma Dhaafaa

Filan maayo in aynu marnaba ka habaabi karno doorka dumarka leeyihiin waayo tixdan baa si dul ka xaadis ah u koobsatay. Si kastaba haloo rog roggee, dhinac walba halaga istaagee, dumar waa guri. Gurigana weeyi meesha ay wax ka hagaagaan amma ka halaabaan. Geesiga, deeqsiga iyo idil ahaan labeenta raggu waa wax soo saarka hooyo. Ma ah ragga oo keliya, marwada iyo macallimadda noloshuba sow hooyo kama iman?

Haweenaydu waxa ay u horseedaa saygeeda degnaansho iyo xasillooni gaar ah. Rayn rayn iyo murugo kolba kii uu ku noolaanayo iyadaa u go’aammisa. Soomaliduna waxa ay tidhaahdaa, “Nin maalin ma gaadhid, waa ninka kaa faraska wanaagsan. Ninna sannad ma gaadhid, waa ninka kaa beerta wanaagsan. Ninna weligaa ma gaadhid, waa ninka kaa oorida wanaagsan.” Kaalintaas ayey tahay in aynu maanka iyo meelkastaba ku kaydino, kagana dhab sheegno camaladeena, ka sokow tixaha iyo tiraabaha inaga soo baxa.

Dhanka kale, macallinka la laasimo ee qoysku waa hooyada. Waa iyada ta u xilka saarani carbinta, hoga-tuska iyo barbaarinta ubadku. Inani waa hooyadeed. Murtadani waxa aynu ka dhaansan karnaa, haddii hooyada wanaagsani inanteeda si habsami leh u layliso, in ay berri ka maalin iyana reer lagu badhaadho la naalloon doonto. Haddiise kale, dhag xumo laga waaqsan ay soo jeedi karto. Biyo kama dhibcaankuna wuxuu yahay haddii qoyska hooyo hogaamiso qumanaado, qaran dhanbaa qaab iyo qorshe loo dhigi karaa. Waanna taas ta il ku haynta gaarka ah mudani had iyo goor.

‘Lama huraan waa caws jiilaal’. Dumarku waa lagamamaarmaan si la mid ah sida aynaan biyaha la’aantood nololi u suurtoobayn. Meel kasta iyagaa inagaga xeeran. Mar waa hooyo, walaal, habaryar, xaas iwm. Mar hadayba sidaas inoogu meegaarsan yihiin, sow daryeelkoodu innama wada saarna, dayacanna in laga dhawro maaha? Dabcan haa, haddii la doonayo in ay wax hagaagan, oo habow inagu yimaada ka baaqano. Inaynu dharka kala furanaa waa tallo xumo, mid ka weyni aanay jirin. Shaambad inagu oolaysana ahaanaysa.

Guullow maxaa nala gudboon?

Hasaawe dheer, hadafkeenu maaha. In aynu ku hawshoonana, hiigsigeenaa ka weyn. Soomaalidu waxa ay tidhaa, ‘Arrin xumo abaar ka daran’. Hadaynaan yoolkeenu noqon is-dhegaysi, isla-eegid, iyo is-aamin, dunida waxaan dhib iyo hawl ahayn oo aynu ku soo kordhinaynaa haba yaraatee ma jirto.

Rag iyo dumarba waxaa waajib ina wada saaran ah, maadama aynu Muslimiin nahay, in aynu diinteena u soo wada noqo. Xalkana halkaasi laga baadho. Taasi waxa ay inoo suurogelin kartaa is dhis-shaqsiyadeed waayo bulshaduba waa qofaf isku tagay. Magaca “Bulshona” huwaday. Ogsoonow, akhriste, in ‘haani gun ka tollanto’. Ugu horayn, waa in waalidku xaqiisa ah in ubadka wax baro si xilkasnimo leh u gutaa. Maankana ku haynaa in ubad xumaada, diintana ka xuubsiibta, ay mustaqbal xumaada uun leeyihiin.

Meelaha ugu daran ee aynu ka dhutinayno waa inagoon garanayn xaqa qof kastiba leeyahay, ka laysku leeyahay, iyo ka aynu wada leenahayba. Waxa ay tanni inagu sababtaa in aynu is wada xag xagno oo aynu iswada canbaarayno, inagoon hadanna garanayn waxa aynu sidaasi u yeelayno. Gabadha waa in wax la baraa, dookheega xorta ah ee in ay aydu aayaheeda go’aan ka gaadhi karto, dooran kartona lamaanaheeda la siiyaa. Waa in laga waantobaa in si sinaan la’aan ah wiilasha iyo gabdhaha loo kala horumariyo. Haweenayda waa in saygeedu xaqeeda nafaqo dhawraa. Isku soo wada xooriyoo, waa in caqligu ina hago, caadifaduna inaga hadhaa. Guullana halkii roon haynugu simo idilkeenba.

“ Gaasiraada nacabkiyo
Dar gumaysi laasima
Amma gaallo daba gala
Amma goosan baadiya
Allahayow garaadkiyo
Ha ku xidhin waxgarashada”
Garba diir- Shaacir

Gunnaanad:

Waxaan ku soo afmeerayaa, yaan gobannimadda lagu dumin garaadkeenna. Qoraalkan waxaan si kal iyo laab san ugu hibaynayaa hooyaday Hodan Axmed Cabdilahi, ahna barahaygii ugu weynaa ee nolosha, oo la’aanteed kor joogayga dunida guudkeedu macno ii samayseen. Aniga oo dib- u adeegsanaya murtidii Abwaan Hadraaw, waxa aan leeyahay “Hooyoy la’aantaa, Adduunyadu hubaashii, Habeen kama baxdeenoo, Iftiin lama heleen”. Waxaan kale oo aanan iyaganna hilmaamaynin haween weynaha Soomaalida meelkasta oo ay ku sugan yihiin, ee xil gudasho la’aanta ragga maantu wax badan badday. Dumarka inta samaha iyo wada noolaanshaha kalgacaltooyo calanka u sidda. Inta u jeelka qabta in aynu dhaqan ka dhigno Islaamka goor iyo ayaanba. Inta u xusulka duuban aqoonta diiniga iyo ta maadiga ah, labadaba, si ay u anfacdo noloshooda dambe. Inta neceb kala faquuqa rag iyo dumarka. Iyo inkasta oo ka gilgilata darxumada iyo daryeel la’aanta maanta dumarku ku sugan yihiin. Intii hooyooyin ku goblamey dagaaladdii umulo-dooxa ahaa ee sokeeye. Waxaan Ilaahay ka baryayaa in uu xaqa ina waafajiyo dhammaanteen, inna fahamsiiyona Alle wuxuu inagu galladay ee inoo gaarka ah.

Qalinkii: Cabdiqaadir Dayib Askar

University of York

www.abdikadiraskar.com