Garnaqsiga Guddoomiye-ku-xigeenka Axmed Muumin Seed iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro (WQ: Subeer Daahir )

 

Mar labaadna dayrow

Daymadii abwaankiyo

Diiradiisii dheerayd

Daalacan ku soo sheeg

Dakharada syaasigu

Dumadiisa kala galo

Ama doolar kala dhaco

Ama dayn ku kala cuno

Ama daaro loo gado

Ama wacadka daba maro

Baritana hal deeqow

Dafiraadu fududahay

Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa la filayaa in uu ka qabsoomo Hudheelka Maansoor ee Caasimada Hargeysa 19/10/2016, waxaanay sheegeen Guddida qabashada araajida musharixiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne-ku-xigeenka in shuruudihii ay buuxiyeen murashax kaliya oo u tartami doona Kursiga Madxwaynaha oo ah Cabdiraxmaan Cirro iyo laba murashax oo u tartami doona Jagada Madaxwayne-ku-Xigeenka.

Dhacdadan oo ah mid garnaqeeda muddan, waxaana iswaydiin mudan maxaa sobobay in Guddoomiye Cirro aan lagula tartamin hankiisii siyaasadeed ee Murashax Madaxwayne in uu noqdo isla markaana uu kula tartamo Gudoomiye-ku-Xigeenka Axmad Muumin Seed nin Qurba-joog ah  oo la xaqiijiyay in Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu u arko in beesha Murashaxa Qurba-jooga ahi ka badan tahay Beesha Guddoomiye-ku-Xigeenka Xisbiga Waddani waxaanu Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro hilmaansan yahay tacab badan oo dadaal iyo daacadnimo ahaa uu Xisbiga Waddani galiyey Guddoomiye-ku-Xigeenka Axmad Muumin Seed.

Gari laba nin kama wada qoslisee waxaa halkaa  sida dayaxa shan iyo tobnaadka uga muuqata go’aanada cadaalada ka fog ee guddida Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani hor kacayo Maxamad Cabdilaahi Uurcade oo soo saaray laba Murashax oo Madxwayne-ku-Xigeen u tartamaya iyadoo go’aanka Guddida Qabashada Araajidu ay ku kaceen arrin lagu tilmaami karo maahmaahda odhanaysa:

“Rag caddaalad waayaa sidii cawsha kala yaac.”

Iyadoo Xisbiga Waddanina ku keeni  karto sida maahmaahdaasi tilmaamayso bal aynu dul joogsano garnaqsiga labada Guddoomiye ee wada Aasaastay Xisbiga Mucaaridka ee Waddani.

 

Garnaqsiga Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro

Xisbiga Waddani aniga ayaa ah Aasaasaha Koowaad waxaanan doonayaa in aan Madaxwayne noqdo markaa waxaan u baahan ahay Murashax Madaxwayne-ku-Xigeen oo Beel wayn ka dhashay oo cod badan ii keena, Guddoomiye-ku-xigeenkayguna Axmed Muumin Seed waa masuul ila soo shaqeeyey oo qadarin iyo qiimayn wayn agtayda ku leh waxaan u balan qaadayaa Wasiirka uu doorto ee xukuumadayda balse Madaxwayne-ku-Xigeenka ha is ka daayo.

Garnaqsiga Guddoomiye-Ku-Xigeenka Xisbiga  Waddani  Axmad Muumin Seed  

Xisbiga Waddani Gudoomiye-ku-Xigeen ayaan ka ahay, hankayguna wuxuu ahaa in aan noqdo Murashaxa Madaxwayne-ku-Xigeenka Xisbiga Waddani tacab badan ayaa iga galay maalintii Ururka uu ahaa ilaa maanta uu Xisbi yahay Waddani, qof iiga xaq badana Gobolka Awdal iyo Somaliland ma joogo haddii Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro leeyahay Beesha Axmed Muumin Seed ayaa yar oo aan tacabkii Xisbiga la soo galiyay la eegayn waa runtii, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro isaguna Murashax Xirsi Cismaana ha uga Tanaasulu kursiga Aniguna waan uga tanaasulayaa Murashaxa uu wato ee Maxamad Cali haddii kale ma hankaygii oo kaliya ayaa lagu tartamayaa isaguna waa kalidii miyay I qabataa.

Guurti talo yaqaan iyo gandoo waayo araga aya gartan qaaday

Guntii iyo gabagabadii waxaa gartaa helay Gudoomiye-ku-Xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, balse gartaa waxaa ganafka ku dhuftay oo diiday gogoshiina ka kacay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamad Cabdilaahi Cirro, waxaanse gartaa ku soo gunaanadayaa nin Shir ka kacay siigo yaraa.

Ugu danbayn waxaan guul u rajaynayaa Guddoomiye-ku-Xigeenka Xisbiga Waddani Axmad Muumin Seed oo garta helay tacab badan, dadaal iyo daacadnimo xambaarsanaa soo galiyay Xisbiga Waddani Alle ha ku guuleeyo hankiisa siyaasadeed Guddoomiye-ku-Xigeenka Axmed Muumin Seed, Qurba-joogana Alle xagiisii Qurbahah shaqo wanaagsan ha ku siiyo Aamiin Aamiin Aamiin .

Qalinkii Subeer Daahir

Falanqeeye Arrimaha Siyaasadda

waryaqaan@gmail.com