Somaliland: Nin 22 sanno tuugnimo ku shaqaynaayey oo sheegay in uu toobad keenay, bulshadana ka codsaday cafis

 

Khadar Cabdi Cabdillaahi, waa Aabbe 34 jir ah oo dhalay  hal ubad ah, waxaannu noloshiisa intii u badnayd ku soo qaatay xaalad qalafsan oo uu dadka dhibaato ugu geysan jiray. Waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada dadka dhaca ee tuugta ah, wuxuuse hadda sheegay inuu ka toobad keenay arrintaasi, kadib markii sida uu tilmaamay Ilaahay (SWT) garansiiyey in uu beddelo nolosha ku salaysnayd falalka tuugonimada iyo budhcadnimada ah,  isla markaa auu xoogiisa ku shaqeysto.

Khadar oo sida uu sheegay falalka tuugonimada ah ku shaqaysanayey muddo 22 sanno ah, kana dhaxlay dhibaatooyin badan oo saameeyey qoyskooda iyo qofnimadiisa, ayaa ka waramay nolosha tuugnimada, dhibaatooyinka naftiisa ka soo gaadhay, sidii uu ku bilaabay, heerka uu ka gaadhay iyo sababta ku keliftay inuu soo af-jaro, Ilaahayna u tooban keeno. Isagoo arrintaas ka hadlayana wax uu yidhi:

“Howshan tuugonimada ah, waxaan bilaabay sannadkii 1994-kii, waxaan ka bilaabay Hargeysa, annigoo ahaa carruura, dalka markaa waxaa ka socday dagaallo oo day-day qori sita ayaa jiray, annaguna day-day yar-yar oo makiinad qaata oo dadka jeebadaha iyo boorsooyinka ka jeexa ayaanu noqonay, waxaanna igu kelifay carruurnimo iyo caqligayga oo aan igu filnayn, waxaanan is idhi; “intii aad hebel odhan lahayd ‘wax i sii, waxaa ka wanaagsan adigoo ka qaata, isagoo hurda ama soo jeeda oo xaadir ah, markaa wuxuunbaa ila maray carruurnimo iyo waayo-aragnimo la’aan,  wakhtigaas laga soo bilaabo  ilaa sanadka 2016-ka ayaan ku dhex jiray tuugonimo oo ay ii ahayd mar aan dadka dhacayo iyo mar aan xabsi ku jiro.”

Sidaa waxa yidhi Khadar Cabdi Cabdillaahi oo waraysi dhinacyo badan taabtay siiyey tifaftiraha shabakadda wararka ee Gobanimonews Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale), kuwaasoo magaalada Hargaysa ku kulmay toddobaadkan.

Waxa uu sawir mugle ka bixiyey habka ay u shaqeystaan dadka tuugta ah, isuguna xidhan yihiin shebekaddaha dadka dhaca iyo kuwa ka macaasha, waxyaabaha ay xaddaan, isagoo goobaha lagu iibiyo allaabooyinka la soo xaday ku tilmaamay suuqyo  madow (Black Markets).oo ku yaal Hargeysa, balse waxa uu marka hore iftiimiyey sababta ku keliftay inuu joojiyo falalka tuugonimo ee uu ku shaqaysan jiray. Markale isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxa in wakhti xaadirkan aan ka baxo igu kalifay cimrigaygii oo dheeraaday, caqligaygii oo kordhay, ayaa waxaan ogaaday inaan dhibaato badan bulshada ku hayo, qofkii aan wixiisa dhacay uu naxayo, dabadeedna i soo habaarayo. Waxaan ogaaday in qofka aan hantidiisii ka xaday haddii uu i qabto uu iga aarsanayo, ama xabsi igu ridayo. Xabsiga markaan ka soo baxo ee aan dadka soo dhex galana la i faquuqayo oo la odhanayo ‘waa kii’!, taasoo intii hore marka la i takooro anniguna aan halkii ka sii wadi jiray, ilayn nin qoyani biyo iskama dhowree.” “laakiinse iminka annigoo aaminsan inuu Alle SWT yahay dambi dhaafe, sidaas darteed inaan toobad keeno oo aan ka dhex baxo xumaanta oo dadkii aan ka daayo dhibka oo aan xooggayga u shaqeysto ayaan go’aansaday,”

Waxaannu intaas ku daray:

“Markii aan go’aankan qaatay siddeed bilood ayaa ka soo wareegay hadda. Waxa dhacday annigoo iska daayey howshii tuugnimada, in halka aan is-taagaba bulshadii sas iga qaado, oo kaad shaqo waydiisataaba ku odhanayo rubuc jaad ah qaado, halkaana ka sii qadeeyoo  iska tag, oo kii aan kuuli waydiistaaba  sidaas igu yidhaahdo isagoo ka baqaaya inaan wax ka xaddo, hadda annigoo qalbigayga ay ku jirto inaan shaqeysto oo aan yoomkayga la la soo baxo oo daacad ah, ayaa haddana dadkii saskaa iga qaabaan, taas ayaana keentay in aan saxaafadda ka hadlo, dadkana u sheego in aan ka tanaasulay falalkii tuugonimo, Ilaahayna u tooban keenay.”

Waxa uu bulshada ka codsaday in la saamaxo oo ay dadka oo dhami saamaxaan, isna wuxuu sheegay inuu saamaxay qof kastoo waxyeello u geystay intii uu anshax-xumada iyo xatooyada ku jiray, waxaannu yidhi;

“Go’aankan aan qaatay anniga iyo Ilaahay ayaa is og, laakiin  dadweynaha waxaan  ka codsanayaa inay i saamaxaan wixii aan dhib u geystay oo dhami anniga oo aan hebel iyo hebel u garanayn, alle ka sekow waxaan leeyahay i saamaxa.”

Waxaannu intaas raaciyey:

“Dalka booliskii u horeeyey waa la dhaariyey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waa la dhaariyey, anniguna waan u dhaarayaa dadku haddii ay ku qanci waayaan inaan toobad keenay.”

Waxa kale oo uu codsaday in laga daayo faquuqa, lana aamino, maadaama uu hadda ka baxay tuugonimadii, isla markaa uu doonayo in laga caawiyo sidii uu nolosha caadiga ah ula qabsan lahaa, diyaarna uu u yahay inuu bulshada ka wacyi-geliyo dhaqan-xumada iyo falalka budhcad-nimada, isagoo si gaar aj farriin ugu diray asxaabtiisii ay isku mihnadda ahaayeen ee wali iyagu sii wada dhaca xoolaha umnadda (tuuggada boobka iyo xadista ah), waxaanu intaa ku daray:

“Ilaahay (SWT) wuxuu yidhi qofkii doonaya inuu i arkoow, abuurtayda eeg, abuurtiisiina dee adiga ayaa  is-eegaya, markaa waxaan leeyahay raggii aanu howshaa ku wada jirnayoow Ilaaha aniga i waafajiyey inaan go’aankan qaataa idinkana ha idin waafajiyo. Mar labaadka waxaan leeyahay dadka tuugta ah ninkii xidhanow maanta alle ha kugu nabadgeliyo jeelka’e markaad soo baxdo toobad keen sidayda oo kale, iska dhiib Masaajidada, kaalay saxaafadda, haddii aad wax kale garan waydo. Kuwa iminka magaalada ku jira-na waxaan leeyahay joojiya waxaad ku dhex jirtaan, beddela oo wax wanaagsan Ilaahay waydiista.”

Khadar Cabdi Cabdilaahi, isagoo sii wata farriinta uu u diray kooxaha dadka dhaca ee ay wada shaqeysan jireen, waxa uu dawladda iyo Shacbiga ka codsaday in shaqo-abuur loo sameeyo dadka tuugta ah ee Jeellasha ku soo barta xirfadaha gacanta, si buu yidhi ay uga maar-maan falalka tuugganimo ee ay ku kacayaan oo uu ku dooday inay ku kelifto noloshu.

 “Annigoo wacyi-gelinaya raggii aanu saaxiibada ahayn mid jeel ku jira iyo dibadda joogaba, dawladda waxaan ugu baaqayaa in shaqo-abuur na loo sameeyo, oo iminka jeelasha waxa lagu bartaa farsamada gacantee qofku markuu ka soo baxo aan suuqa lagu sii dayn ee la siiyo wuxuu ku shaqeysto ama meel uu ka shaqeeyo la geeyo.”

Waxa kaloo Khadar uu waraysigan kaga sheekeeyey noloshiisa tuugnimo intii xabsiga ku jiray, wakhtigii dheeraa xadhigiisa, dhibaatada uu ummadda u geysanayey saameynta ay ku yeelatay qoyskooda iyo dhacii ugu weynaa ee geystay intii budhcada ahaa.

“22-kii sannadood ee aan howshaas (tuugganimada) ku jiray  muddaddi aan xidhnaa markaan isu-wada geeyo 13 sannadood ayaan noloshayda xabsi ku qaatay. Xadhigii ugu dheeraa ee aan jeel ku xidhnaa wuxuu ahaa 3 sannadood. Hantidii ugu badnayd ee aan xaday waxay ahayd lacag dhan  sagaal kun oo doollar, shan iyo afartan kun oo bir iyo allaabooyin kale oo shandad ku wada jiray ($9000 + 45000 Bir Ethiopian birr), waxaanan anniga iyo nin kale goor subax ah ka xadnay meherad ka mid ah sarifleyaasha waaweyn ee suuga Hargeysa ee dhulka fadhiista, meheradaas waxa lahaa laba nin oo Suldaan iyo Awliyo la kala odhan jiray, falkaasi wuxuu sababay in la xidho xaaskaygii, hooyadii iyo Ninkii alaabta illa xaday, anniguna waan baxsaday, lacagtii aanu dhacnay waxaannu celinay markii dambe $4500 doollar, wixii kalena way nagu baxday,”

Waxa uu sheegay in qoyskiisa,siiba labadiisa waalid bulshada la qaybsanayeen dhibaato kasta oo uu kula kaco, waxaannu yidhi:

“Waxyaabaha hadda igu sii kalifay in aan ka baxo ax aka mid ah hooyaday oo intii aan dhibaatada ku dhex jiray iyadu mar walba ilayn waa qof wax dhalaye jeelka iigu imanaysay marka la I xidho, ka naxaysay marka ay maqasho waxbuu xaday, aakhirkiina qaaday xannuunno (dhiig-kar iyo Macaan) aanay lahaan jirin, annigoo waliba keliday ayey wax rag ah dhashay.”

bandhige@gmail.com