Cali-Gurey waxa uu dhaliil weyn u soo jeediyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), ayaa si weyn u dhaliilay xubnaha komishanka qaranka, isla-markaana ku tilmaamay qaar fadhiid ah oo aan hawlihii loo igmaday sidii la doonayey u qabanin.

Cali-gurey oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay xubnaha komishanku noqdeen qaar fadhiid ah oo muhmal geliyey kalsoonidii ay bulshadu ku qabtay inay doorasho dhacdo, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Cidda laga doonayo doorashada iyo in ay suuro gal tahay waa  toddobada xubnood ee komishanka ah. Toddobadii xubnood ee komishankuna sidii hablo gashaantimo ah ayey madaxa hoos u foorarinayaan, beeshii caalamka iyo xukuumadduna way kala tageen markii doorashooyinka la kala qaaday, ilaa haatana komishankii in wax ka dhiman yihiin iyo inay tubtii lagu qaban lahaa hayaan oo ugu yaraan doorashadii madaxtooyadu qabsoomayso inooma ay sheegin.anigu waxan qabaa doorasho kasoo muuqata Somaliland bisha March inaanay jirin.”

Guddoomiye Cali-gurey oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in aanay komishanka qaranku yaqiinsanayn awoodaha ay leeyihiin, isla-markaana aanay ogaal u ahayn cidda iska leh masuuliyadda doorashada, waxana uu yidhi:

“Komishanku awoodda ay leeyihiin iyo in iyagu ay yihiin cidda masuuliyadda qaadaysa ma oga, cidda laga rabo inay dalkan roorasho ka qabtaan, haddii aanay ka qaban karayna ay dadka u sheegaan inaanay ka qaban karaynin.”

Waxa uu tilmaamay in komishanka looga fadhiyo sidii ay dalka doorasho uga hirgelin lahaayeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:

“Waar nimanka lagu dhintay ee masuuliyaddu ay saaran tahay ee dalkan inay ama doorasho ka qabanayaan ama aanay ka qabanaynina waa komishanka, waana kuwa lagaga baxsan doono marka ay bisha March gaadho.”

bandhige@gmail.com