Geeridii Baashe Yuusuf Cadde: Guudmar Ku Saabsan Sooyaalkiisa, Tacsidii Bulshada iyo Gelbiskii Aaskiisa Q.1aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Geeridii Baashe Yuusuf Cadde: Guudmar Ku Saabsan Sooyaalkiisa, Tacsidii Bulshada iyo Gelbiskii Aaskiisa (Qormada 1aad)

Habeennimo Sabti ah oo ay Axadi soo gelayso kuna taariikhaysnayd 8dii Feberweri 2020ka, ayaan ogaaday geerida Marxuun Baashe Yuusuf Cadde Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyoe, bilihii u dambeeyay waxa uu u jiifay xanuun sababay in uu dhul yaal noqdo. Maalmaha uu galban doonana waxa isoo gaadhayay war ka dayrinaya xaaladdiisa. Waayitaanka qofka aad garanayso ee waalidka ahi waxa ay leedahay damaqeeda iyo dareenkeeda caloolyowga ah.

Marxuunku waxa uu ka mid ahaa xildhibaannadii Golaha Wakiillada Somaliland ee la kala diray 2005tii, markii doorashada la qabtay. Dhanka kale waxa uu ganacsade, siyaasi iyo waayeel ka qayb qaatay halgankii madax bannaanida iyo dhismaha dawladnimada Somaliland.

Gabbal-dhacaas uu Eebbe oofsaday, waxa warbaahinta bulshada hadheeyay dhambaalladii tacsida iyo tiiraanyada xambaarsanaa ee laga tebiyay dhimashadiisa. Haddii aan mid ka mid ah soo qaatana, dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum xildhibaan hore Baashe Yuusuf Cadde oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 09/02/2020, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Haldoor ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, kana mid ahaa Xildhibaannadii ugu horreeyey ee ay Somaliland yeelato, markii ay dib ula soo noqotay xorriyaddeeda, kuna suntanaa halgankii xornimo-doonka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Cawayska uu galbaday ayaan ogaaday in lagu aasi doono xabaalo ku yaalla deegaanka Toon ee Koonfurta Hargeysa, waxa xus mudan in Marxuunku ka soo jeeday qoyska Reer Yuusuf Cadde oo ย bixiyay dhulkaas danta guud ee qudhiisu ka mid noqday dadka lagu aasay. Dadka hore loogu duugay kobtan waxa ka mid ahaa Marxuun Sheekh Axmed Cali-Weerar, Marxuun Cali Ibraahin Maxamed Sanyare iyo Marxuun Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf. Intii aanu waagu beryin ayaan helay war ah in 09:00 aroornimo lagaga tukan doono Masaajidka Jamaacada Tabliiqa ee Bariga Hargeysa.

Subaxnimadii Axadda 9kii Feberweri 2020ka ayay guriga igu soo mareen Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela ย iyo ย Eng Maxamed Bedel Maxamed, iyada oo aanu goobta imannin dhoolligii siday Marxuun Baashe Yuusuf Cadde ayaanu gaadhnay masaajidka. Cabbaar ayaanu ka shaahaynnay maqaaxiyo dhinaca koonfureed ka xiga masaajidka.

Amin kaddib waxa na soo gaadhay dhoolligii iyo gaadiid kale oo la socday, xagga weysada ayaan u dhaqaaqay waxaanan u diyaar garoobay salaaddii jinaasada. Sheekh Cali Xuseen oo na tujiyay ayaa sheegay in lagu wada tukanayo saddex ruux oo ka kooban laba nin iyo gabadh, Hannaanka shareecadu fartay in loogu wada tukado dadka badan ee dhinta ayuu noo iftiimiyay. Wakhti aan badnayn ayaa la isla sugay dadka ku tukanaya ee darka weysada ku jeeda.

Markii salaaddu dhammaatay waxa aanu raacnay jidka badhtamaha Hargeysa annaga ka leexannay waddada ag marta saldhigga New Hargeysa ee dooxa ka tallawda, waddada Jameecada ayaannu Star kaga soo dhacnay, ugu dambaynna waxa aanu dhinaca galbeed uga leexannay Ambassador Hotel annaga oo cagta saarnay jidka degmada Sallaxley. Inta aanu sii soconno waxa laamida ku kulmayay baabuur tiro badan oo u socday ducada iyo aaska marxuunka. Halkaasna (Xabaalaha Toon) waxa lagaga tukaday boqollaal qof oo kale.

Sheekh Cismaan Cali Xuseen oo cod-baahiyaha dadka kula hadlayay ayaa qiray wanaaggii marxuunka oo xusay inuu ahaa qof masaajidka ku xidhay, waxa uu ku baaqay in la cafiyo haddii wax la kala tirsanayo. Waxa kale oo uu dadka faray in wixii deyn ama adduunyo ah lagala xidhiidho qoyskiisa. Sheekhu waxa uu tacsi u diray qoyska uu marxuunku ka baxay.

Sheekh Cismaan Cali Xuseen waxa uu tilmaamay sida uu wedku mahuraanka u yahay, looguna baahan yahay in la xasuusnaado. โ€œIsaga oo Baashe ka badbaaday xaalad daran oo gaadhigii uu saarnaa ay miino la qaraxday, ayay maanta tii xaqa ahaa u timi. Si kasta oo la yeelo wedka lama dhaafi kareen. Ha lagu samroโ€ ayuu yidhi Sheekh Cismaan.

Waxa aaska iyo ducada ka soo qaybgalay dadweyne fara badan, madax-dhaqameed, saxafiyiin, ganacsato, siyaasiyiin, culimo iyo qaybaha kala geddisan ee bulshada, kuwaas oo dhammaan ka marag furay dabeecaddii, dadnimadii iyo doorkii marxuunka.

Waxa aan ka xusi karaa:

La Soco qaybta labaad idanka Alle.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)