Geesigii kelida ahaa (WQ: Haldoor Ismaaciil Maxamed Aaden-Dhicir)

Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Dhiganaha maanta maqaaleed wuxuu ku saabsanaan doonaa sheeko qiseed cajiib ah kana dhacday dhulka somalidu degto waa nuqul kooban oo aan ka qaaday mar aan la kulmay jilaha sheekada.
Guuleed waa wiil leh qoys ka kooban 8 caruur ah iyo waalidkood ( aabo iyo hooyo ) waxuu kusoo barbaaray nolol dabaqada dhexe ah wuxuu ku jirray iskuulka dhexe galaaska 6aad markii aabihii faraax ajashii u timi tii xaqa ahaydna uu goay.
Aabihii wuxuu quutal daruuriga reerka kasoo saari jirray shaqada loo yaqaano xoog xaraashka waxaanu ahaa nin tuurtiisa ugu xamaala ubadkiisa iyo reerkiisa kuna filnaa dhamaan baahiyaha reerkiisa iyo wax barashada ubadkiisa wiilkiisa guuleed oo ku jirray dugsiga dhexe iyo 2 diisa hablood ee ku jirray dugsi quraanka.
Haddaba markii aabihiis dhintay guuleed waxaa afka kusoo kala qaaday reerkii oo dhamaystiran maadaama uu ahaa wiilka keliya ee uu reerku lahaa sidoo kalena ugu weyn reerka (currad kii reerka).
Waxaa ku cadaatay talo waxaana ku adkaatay meel uu wax ka bilaabo maadaama uu aad uyaraa oo uu jirray da’da 13 jirka.
Guuleed wuxuu goaan dhamaystirran ku gaadhay inuu iskaga tago dhamaan wax barashadii uu ku jirray si uu reerkooda ugu soosaaro quutal daruurigii iyo baahiyihii aabihii dabooli jirray. Sidoo kale wuxuu ku talo galay inuu ubadkooda dugsiga quraanka ku jirra halkaa ka sii wadaan ilaa heer dugsi maadi ay ka gaadhaan fiigoodana uu isagu u shaqo tago.
Guuleed wuxuu qaatay daasada baalashka waxaanu noqday baalashle (kabo caseeye) wuxuu suuqa weyn ee magalada kazoo shaqeeyaa quutal daruuriga reerkooda oo aan waxba ku filnayn weli muddo kadib wuxuu  dhigay daasadii isaga oo hudheel garawle ah ka bilaabay shaqo ah weel nadiifin, taas oo uu muddo ka shaqynayay ilaa uu ka sameeyay horumar wax barasheed oo uu habeenkii dhigan jirray iskuulada wax barashada dadban ama lagu barto luuqada luuqa English ta iyo xisaabta.
Wuxuu ka hanoqaaday maqaaxidii waxaanu heer ka gaadhay xisaabtii waxa uu iskuulka dhexe ka saaray walaaladii oo 3 ah.
Wuxuu u sahan galay inuu shaqo kafayn karaysa dugsiga sarre iyo reerka uu raadsado halka uu ka bilaabay xisaabiye inuu ka noqdo shirkad gaar loo lahaa oo ganacsi, muddo ka dib wuxuu ka midnoqday xisaabiye yaashii ugu caansanaa deegaanka halka uu markii dambe ka qabtay shaqo aad u dakhli mushahar badan isga oo gaadhay heer inuu ubadkoodiina geeyo jaamacada sanad kii labaadna xajka uu udirro hooyadiis oo curyaan ahayd sidaana uu isagu dhabarkiisa ku dawaafiyay hooyadiis.
Guuleed maanta waa aqoonyahan ka qalinjabiyay kuliyada dhaqalaaha iyo siyaasada sidoo kale 3 walaaladii ah ayaa iyaguna aqonyahan bartay kuliyadaha caafimaadka ku saabsan ee kala duwan oo isagu uu heerkaa gaadhsiiyay halka 4 ka yaryarina ay hadda uun ku jiraan dugsiga sarre.
Guuleed wuxuu muujiyay dedaal hanaan kartiyeed aad u qiimo badan waxaanu noloshiisa ku ladhay adkaan iyo samir Alle waana ka uu ku najaxay ee halkaa kusoo gaadhay isaga oo markasta ku riyoonayay ama ku hamiyayay inaanay noloshu baalash iyo nadiifiye keliya aanay ku dambaynayn ee ay imaan karaan kumaanaan heer oo laga gaadhi karro taasina ay tahay hadba halka aad adigu naftaada dhigto.
Ugu dambayn ha ilaabin xuska Alle dhamaan xaaladaha oo dhan kuwa kuu macaan iyo kuwa kugu qadhaadhba, u noolow inaad dunida saamaynteeda yeelato adoo u maraya dariiq saxan.
  ………Wabilaahi Tawfiiq……
WQ: Haldoor Ismaaciil Maxamed Aaden-Dhicir
Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan
Abwaan Dareen Cabirre Ah
Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha
Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan
Kafaalooda Arimaha bulshada
Siyaasada Somalida Iyo Caalamka
Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah
Dhexdhexaad Xeer-beegti ah
Xil Guudna Sidda.
Mob: +25263 409 48 55