Madaxweyne Donald Trump wuxu bedelay madaxii shaqaalaha Aqalka Cad

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u magacaabay xoghayihiisa Amniga gudaha John Kelly in uu noqdo madaxa Shaqaalaha Aqalka Cad, kadib markii xilkaasi laga qaaday Reince Priebus.

Go,aankan ayuu madaxweyne Trump ku iclaamiyey qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxyar kadib marki uu kasoo laabtay munaasabad uu kaga qeybgalay gobolka New York.

Reince Priebus, oo horay madax uga soo noqday Guddiga Qaran ee Jamhuuriga ayaa muddooyinkba bartilmaameed u ahaa hadalo la isla dhaxmarayey oo sheegayayey in uu qarka u saaranyahay in uu waayo shaqadiisa.

Waxa ugu danberyey hadal uu agaasimaha cusub ee Warfaafinta Aqalka Cad uu si aanan gabasha leheyn ugu duray Mr. Priebus oo uu ku sheegay in uu yahay qofka warbaahinta u dusiya siraha Aqalka Cad.

Sababaha dhabta ah ee ka danbeeya in uu xilkiisa waayo Reince Priebus ayaanan si rasmi ah loo caddeyn, balse labadi todobaad ee lasoo dhaafay wuxuu ahaa nin go’doonsan.

Iyada oo wariyaasha kula hadleysay Aqalka Cad, xalay fiidki ayey Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad Sarah Huckabee Sanders sheegtay, in wadahadalada ku saabsan xil ka qaadista ay muddo laba todobaad ka hor wada bilaabeen madaxweyne Trump iyo Reince.

Wareysi uu siiyey Telefeshinka CNN kadib marki uu iska casilay xilka ayuu Mr. Priebus dhankiisa ka sheegay in madaxweynaha uu doortay in uu qaato waddo kale.

Madaxa cusub ee shaqaalaha Aqalka Cad, John Kelly waa general afar xidigle howlgab ah oo usoo shaqeeyey ciidamada badda Maraykanka.

bandhige@gmail.com